You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Xanuunnada haweenka ku keena dhalmo la'aanta
Polyendocrine Metabolic Ovarian Syndrome (PMOS), oo hore loogu yaqaanay Polycystic Ovary Syndrome (PCOS), waa xaalad caafimaad oo saameysa ugxan-sidaha, isla markaana khalkhal gelisa hormoonnada. Waxay ku dhacdaa haweenka, gaar ahaan kuwa ku jira da'da dhalmada. Xaaladdani waxay saameyn kartaa caadada, maqaarka, miisaanka iyo awoodda uur qaadista.
Xaaladdan waxay dhacdaa marka ay jirto isu-dheellitir la'aan hormoonno oo ku timaadda jirka haweeneyda, taasoo ka hor istaagi karta ugxantu inay si habboon u korto oo ay u soo baxdo.
Xaaladdani waxay sidoo kale xiriir la leedahay habka ugxan-siduhu u sii daayo ugxanta.
Fibroid-ku waa xaalad ay dadka qaarkood la barbar dhigaan "cudur hurda", sababtoo ah calaamadihiisu mararka qaarkood muddo dheer si cad uma muuqdaan.
Waa buro ka samaysanta ilmo-galeenka haweeneyda, taasoo kori karta ilaa ay keento dhibaatooyin caafimaad oo kale.
Waa maxay farqiga u dhexeeya PMOS iyo fibroids?
Dkt. Bilal Suleiman, oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada haweenka kana howlgala Isbitaalka Tababarka ee Jaamacadda Abuja, Nigeria, ayaa sheegay inay jiraan dhowr arrimood oo lagu kala saaro xaaladahan:
Marka hore, PCOS waa xaalad saameysa ugxan-sidaha, halka fibroids-ka (burooyinka ka samaysma murqaha ilmo-galeenka) ay yihiin xaalad ka dhacda ilmo-galeenka.
Marka labaad, dhakhtarku wuxuu sheegay in hormoonka lala xiriiriyo fibroids-ka uu yahay estrogen, oo ah hormoon laga helo haweenka badankood, isla markaana ka caawiya jirka haweeneyda inuu yeesho astaamaha galmada ee dumarka. Heerka estrogen-ka oo aad u sarreeya ayaa ka qayb qaadan kara koritaanka burooyinka ku jira ilmo-galeenka. Dhanka PCOS, hormoonka inta badan lala xiriiriyo waa androgen. Taas macnaheedu waa in hormoonnada ku lug leh labada xaaladood ay kala duwan yihiin.
Farqiga saddexaad wuxuu ku saabsan yahay qaabka ay haweenku u yeeshaan dhiig-baxa caadada. Haweeneyda qabta fibroids waxay ogaan kartaa inay yeelato dhiig-bax aad u badan, mararka qaarkoodna hal mar si xooggan u yimaada, iyadoo sidoo kale maalmaha caadadu dheeraan karaan. Haweeneyda qabta PCOS, caadadu badanaa ma aha mid joogto ah; waxay iman kartaa maanta oo istaagi kartaa, ama toddobaadkan ayay iman kartaa kadibna istaagi kartaa, ka dibna laba toddobaad gudahood ayay mar kale soo noqon kartaa.
Mararka qaarkood, haweeneyda qabta PCOS waxay caadada ka maqnaan kartaa laba ama saddex bilood. Taasi way ka duwan tahay haweeneyda qabta fibroids, oo inta badan caadadeedu ay timaaddo bil kasta, inkastoo ay noqon karto mid aad u badan ama dheer.
Dkt. Suleiman wuxuu sheegay in mararka qaarkood, marka haweeneyda qabta PCOS ay caado hesho—gaar ahaan haddii ay laba ama saddex bilood ka maqneyd—ay yeelan karto dhiig-bax aad u badan. Xaaladaha qaarkood, dhiig-baxa noocaas ah wuxuu noqon karaa mid aad u daran oo u baahan daaweyn isbitaal ama qalliin.
Si kastaba ha ahaatee, fibroids-ku mar walba ma keenaan dhiig-bax.
Wuxuu intaas ku daray: "Haweeneyda qabta PCOS haddii aysan caadadu u imaan laba ilaa saddex bilood, mararka qaarkood waxay u malayn kartaa inay uur leedahay."
Dhakhtarku wuxuu sheegay in farqi kale oo u dhexeeya labada xaaladood uu yahay in haweeneyda qabta fibroids, marka burodu weynaato ay cadaadis saari karto kaadi-haysta ama mindhicirka.
Sida uu sheegay, tani waxay ka dhigan tahay in haweeneydu marka ay u baahato inay kaadido ay xanuun dareemi karto ama ay soo saari karto kaadi yar. Sidoo kale, marka ay musqusha gasho, cadaadiska ay buradu ku hayso mindhicirka ayaa keeni kara dhibaato ama adkaansho marka ay saxaroonayso.
Hase yeeshee, PCOS oo aan ahayn buro badanaa ma keento dhibaatooyinkan, maadaama ay inta badan la xiriirto isbeddellada hormoonnada iyo kiimikooyinka jirka.
Xiriirka u dhexeeya PMOS/PCOS iyo fibroids
Dkt. Bilal Suleiman wuxuu sheegay in ay jiraan qodobo ay labada xaaladood xiriir ama isku ekaansho ku leeyihiin.
Midda koowaad wuxuu yiri: "Labadan xaaladoodba waxay la xiriiraan dhibaatooyinka taranka," taas oo loola jeedo dhalmo la'aanta, inkastoo uu sheegay in fibroids-ku aysan si toos ah ula xiriirin dhalmo la'aanta.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladaha qaarkood, haddii fibroid-ku aad ugu weynaado ilmo-galeenka, waxay ka hor istaagi kartaa uurjiifka inuu si habboon ugu dhego xuubka ilmo-galeenka.
Mararka qaarkoodna fibroid-ku wuxuu xannibi karaa tuubbada ugxanta, taas oo ah tuubada isku xirta ugxan-sidaha iyo ilmo-galeenka, kana qayb qaadata kulanka ugxanta iyo shahwada.
Tani waxay adkeyn kartaa ama mararka qaarkood ka hor istaagi kartaa haweeneyda inay uur qaaddo.
Dhakhtarku wuxuu sheegay in PCOS ay tahay xaalad saameysa ugxan-sidaha haweeneyda, taasoo keenta in ugxantu aysan si habboon u soo bixin ka hor caadada. Caadi ahaan, haweeneydu waxay soo daysaa hal ugxan bishiiba, laakiin haweeneyda qabta PCOS mararka qaarkood ugxantu ma soo baxdo, taasoo adkeyn karta inay uur qaaddo.
Dhakhtarka ku takhasusay cudurrada haweenka ayaa sheegay in qodobka kale ee labada xaaladood isku xiriiriya uu yahay dhiig-bax badan, gaar ahaan xilliga caadada. Wuxuu sheegay in labaduba ay keeni karaan in haweeneydu dhiig ka badan inta caadiga ah lumiso, mararka qaarkoodna uu dhiig-baxu aad u bato.
Si kastaba ha ahaatee, Dkt. Bilal wuxuu sheegay in labadan xaaladood aysan xiriir la lahayn kansarka afka ilmo-galeenka, isla markaana qaar ka mid ah daawooyinka loo isticmaalo xakamaynta dhiig-baxa bukaannada qaba xaaladahan ay yihiin isku daawooyin.