Weerrar tooray loo adeegsaday oo ay dad badan ku dhinteen oo Gilgilay Canada

Xigashada Sawirka, Reuters
Ugu yaraan 10 qof ayaa dhimatay 15 kalana waa ay dhaawacmeen kaddib weerrar tooray loo adeegsaday oo ka dhacay gobolka Saskatchewan ee bartamaha waddanka Canada, booliska ayaa sidaasi sheegay.
Dhibanayaasha ayaa waxaa laga helay 13 aag oo ku yaal degmada James Smith Cree Nation iyo tuulada u dhaw ee Weldon.
Laba nin oo laga shakisan yahay oo lagu kala magacaabay Damien Sanderson, oo 31-jir ah, iyo Myles Sanderson, oo 30-jir ah, ayaa goobta ka baxsaday waxaana loo malaynayaa inay hubaysan yihiin oo halis gaysan karaan.
Dadka deegaanka ayaa waxaa loo sheegay inay gabbaad raadsadaan, xilli gobolkaasi aadka u ballaaran uu ka soconayo baadigoob xooggan.
Booliska gobolka Saskatchewan ayaa waxa ay bartooda Twitterka soo dhigeen farriin ay ku sheegayaan in dadka “Ha ka soo bixina meelaha ammaanka ah ee aad ku sugan tihiin. Digtoonaada marka aad guryihiinna dad kale ka furaysaan.”

Xigashada Sawirka, RCMP SASKATCHEWAN
Baro koontarool ayaa la sameeyay, iyadoo booliskuna ay baarayaan aqoonsiga dadka safraya, darawallada gawaaridana waxaa laga codsaday in aanay soo qaadin cid aanay garayn.
Xaalad degdeg ah ayaa waxaa loogaga dhawaaqay degmada James Smith Cree Nation – halkaas oo ay deggan yihiin dadka asal ahaan loogu tegay dalkaasi oo waxaa halkaasi ku nool 2,000 oo qof halkaas oo u dhaw tuulada waqooyi bari Weldon, goobtaas oo iyana ay ku nool yihiin 200 oo qof.
Dadka ku nool degmooyinka Manitoba iyo Alberta ee gobolka Saskatchewan oo dhan ayaa taleefannada waxaa loogu diray farriin loogu sheegayo inay ka digtoonaadaan dad halis ah oo dhuumaalaysanaya, gobolkaas oo ah mid aad u ballaaran oo masaafadiisa ay u dhiganto kala bar dhulka ay ku fadhiso qaaradda Yurub.
Ra’iisul wasaaraha waddanka Canada Justin Trudeau ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka waxa uu weerrarka ku tilmaamay mid “waxashnima ah oo wadno-goys ah”.
Waa uu sii hadlay oo bayaan kale ayaa waxa uu sheegay in “uu aad uga xumaaday weerrarada waxshinimada ah ee maanta dhacay.” Waxa uu bayaanku intaasi ku daray “Dadka mas’uulka ka ah weerrarada naxariis-darrada ah waxaa qasab ah in cadaaladda la horkeeno.”
Shir jaraa’id oo boolisku uu qabtay fiidkii Axadda ayaa waxa ay mas’uuliyiintu ku sheegeen inay jiri karaan dad badan oo dhaawac ah oo isgeeyay isbitaallada, kuwaas oo ay ka codsadeen inay la soo xiriiraan.
Rhonda Blackmore, madaxa booliska gobolka Saskatchewan ayaa sheegay inay suuragal tahay in qaar kamid ah dadka ay bartilmaameed u ahaayeen laba nin ee laga shakisan yahay, halka la rumaysan yahay inay jiraan dad kale oo “si teel teel ah loo weerraray”.













