Weerrarkii toorreyda Canada: Qof laga shakisnaa oo maydkiisa la helay

Walaalaha looga shakisan yahay iney weerarka geysteen

Xigashada Sawirka, RCMP SASKATCHEWAN

Published

Booliska Canada ayaa waxa ay sheegeen in la helay maydka mid kamid ah labadii nin ee looga shakisnaa inay fuliyeen weerrarkii ay dadka badan ku dhinteen ee Axaddii lagu qaaday gobolka Saskatchewan.

Maydka Damien Sanderson, oo 31-jir ahaa, ayaa waxaa laga helay degmada James Smith Cree Nation, halkaas oo ay degganaayeen dhowr qof oo kamid ah dhibbanayaasha, ayey boolisku sheegeen.

Labada qof ee laga shakisanyahay ayaa walaalo ahaa booliskuna waxa uu sheegay in Myles Sanderson aanan weli gacan lagu hayn lana rumaysan yahay inuu ku sugan yahay magaalada Regina.

Axaddii ayaa waxaa tooray nafta loogaga jaray 10 qof, qulqultadaas oo ah tii ugu xumeyd ee Canada ka dhacda sanadahan dambe.

Weerrarada – oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen 18 qof oo kale – ayaa waxa ay ka dhaceen deegaan fog oo ku yaal gobolka Saskatchewan.

Magaalada Regina, oo ah caasimadda gobolkaasi, halkaas oo ah bartii ugu dambaysay ee lagu arkay dadka laga shakisanyahay, ayaa qoysaska iyo bulshooyinkaba waxa ay u baroor diiqayaan dadka ay dhibaatada soo gaartay.

Hasayeeshee fiidkii Isniinta ayaa bartamaha magaalada waxaanan ka muuqanayn wax astaan ah oo muujinaya in qof la baadigoobayo. Magaalada ayaa inta badan deganayd oo qoysasku waxa ay wadajir ku qaadanayeen fasaxa shaqaalaha.

Sidaas oo ay tahayse, deganaantaan waxaa dhabqiyay digniinno ku soo dhacayay taleefannada oo ka digayay in mid kamid ah labada nin ee laga shakisanyahay uu weli baxsad yahay.

Waxaa baadigoobka ka qeyb qaadanaya ciidammada booliska ee saddexda gobol ee kala ah – Saskatchewan, Manitoba iyo Alberta.

Dhibaatada ka dhalatay qulqulatada ayaa ku faaftay gobolka Saskatchewan oo caadiyan ah mid ammaan ah, iyadoo boolisku ay baarayaan 13 goobood oo kala gadisan oo ay faldambiyeedyo ka dhaceen.

Damien iyo Mayles ayaa waxaa lagu eedeeyay inay dilgaysteen walow aanan la soo xirin.

Goobta uu weerarka ka dhacay

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kaaliyaha taliyaha booliska ee gobolka ay dhibaatadu ka dhacday, Rhonda Blackmore ayaa waxa ay shir jaraa’id ka sheegtay in “ninka dhintay” lagu arkay James Smith Cree Nation saacaddu markii ay aheyd 11:30 waqtiga maxalliga ah (17:30 GMT).

Markii dambe saacaddu markii aheyd 13:17 duhurnimo ee Isniintii ayaa la xaqiijiyay in “ninka dhintay uu ahaa Damien Sanderson”

Waxa ay weriyayaasha u sheegtay in “maydka ninkaasi laga helay meel caws badan oo aanan ka fogayn guri ay baareen” mas’uuliyiinta.

Marwo Blackmore ayey sheegtay in maydka Damien ay ku yaalleen “dhaawacyo” kuwaas oo aanan “la rumaysnayn inuu isagu isgaarsiiyay marka la eego waqtigan la joogo”.

Xaalad degdeg ah ayaa waxaa loogaga dhawaaqay degmada James Smith Cree Nation – halkaas oo ay deggan yihiin dadka asal ahaan loogu tegay dalkaasi oo waxaa halkaasi ku nool 2,000 oo qof halkaas oo u dhaw tuulada waqooyi bari Weldon, goobtaas oo iyana ay ku nool yihiin 200 oo qof.

Dadka ku nool degmooyinka Manitoba iyo Alberta ee gobolka Saskatchewan oo dhan ayaa taleefannada waxaa loogu diray farriin loogu sheegayo inay ka digtoonaadaan dad halis ah oo dhuumaalaysanaya, gobolkaas oo ah mid aad u ballaaran oo masaafadiisa ay u dhiganto kala bar dhulka ay ku fadhiso qaaradda Yurub.

Ra’iisul wasaaraha waddanka Canada Justin Trudeau ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka waxa uu weerrarka ku tilmaamay mid “waxashnima ah oo wadno-goys ah”.

Waa uu sii hadlay oo bayaan kale ayaa waxa uu sheegay in “uu aad uga xumaaday weerrarada waxshinimada ah ee maanta dhacay.” Waxa uu bayaanku intaasi ku daray “Dadka mas’uulka ka ah weerrarada naxariis-darrada ah waxaa qasab ah in cadaaladda la horkeeno.”