Jahawareer ka taagan meydadka gabdho Sacuudi ah oo laga helay Australia

Amaal Abdullah Alsehli (bidix) iyo Asra Abdullah Alsehli

Xigashada Sawirka, NEW SOUTH WALES POLICE

Published

7-dii June ee sanadkan, laamaha ammaanka ee Australia ayaa gaaray guri ku yaalla magaalada Sydney oo hortiisa ay daadsanaayeen warqadaha boostada oo muddo aan la qaadin.

Markii ay gudaha u galeen guriga ayaa waxa ay arkeen meydadka laba gabdhood oo walaalo ah, kuwaas oo u dhashay Sacuudi Carabiya.

Laba bilood iyo baaritaan dheer kadib, booliska Australia ayaa weli heli la’ caddeymo ku aaddan waxa helay Asra Abdullah Alsehli oo 24 jir ahayd iyo walaasheed Amaal Abdullah Alsehli, oo 23 jir ahayd.

Ma muuqan wax muujinayay in gurigooda xoog lagu galay, ama dhaawac lagu arkay jirka gabdhaha dhintay. Booliska ayaa geeridooda ku tilmaamay mid tuhun dhalisay.

Baaritaan lagu sameeyay meydadka ayaan weli lagu oggaan waxa horseeday geerida gabdhahaas.

Maxaa laga og yahay gabdhaha?

Wax badan lagama oga gabdhahaas oo la sheegay inay Australia tageen sanadkii 2017, kadibna ay halkaa ka codsadeen magangelyo qaxootinnimo.

Booliska ayaa sheegay in uusan jirin tuhun ah in geerida ay ka dambeeyeen qoyska gabdhahaas.

Labada gabdhood ayaa ka shaqeynayay waaxda taraafikada ee Sydney, waxaana ay wax ka baran jireen iskuul farsamada gacanta ah.   

Dadka xaafaddaas ayaa u sheegay booliska in gabdhaha ay ahaayeen kuwo aan kala harin oo ku koobnaa gurigooda iyo goobtooda shaqada.

Maamulaha guriga u kireysnaa gabdhaha ayaa sheegay in bilo ka hor geeridooda ay maalin ka codsadeen inuu u eego muuqaalka ay duubtay kaameerada banaanka, maadaama ay ka shakiyeen in cunnada ay dalbadaan wax loogu daray.

Inkastoo booliska aanay xog badan ka bixin kiiskan, ayaa haddana waxaa si weyn u hadal haya shacabka Australia oo doonaya inay ogaadaan sababta geerida gabdhahaas walaalaha ah.

Guriga ay deganaayeen gabdhaha

Xigashada Sawirka, REALESTATE.COM

Warbaahinta Australia

 

Warbaahinta Australia ayaa siyaabo kala duwan uga warramay geerida labada gabdhood. Qaar ayaa ku warramay in gabdhaha ay midkood ka baxday Diinta Islaamka, halka tan kalena ay xiriir jaceyl la lahayd dumar kale. Labadaas ficil ayaa ah kuwo mamnuuc ka ah gudaha Sacuudiga.

Warbaahinta Australian Broadcasting Corporation (ABC) ayaa sheegtay in katiinado macatab leh lagu arkay qolalka gabdhahaas.

Warbaahin kale ayaa ku warrantay in labada gabdhood loo diiday magangelyadii ay codsadeen, kadibna ay iska bixin waayeen kharashka guriga.

Qof aan magaciisa la sheegin ayaa u sheegay ABC in nin aan heybtiisa la garan dhowr jeer lagu arkay guriga gabdhaha ka hor geeridooda.

Booliska ayaan ka hadlin wararkaas aan la xaqiijin ee ay baahisay warbaahinta Australia. BBC-du ma aanay u suuragelin inay xaqiijiso sheegashooyinkaas.