Putin oo militeriga u tagay ka dibna qori qaatay

Published

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa mar kale kasoo dhex muuqday militeriga dalkiisa, kuwaasoo uu mar u tagay muddo hal bil ah ka hor. Balse markan waxa uu qaatay qori, rasaas ayuuna ka riday.

Toogashada uu sameeyay Putin waxa ay kusoo beegantay 8 bilood ka dib markii uu billowday dagaalka Ukraine.

Telefishinka dowladda Ruushka iyo kanaallo kale oo laga daawado waddankaas ayaa laga sii daayay Putin oo rasaas ka ridaya qoriga uu ka qaatay ciidanka.

Toogasho

Putin ayaa tagay xerada tababarka ee Ryazan, isagoo uu wehlinayay wasiirka gaashaandhigga ee Ruushka, Sergei Shoigu.

Waxa uu daneynayay in uu ogaado sida ay diyaar u yihiin ciidanka keydka laga soo bixiyay ee xeradaas loogu carbinayo si ay ugu biiraan dagaalka.

Madaxweynaha Ruushka ayaa markii uu militeriga dhex galay durbadiiba qaatay qori, waxa uuna askarta u muujiyay xirfaddiisa dhanka toogashada.

Wasiir Sergei Shoigu ayaa daawanayay madaxweynaha oo rasaasta ka ridaya meel aad ugu dhow.

Putin ayaa 21-kii bishii September ee sanadkan ku dhawaaqay in uu diyaarinayo ciidan cusub oo loo dirayo dagaalka Ukraine.

Hase yeeshee, si ka duwan ballantii uu horay u qaaday, go’aankaas ayaa noqday mid ka careysiiyay shacabka waxaana ka dhashay mudaharaadyo ka dhacay Ruushka.

Dhowr isbuuc uun ka dib, boqollaal kun oo ka mid ah muwaadiniinta Ruushka ee gaaray da’da lagu galo ciidanka ayaa isaga cararay dalkaas.

Isku dayga dadka Ruushka ay ku doonayeen in ay waddankooda uga baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan ayaa xaalado bani’aadannimo ka abuuray xuduudaha.

Dhanka kale, go’aanka abaabulka ciidamada cusub ayaa abuuray walaac aad u weyn oo ku saabsan in uu sii xoogeysto dagaalka ka socda Ukraine.

Ka hor inta uusan tallaabadan qaadin, markii ugu dambeysay ee uu Putin u hanjabay Ukraine waxa uu ugu qooddiyay hubka nuclear-ka.

Abaabulka ciidanka

Iskuucii lasoo dhaafay, mar uu Putin ku sugnaa caasimadda dalka Kazakhstan, ayuu ku dhawaaqay in diyaarinta ciidanka cusub lasoo afjari doono dabayaaqada bishan October.

Balse waxa uu jawaab la’aan uga tagay su’aasha la isweydiinayay ee ahayd in mar kale uu amar ku bixin doono ciidan cusub oo loo diyaariyo dagaalka Ukraine.

Sida ku cad xogta ugu dambeysay ee uu Putin ku sheegay magaalada Astana, in ka badan 222,000 oo askari ayaa ilaa hadda loo abaabulay iney ku biiraan dagaalka.

Qiyaastii 50,000 oo ka mid ah ciidankaas ayaa horayba ugu biiray unugyada kala duwan ee militeriga.

Balse Putin ma uusan sheegin tirada ciidanka cusub ee dhintay.

Putin ayaa sheegay in maadaama ay ciidamadan keydka ahaa muddo dheer khibrad u leeyihiin militeriga ay dhowr isbuuc keliya ku qaadaneyso in la abaabulo.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa lasoo tebinayay in ay sii badaneyso tirada ciidanka Ruushka ee dagaalka ugu dhimanaya khibrad yaraantooda awgeed.

Moscow ayaa dhawaan ku eedeysay dowladda Ukraine in ay isku diyaarineyso adeegsiga bamboo sababeysa qarax aad u weyn oo shucaacna hawada ku sii deyneysa.

Maanta oo Talaado ah ayaa la filayaa in Ruushku uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay hor geeyo eedeynta ka dhanka ah Ukraine ee la xiriirta bambadaas.

Warqad uu qoray danjiraha Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay, Vassily Nebenzia, ayuu ku sheegay in isticmaalka hubka noocaas ah ee Kyiv ay u arki doonaan “fal argagixiso oo loo adeegsaday nuclear”.

Dowladda Ukraine ayaa si weyn u beenisay eedeyntan.