Muxuu qabtaa gows caqliyeedka? Goorma ayaase loo baahan yahay in la saaro?

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, मरियम सुल्ताना
- Published
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Ilmaha markuu dhasho dhowr bil kadib ilko ayaa u soo baxaya, markuu gaaro da'da qaan-gaarka ku dhaw, dhamaan ilkaha way u dhameystirmaan.
Goowsyada ugu dambeeya ee ilkaha, caadiyan waxay soo baxaan qofku markuu qaangaaro, Soomaliduna waxay u taqaanaa gows caqliyeed ama xigmadeed.
Waxaa la aaminsan yahay in qofku markuu weynaado uu caqli iyo go'aan qaadasho fiican yeesho, sidaas darteed Ingiriisiga waxaa loogu yeeraa wisdom tooth, dhanka caafimaadkana waxaa loogu yeeraa third molar oo ah gowska saddexaad.
Hase yeeshee gows-caqliyeedka qof walba kama soo baxo, dadka qaar iwax dhibaato ah kuma hayo halka dadka qaar ay xanuun iyo dhibaato la kulmaan.
Laakiin gowskan muxuu dhaqso u soo bixin, maxayse u xanuun badan yihiin marka ay soo baxayaan?
Da'da rasmiga ah ee uu gows-caqliyeedku soo baxo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qofka weyn sida caadiga ah waxa auu leeyahay 32 ilkood. Afar kamid ah waxaa loo yaqaanaa goows caqliyeed, taas oo qof kasta aanu lahayn.
Waxaa jira dadka qaar oo uusan u soo bixin.
Sida ay sheegtay Ururka Ilkaha Maraykanka, gows caqliyeedka badanaa waxay bilaabaan inay soo baxaan inta u dhexeysa da'da 17 ilaa 21 sano.
Adeegga Caafimaadka Qaranka Britain ayaa sheegay in ilkahan badanaa ay soo baxaan inta u dhexeysa dhammaadka da'ada qaan-gaarka iyo da'da 25 sano.
Hase yeeshee, da'adaas ka dib xitaa waxaa laga yaabaa in dadka qaar ay u soo baxaan.
Maxaa sababa xanuunka marka uu soo baxayo?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haddii gows caqliyeedka u soo baxo si caadi ah , wax dhibaato ah maleh. Gowsahan waxay ka soo baxaan qaybta ugu dambeysa ee ciridka, sidaa awgeed waa mid xanuun badan marka uu halkaas ka soo baxayo maadaama meeshu ciriiri tahay inta badan.
Arrintani waxay sababi kartaa in ciridka ku wareegsan iligu uu bararo ama infekshan ku dhaco, xaaladdan oo loo yaqaanno 'pericoronitis'. Waxayna taasi mararka qaar horseedi kartaa in iligu qudhmo.
Machadka caafimaadka iyo cilmi-baarista ee Maraykanka ee Mayo Clinic wuxuu sheegayaa in arrintan ay sidoo kale waxyeello u geysan karto ilkaha ku dhow.
Xaaladan xanuun ka sokow ciridku wuu barari karaa waxaana qofka ku adkaan karta in afka uu kala qaado ama wax la calaliyo. Si kastaba ha ahaatee haddii uu si sax ah u soo baxo, wuxuu gacan weyn ka geystaa calaajinta cuntada.
Ma loo baahan yahay in la iska saaro?

Xigashada Sawirka, getty
Sida ay dhakhaatiirtu sheegaan, xanuunka gows caqliyeedka keliya micnaheedu ma aha in iligga qasab tahay in la saaro.
Sida uu qabo Adeegga Caafimaadka Qaranka Britain , gows-caqliyeedka badanaa lama saaro haddii aysan wax dhibaato ah keenayn.
Taa beddelkeeda, xaaladda ilkaha waxaa lala socdaa iyadoo qofku si joogto ah u booqanayo dhakhtarka ilkaha.
Si kastaba ha ahaatee, gowskan waa la saari karaa haddii uu ka dhasho caabuqyo cirridka ah oo soo noqnoqda, xanuun daran ama dalool iligga ku dhaca. Haddii ay jiraan dhibaatooyin kale sida malax ka dhasha, dhakhtarku wuxuu kugula talin karaa in iligga la saaro.
Caadi ahaan, ka hor inta aan iligga la saarin, waxaa cirridka lagu mudaa irbad suuxdin ah.
Suuxdintan waxay kabaabisaa qaybta afka ee iligga ku xeeran, sidaas darteed qofku xanun ma dareemayo.












