Carada iyo dhaleeceynta ka dhalatay wasiir Israa'iili ah oo booqday Masjidka Al-Aqsa

Xigashada Sawirka, @ITAMARBENGVIR
Dalal badan oo Carbeed oo ay kamid yihiin Sacuudiga, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, iyo gayiga Falastiin ayaa si kulul u dhaleeceeyay wasiirka midigta-fog ee Israa'iil Atamar Bengweir oo booqasho ku tagay masaajidka barakeysan Al-Aqsa ee ku yaalla magaalada Qudus.
Wasiirka amniga ee Israa'iil, Atamar Ben Gewer ayaa shalay booqday Masjidka Al-Aqsa, iyadoo ammaanka si weyn loo adkeeyay.
Atamar Bin Guwer ayaa maalmo ka hor loo dhaariyay xilka markii uu dhawaan talada qabtay Ra'iisal wasaare Netanyahu.
Goobta uu masaajidka ku yaallo ee magaaalada Qudus waa meesha ugu muranka dheer caalamka tan iyo sanadkii 1967 xilligaas oo Israa'iil ay qabsatay bariga Qudus oo ay ka mid tahay qeybta qadiimiga ah ee magaalada.
Masaajidka Al-Aqsa wuxuu kamid yahay goobaha barakeysan ee Muslimiinta halka Yuhuudda uu u yahay meel barakeysan oo ay u yaqaannaan (Temple Mount).
"Waa aag ay leeyihiin Falastiiniyiinta, Carabta iyo Muslimiinta"
Falastiiniyiinta ayaa si kulul u cambaareeyay booqashadii wasiirka Israa'iil uu ku tagay masjidka Al-Aqsa, iyagoo booqashadiisa ku tilmaamay 'daandaansi halis ah oo sii hurinaya colaadda.
Ra'iisul wasaaraha Falastiin Maxamed Ashtia ayaa booqashada Atamar Bin Guerr ee masjidka ku sheegay inay tahay tallaabo "xadgudub ku ah dhammaan mabaadii'da, qiyamka, xeerarka caalamiga ah, sharciyada iyo ballanqaadyada Israa'iil."
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, afhayeen u hadlay ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa booqashadiisa ku tilmaamay arrin "dambi ah" isagoo wacad ku maray in aaggaas uu sii ahaan doono dhul ay leeyihiin "Falastiiniyiinta, Carabta iyo Islaamka".
Ben Gower ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray fariin uu u diray Xamaas isaga oo yiri "Ma jirto dawlad Israa'iil ah oo aan ka tirsanahay oo u hoggaansami doonto urur argagixiso".
Waxaa kale oo uu Twitter-ka soo dhigay "Haddii Xamaas ay u malaynayso in hanjabaaddooda ay wax iga joojineyso, waxay u baahan yihiin inay ogaadaan in waqtiga uu isbeddelay oo ay hadda dawlad ka jirto Quddus".

Xigashada Sawirka, Reuters
Falcelinta dalalka Islaamka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Pakistan, Bilawal Bhutto ayaa dhaleeceeyay booqashada wasiirka amniga ee Israa'iil ee Al-Aqasa, wuxuu yiri "Pakistan si adag ayay u cambaareynaysaa booqashadii aan dareenka lahayn ee daandaansiga ahayd ee uu wasiirka Israa'iil ku tagay Masjidka Al-Aqsa."
Dhinaca kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sacuudiga ayaa iyaduna dhaleeceysay socdaalka wasiirka oo ay ku tilmaantay mid xaaladda hurin kara.
Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in tallaabadan uu qaaday wasiirka amniga ee Israa'iil ay tahay arrin caqabad ku ah dadaallada nabadeed ee caalamiga ah, isla markaana ka hor imaanaysa xeerarka caalamiga ah ee la xiriira diimaha.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Iiraan oo ka falcelinayay booqashadan ayaa sheegay in booqashada wasiirka uu ku tegay goobaha barakeysan ee Falastiin oo uu kamid yahay Masjidka Al-Aqsa ay tahay arrin xadgudub ku ah shuruucda caalamiga ah oo meel ka dhac ku ah qiyamka Muslimiinta.
Warsaxaafadeed kasoo baxay dalka Imaaraatka Carabta ayaa ku baaqay 'in la joojiyo falalka halista ee daandaansiga ah' ee ka dhanka ah masjidka Al-Aqsa.
Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale ka codsaday maamulka Israa'iil inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda gobolka.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Waa kuma wasiirkan booqday masjidka Al-Aqsa?
Siyaasiga Atamar Bin Guer oo 46-jir ah ayaa horay loogu cambaareeyay falal la xiriira cunsurinimo iyo kicin nacayb horseedi karta. Waxa uu ku nool yahay Daanta Galbeed.
Xisbiga Itamar Ben Gower ee Utamsa Judaism waa awooda saddexaad ee ugu weyn siyaasadda Israa'iil, waxayna qeyb ka yihiin isbaheysiga ka shaqeeya fikradda 'Sionism ee Diimaha'.
Isbaheysiga siyaasadeed oo ay ka tirsan yihiin xubnaha midigta fog ayaa ku guuleystay doorashadii dhowaan ka dhacday Israa'iil, waxay soo dhiseen dowlad bahwadaag ah oo ay kasoo muuqdeen xubnaha midigta fog.
Kaddib natiijadii doorashada, Ben Gower wuxuu yiri 'midigta fog waxaa xil ka saaran inay u shaqeyso dhammaan reer Israa'iil, oo ay ku jiraan kuwa i neceb.'















