TOOS, Dowladda Soomaaliya oo digniin culus dirtay, sheegtayna in hub culus loo adeegsaday dhacdadii Howl-Wadaag

Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in tan iyo shalay galab iska hor'iaamdyo goos goos ah ay ka dhacayeen degmooyinka Hawlwadaag iyo Cabdicasiis.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Zelensky oo Putin ugu yeeray in ay yeeshaan wada-hadal fool-ka-fool ah.

    Zelensky oo Putin ugu yeeray in ay yeeshaan wada-hadal fool-ka-fool ah.

    Xigashada Sawirka, EPA

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku baaqay kulan fool-ka-fool ah oo dhex mara isaga iyo Vladimir Putin, isagoo mar kale dadaal ugu jira sidii loo soo afjari lahaa dagaalka.

    Warqad furan oo uu u diray madaxweynaha Ruushka, hoggaamiyaha Ukraine ayaa sheegay inay “khalad noqon doonto in si fudud loo sugo” ilaa dagaalka Yurub uu mar kale noqdo arrinta ugu weyn ee ay diiradda saarto Mareykanka, isagoo intaas ku daray in nabaddu ay ku imaan karto oo keliya “wada-hadal toos ah oo u dhexeeya” Ukraine iyo Ruushka.

    Sidoo kale wuxuu ku baaqay xabbad-joojin buuxda inta ay soconayaan wada-hadallada la soo jeediyay

    Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay inuu “wax aad u wanaagsan” u arko haddii labada hoggaamiye ay kulmi lahaayeen. Kremlin-ka ayaa sheegay inay heshay warqadda, islamarkaana Putin loo gudbin doono xogteeda.

    Sheekooyin kale

  2. Qatar iyo Turkiga oo ka wada hadlay halka ay marayaan wada-hadallada nabadda ee u dhexeeya Iraan iyo Maraykanka

    Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar, Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al-Thani, ayaa kulan telefoonka ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, iyaga oo ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya labada dal.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa qoraal ay ku baahisay barta X ku sheegtay in labada dhinac ay ka wada hadleen dadaallada dhexdhexaadinta ee u dhexeeya Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan iyo hababka lagu taageeri karo geeddi-socodkan.

    Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Qatar iyo Turkiga ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda isku-duwidda dadaallada lagu taageerayo hindiseyaasha diblomaasiyadeed ee looga gol leeyahay dhimista xiisadaha iyo xoojinta amniga iyo xasilloonida gobolka.

    Intii uu socday wada-hadalkan, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in dhammaan dhinacyadu taageeraan dadaallada dhexdhexaadinta ee socda, iyagoo sheegay in geeddi-socodkani uu furi karo waddo lagu xalliyo sababaha salka u ah qalalaasaha iyadoo la adeegsanayo wada-hadal iyo xalal nabadeed, isla markaana horseedi karo heshiis waara oo ka hortaga in xiisaduhu mar kale sii kacaan.

    Sheekooyin kale

  3. Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee Iiraan iyo Pakistan oo kulan gaar ah yeeshay xilli ay ku sugnaayeen shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Shanghai

    Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Iiraan, Eskandar Momeni, ayaa la kulmay dhiggiisa Pakistan, Mohsen Naqvi, intii uu socday shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Shanghai ee ka dhacay Bishkek, caasimadda Kyrgyzstan.

    Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan kulanka lama shaacin.

    Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Pakistan ayaa horaantii bishan booqasho ku tagay Iiraan isaga oo ay weheliyaan Field Marshal Asim Munir, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Ciidanka Pakistan.

    Booqashada mas’uuliyiinta Pakistan ee Iiraan ayaa lagu fuliyay qaab dhexdhexaadin ah oo la xiriirta wada-hadallada u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka.

    Sheekooyin kale

  4. Trump oo sababta uu Iiraan u weeraray ku sheegay dal Jeceyl

    Trump oo qararka la anxisiyey ku tilmaamay mid aan waddanka u hiilineyn.

    Donald Trump ayaa dhaleeceeyay codbixintii Aqalka Wakiillada Mareykanka ee lagu xaddidayay awoodihiisa dagaal, isla markaana meel mariyey qaraar lagu diidayo dagaalka Iiraan, waxa uuna Trump sheegay in tallaabadaasi timid xilli uu ku jiray “wada-hadalladii ugu dambeeyay” ee lagu soo afjarayay dagaalka lala galay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

    “Yaa samayn lahaa fal sidan oo kale ah oo aan dal jeceyl ahayn?” ayuu yiri.

    Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa shalay meel mariyay qaraar muujinaya diidmadiisa dagaalka uu Mr. Trump kula jiro Iiraan. Si kastaba ha ahaatee, qaraarkaas ma aha mid sharci ahaan khasab ah in la fuliyo, wuxuuna u badan yahay hadal ama calaamad muujinaysa mucaaradka ka dhanka ah siyaasadda dagaal ee Mr. Trump ee ku wajahaan Iiraan.

  5. Daawo:Muqaal cusub oo muujinaya xilliga ay diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Iran duqaysay madaarka Kuwait

    Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Muuqaal cusub oo muujinaya xilligii diyaarad aan duuliye lahayn oo Iiraan ka timid ay duqeysay garoonka Kuwait

    Muuqaal cusub oo ilaalo ah oo ay baahisay Agaasinka Guud ee Duullimaadka Rayidka ee Kuwait ayaa muujinaya xilligii garoonka diyaaradaha Kuwait ay duqeeyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran Arbacadii.

    Hal qof ayaa ku dhintay in ka badan 60 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarkaas oo burbur xooggan ka soo gaaray goob ay rakaabku saarnaayeen.

    Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca Kuwait ayaa ku tilmaamay weerarka "gardarrada ah ee Iran", halka wasaaradda arrimaha dibadda ay sheegtay in weerarka uu waxyeello ka soo gaaray xarumaha diblomaasiyadeed.

    Lifaaqa kore ka daawo muuqaalka:

  6. 'Rabshaduhu waa kuwo aan laga fiirsan': Sida dunidu uga falcelisay dagaalka Muqdisho

    Xaaladda ka taagan magaalada Muqdisho iyo dagaalka ka dhacay ayay si weyn uga digeen beesha caalamku, iyagoo sheegay in tani tahay wax laga baaqsan karay saamayn baaxad lehna ku yeelanaysa mustaqbalka Soomaaliya.

    "Rabshadaha ka socda Muqdisho waa kuwo aan laga fiirsan." Ayaa lagu yidhi qoraal ay daabacday Safaaradda Maraykanka ee caasimadda Soomaaliya.

    "Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee dhammaan dhinacyada waxay leeyihiin mas'uuliyad ka saaran ilaalinta xasilloonida, isla markaana ay khilaafaadka ku xalliyaan si nabadeed"

    Warkaas oo lagu daabacay barta X ayay dowladda Maraykanku ku tidhi in talaabooyinka la qaado maalmaha soo socda ay saamayn ku yeelanayaan mustaqbalka Soomaaliya.

    "Tallaabooyinka la qaado saacadaha iyo maalmaha soo socda waxay yeelan karaan cawaaqib waara oo saameeya amniga, midnimada, iyo mustaqbalka Soomaaliya." Ayaa lagu gunaanaday baaqa Maraykanka.

  7. Dowladda Soomaaliya oo digniin culus dirtay

    Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Taliyaha booliiska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin oo loo yaqaanno Macallin Mahdi ayaa shir jaraa’id oo uu goor dhow ku qabtay magaalada Muqdisho kaga hadlay dhacdadii shalay galab ee magaalada Muqdisho, isagoo sidoo kale soo bandhigay hub kala duwan oo uu sheegay in laga qaaday ilaalada qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka.

    “Runtii waa ayaan darro anaggo diigniinno kala duwan gaarsiinnay dad badan shacabka Soomaaliyeedna gaarsiinnay in caaismaddan iyo dalkan iyo dadkanba aysan u baahneyn qalqalgelin amni, iyo qori iyo xabbad iyo bannaanbax rabshad wata oo ujeeddadiisu tahay in caasimaddan lagu suurad xumeeyo.” Ayuu yiri.

    Wuxuu ku tilmaamay in dhacdadaas ahayd mid qalqalgelin ah oo loo adeegsaday hub waaweyn.

    Wuxuu intaa ku daray “in hay‘adaha ammaanka ay la wareegeen ciidamadii dagaallamayay iyo hub”. Isagoo diray digniin ah in dhacdooyinkaas oo kale aan la aqbali Karin.

    “Marnaba shalay maanta ma aha ee ka jooga oo digniinteenna qaata. Qoryihiinna soo dhiiba, dadka idiin dhiibay qoryahana kasoo taga oo shacabkiinna u tura. Marka gacanta la idinku soo dhigo cafis ma jiro.” Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

    Warar dheeraad ah:

  8. Xisbullah oo diidady xabbad-joojin cusub oo ay ku heshiiyeen Israa'iil iyo Lubnaan

    Xisbullah

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Kooxda hubaysan ee Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa si adag u diiday shuruudaha xabad joojinta uu Maraykanku taageerayo ee u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan.

    War qoraal ah oo si adag loo hadal hayay ayuu hoggaamiyaha kooxda ay Iran taageerto Naciim Qasem ku sheegay in wada xaajoodku uu ahaa "mid aan waxba tarayn" oo " bahdilaad ah" Lubnaan, waxaana si cad u diiday "qaybaha ballaaran ee dadka Lubnaan".

    Waxay timid ka dib markii Israa'iil iyo Lubnaan ay ku dhawaaqeen dib u cusboonaysiinta xabbad joojintooda jilicsan ee abuurista "aagagga ammaanka" ee gudaha Lubnaan kuwaas oo laga mamnuuci doono hawl-wadeennada Xisbullah.

    War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen arbacadii wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, ayay saddexda dal ku sheegeen in heshiisku uu “ku xiran yahay in gebi ahaanba la joojiyo dagaalka” oo ay fulinayso ururka Xisbullah.

    Warar dheeraad ah:

  9. Israa'iil oo lagu eedeeyay inay 11 qof ku dishay Qasa

    Gaza

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Sida ay sheegeen ilo caafimaad iyo goobjoogayaal, ugu yaraan 11 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, halka daraasiin kale ay ku dhaawacmeen duqeymo cirka ah oo Israa’iil ka fulisay qaybo kala duwan oo ka tirsan Magaalada Gaza.

    Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa waaberigii Khamiista weeraray ugu yaraan afar dhisme oo la deggan yahay oo ku yaalla xaafadaha Sheikh Radwan iyo Tel al-Hawa, iyo sidoo kale xerada qaxootiga ee Shati, taasoo sababtay qaraxyo xooggan iyo argagax soo wajahay dadka deegaanka.

    Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo la sheegay inay muujinayaan wixii ka dambeeyay weerarrada, ayaa waxaa ka mid ahaa sawirro murugo leh oo muujinaya dad isku dayaya inay ka baxsadaan dhisme dab qabsaday oo ku yaalla xerada Shati.

    Ciidamada Israa’iil weli wax faallo ah kama aysan bixin weerarradan.

    Goobjoogayaal ayaa u sheegay BBC-da in saddex diyaaradood oo qumaatiga u kaca ah oo Israa’iili ah ay muddo gaaban dul heehaabayeen xeebta Magaalada Gaza ka hor intaysan si isku mar ah u qaadin weerarro lagu bartilmaameedsaday dhismayaashaasi.

    Warar dheeraad ah:

  10. Geesiga toogashadii Bondi Beach oo xukun lagu riday

    Australia

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ninkii hubka ka furtay mid ka mid ah dadka lagu eedeeyay weerarkii toogashada ahaa ee dhimashada badan sababay ee ka dhacay Bondi Beach ayaa lagu soo oogay dacwad weerar ah.

    Ahmed al Ahmed ayaa loo aqoonsaday geesi kadib markii uu farageliyay weerarkii lagu qaaday munaasabad Yuhuuddu ku lahayd bishii Diseembar, kaas oo ay ku dhinteen 15 qof, halka tobannaan kalena ay ku dhaawacmeen.

    Ninkan oo 44 jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu bishii Maarso weeraray aabbihii, sida ay warbaahinta Australia sheegtay. Waxaa lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin weerar fudud oo rabshad qoys ah, iyo sidoo kale daba-gal iyo cabsi-gelin.

    Wuxuu beeniyay eedeymahaas, isagoo u sheegay warbaahinta ABC in ay yihiin “wax aan haba yaraatee run ahayn”.

    Muuqaallo laga duubay weerarka toogashada ee munaasabaddii lagu xusayay Hanukkah ayaa muujiyay Ahmed oo la harjadaya mid ka mid ah dadka lagu eedeeyay weerarka si uu uga qaado qoriga.

    Intii uu sidaas sameynayay, dhowr xabbadood ayaa lagu dhuftay. Kadibna waxaa isbitaalka ku booqday Ra’iisul Wasaaraha Australia, Anthony Albanese, kaas oo ku tilmaamay “tusaalaha ugu wanaagsan ee dalkeenna”.

    Ol’ole lacag ururin ah oo lagu taageerayay Ahmed ayaa lagu ururiyay in ka badan 2.5 milyan oo doollar Australia ah (A$2.5m).

    Ahmed ayaa la filayaa inuu ka soo muuqdo Maxkamadda Deegaanka ee Bankstown ee magaalada Sydney 29-ka Juun.

    Weerarkii Bondi wuxuu ahaa toogashadii ugu dhimashada badnayd ee Australia ka dhacda tan iyo 1996. Booliisku waxay ku tilmaameen dhacdada weerar argagixiso oo si gaar ah loogu beegsaday bulshada Yuhuudda.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  11. Raysal wasaaraha UK oo eedeyn u jeediyay Elon Musk

    UK

    Ra’iisul Wasaare Sir Keir Starmer ayaa ku eedeeyay maalqabeenka tiknoolajiyadda Elon Musk inuu “isku dayayo inuu huriyo kala qaybsanaan” ku saabsan arrinta la xiriirta dilkii Henry Nowak.

    Dibadbaxyo rabshado wata ayaa ka dhacay Southampton kadib markii la sii daayay muuqaalka kamaradaha ay booliisku xirtaan, kaas oo muujinaya booliis gacanta ka xiraya Nowak, oo 18 jir ahaa, xilli uu dhaawac halis ah u dhimanayay. Dilkiisa waxaa geystay Vickrum Digwa, kaas oo sheegay inuu isagu ahaa dhibbane loo geystay weerar cunsuriyadeed.

    Muuqaalka daqiiqadihii ugu dambeeyay ee nolosha Nowak ayaa dhaliyay falcelin siyaasadeed oo ballaaran. Musk, oo leh madasha X, ayaa ku dhaliilay bartaas sida ay booliisku ula dhaqmeen wiilka dhalinyarada ah bishii Diseembar ee la soo dhaafay.

    Hoggaamiyaha xisbiga Conservative, Kemi Badenoch, ayaa sidoo kale ku baaqday in la is dejiyo, kadib markii ay la kulantay qoyska Nowak subaxnimadii Khamiista. Sidoo kale, Sir Keir ayaa la filayaa inuu galabta kula kulmo qoyskaas xarunta Downing Street.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  12. Guddoomiyaha golaha wakiillada Koofur Galbeed oo la doortay

    Baydhabo

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Mahad Maxamed Sheekh Xasan ayaa ku guuleystay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, kadib doorasho uu qabtay baarlamaanka maamulkaas ee magaalada Baydhabo, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Wakiillada KGS.

    Mahad Maxamed Sheekh Xasan ayaa helay 70 cod, halka Cabdixakiim Faqi oo ahaa musharraxii la tartamayay uu helay 25 cod.

    Warar dheeraad ah:

  13. Faahfaahin kasoo kordheysa xaaladda Muqdisho

    Xaaladda degmada Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho ayaa deggan kadib markii lagu qanciyay raysal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre guri uu shalay halkaas ka degay inuu ka laabto, uuna dib ugu laabto guri uu ka degganaa agagaarka garoonka diyaaradaha.

    Ciidamo ka tirsan kuwa hay'adda sirdoonka NISA ayaa ka kaxeeyay guriga uu ka degganaa degmada Howl-wadaag, iyagoo u kaxeeyay guriga uu ka deggan yahay agagaarka garoonka.

    Ciidamadii isku hor fadhiyay Howl-wadaag ayaa la kala qaaday. Waxaa sidoo kale jira wada-hadal xubno ka tirsan dowladda iyo isaga dhex maray, iyadoo ciidankiisiina halkaasi laga qaaday.

    Dhanka kale, waxaa iska hor imaadyo goos goos ah laga soo werinayaa guriga madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, halkaasoo ilaaladiisa iyo kuwa dowladda ay tan iyo xalay dhowr jeer isku dhaceen.

    Dowladda ayaa dooneysa inuu isaga baxo halkaas, isla markaana uu ku laabto gurigii uu ka degganaa agagaarka garoonka.

    Dadaallo kale oo nabadeed ayaa socda, balse weli ma jiraan wax ka soo baxay.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  14. Farriin qoraal ah oo ka timid Mojtaba Khamenei sanadguuradii geeridii Ruhollah Khomeini

    Mohammad Javad Xaj Ali Akbari, Imaamka Jimcaha ee ku meel gaarka ah ee Tehran, ayaa akhriyay qoraalka Mojtaba Khamenei.

    Xigashada Sawirka, IRNA

    Qoraalka sawirka, Mohammad Javad Xaj Ali Akbari, Imaamka Jimcaha ee ku meel gaarka ah ee Tehran, ayaa akhriyay qoraalka Mojtaba Khamenei.

    Ka duwan 36-kii sano ee la soo dhaafay, markii Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Cali Khamenei, uu khudbad ka jeedin jiray xuska sanad-guurada geeridii aasaasihii Jamhuuriyadda Islaamiga ah, sanadkan waxaa keliya la akhriyay qoraal ka yimid Mojtaba Khamenei, waxaana akhriyey Mohammad Javad Haj Ali Akbari, oo ah imaamka ku-meelgaarka ah ee salaadda Jimcaha ee Tehran.

    Farriinta ayaa lagu sheegay: “Cadowgu wuxuu guuldarro kala kulmay wiilashiinna geesiyaasha ah ee ciidamada qalabka sida, gaar ahaan markii uu la kulmay dharbaaxo go’aan leh, ha ahaato dagaal milatari ama furumaha iyo waddooyinka, taas oo uu ku dareemayo ceeb iyo hoos u dhac qoto dheer oo macno leh.”

    Farriinta ayaa intaa ku dartay “cadowgu wuxuu diiradda saaray dagaal isku dhafan oo uu ku beegsaday laba arrimood: mid waa adkaysiga shacabka, midka kalena waa inuu khalad geliyo nidaamka fikirka iyo xisaabinta ee masuuliyiinta dalka.”

    Mojtaba Khamenei ayaa sidoo kale laga soo xigtay in “cadowga” uu isticmaalo qalabkiisa ugu weyn oo ah “shaki iyo kala fogeyn,” wuxuuna Hoggaamiyuhu ugu baaqay dadka inay “fashiliyaan qorshaha cadowga iyagoo adkaysi muujinaya isla markaana ilaalinaya midnimo, isku xirnaan iyo kalsooni wadaag.”

    Wuxuu intaas ku daray in “doorka masuuliyiinta ee arrimahan uu aad muhiim u yahay,tallaabo kasta oo keenta niyad-jab ama rajo-xumo shacabka dhexdiisa ah waxaa loo arkaa inay caawinayso cadowga dalka iyo dadka.”

    Mojtaba Khamenei, oo ah wiilka Hoggaamiyahii Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, ayaan si toos ah uga soo muuqan fagaarayaasha dadweynaha tan iyo weerarradii Maraykanka iyo Israa’iil, waxaana kaliya la akhriyaa farriimo qoraal ah oo lagu sheegay inay isaga ka yimaadeen.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  15. Caymiska Dhexe ee Iran: 1430 bilyan oo magdhow ah la siiyay milkiilayaasha baabuurtii ku waxyeeloobay dagaalka

    Shirkadda Caymiska Dhexe ee Iran ayaa ku dhawaaqday in ilaa hadda magdhow la siiyay 17,000 oo kiis oo la xiriira gaadiidkii ku waxyeelloobay weerarradii Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iran intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday.

    Shirkaddu waxay sheegtay in milkiilayaasha gaadiidkaas la siiyay magdhow dhan in ka badan 1,430 bilyan oo toman oo u dhiganta 8.23 milyan oo dolar.

    Hore ayaa loo shaaciyay in guud ahaan ku dhawaad 30,000 oo gaari ay waxyeello soo gaartay intii lagu jiray labadaas dagaal.

    Horaantii toddobaadkan, Muuse Rezaei Mirqaed, oo ah madaxa Shirkadda Caymiska Dhexe ee Iran, ayaa sheegay in lacag-bixinnada hordhaca ah ee la xiriira khasaaraha diyaaradaha iyo maraakiibta ay dhawaan bilaaban doonaan.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  16. Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil: Israa'iil waxay sii waddaa hawlgallada dhulka ee koonfurta Lubnaan

    Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz

    Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz, ayaa Khamiistii sheegay in dalku sii wadi doono howlgallada dhulka ee koonfurta Lubnaan “illaa iyo inta laga gaarayo go’aan kale,” isla markaana dadka reer koonfurta Lubnaan ee ay Israa’iil ka barakicisay guryahooda aysan awoodi doonin inay ku laabtaan.

    Hadalkan ayaa yimid maalin kadib markii Lubnaan iyo Israa’iil ay ku dhawaaqeen in ay heshiis ka gaareen wada-hadallo ka dhacay Washington oo ku saabsan hirgelinta xabbad-joojin, taas oo ku xiran “joojinta buuxda” ee weerarrada Xisbullah iyo buuxinta shuruudo kale oo dhowr ah.

    Qoraalkiisa maanta, Mr. Katz wuxuu sheegay in ciidamada Israa’iil ay sii joogi doonaan waxa loogu yeero aagga difaaca ee koonfurta Lubnaan, oo ay ku jirto deegaanka Beaufort Castle, oo ah qalcad 900 sano jir ah oo Israa’iil ay qabsatay Sabtidii.

    Wuxuu sheegay in Israa’iil ay sii wadi doonto “burburinta kaabeyaasha waxa ay ku tilmaantay argagixisada gobolka,” isla markaana ay yeelan doonto “xorriyad ay ku hawlgasho, iyadoo taageero ka helaysa Maraykanka, si ay u weerarto Beirut haddii weerarro lagu qaado magaalooyinka iyo dhulka Israa’iil.”

    Lubnaan iyo Israa’iil ayaa Arbacadii ku heshiiyey xabbad-joojin cusub oo ay garwadeen ka tahay Maraykanka. Hore ayay u gaareen heshiis joojinta colaadda bishii April, kaas oo la kordhiyay bishii May, balse dagaalku wuu sii socday.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  17. Saxmadda gaadiidka ee waddooyinka u baxa waqooyiga Iran

    Xaaladda waddooyiinka Iran

    Xigashada Sawirka, Iran

    Qoraalka sawirka, Xaaladda waddooyiinka Iran

    Wakaaladda wararka ee dowladda Iran ee IRNA ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 4-ta June sheegtay in waddooyinka u baxa goobaha dalxiiska iyo meelaha lagu nasto ee waqooyiga Iran ay ka jiraan ciriiri badan oo gaadiid.

    Hadi Ebadi, oo ah madaxa booliiska taraafikada ee gobolka Mazandaran, ayaa sheegay in waddooyinka isku xira gobollada iyo meelaha laga soo galo gobolka ay aad u mashquulsan yihiin.

    Wuxuu intaa ku daray in “saacadaha soo socda ay suuragal tahay in la soo rogo xayiraado taraafiko oo dheeraad ah waddooyinka Kandovan iyo Haraz.”

    Sidoo kale wuxuu sheegay in “mamnuucidda gaadiidka ee jihada waqooyi ilaa koonfur ee waddada Chalus ay sii socon doonto ilaa amar dambe, si loo yareeyo saxmadda gaadiidka ee waddadan.”

    Sannad kasta 4-ta iyo 5-ta Jun, oo ah maalmo fasax rasmi ah oo ku beegan sanad-guurada geeridii hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, isla markaana ay dowladdu qabato munaasabado xus ah, muwaadiniin badan ayaa ka faa’iideysta fursaddan si ay u galaan safarro dalxiis iyo nasasho.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  18. Qiimaha Shidaalka oo ku dhow $100 foostadii ka dib markii Iran ay weerartay Kuwait iyo Bahrain

    Qiimaha shidaalka ceeriin ee nooca Brent ayaa gaaray qiyaastii $97 halkii foosto suuqyada Aasiya subaxnimadii Khamiista.

    Weerarkii Iran ay shalay ku qaaday Kuwait iyo Bahrain, iyo sidoo kale weerarkii milatari ee Maraykanku ku qaaday markab shidaal siday oo ku sii jeeday dekedaha Iran iyo goobo ku yaalla koonfurta jasiiradda Qeshm, ayaa sababay qalalaase cusub oo ka abuurmay suuqa shidaalka.

    Si kastaba ha ahaatee, wararka ku saabsan heshiis xabbad-joojin ah oo dhex maray Lubnaan iyo Israa’iil ayaa la filayaa inay ka hortagaan in qiimaha shidaalka Brent uu kor u dhaafo $100 halkii foosto dhammaadka toddobaadkan.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  19. Uk oo war ka soo saartay isku dhacyada Muqdisho

    Calanka UK
    Qoraalka sawirka, Calanka UK

    Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa War qoraal ah oo ay dhawaan soo saartay waxay walaac kaga muujisay isku dhacyada ka dhacay magaalada Muqdisho.

    "UK waxay si weyn uga walaacsan tahay wararka sheegaya rabshadihii ka dhacay Muqdisho xalay," ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay safaaradda UK.

    Dowladda UK ayaa ugu baaqday dhinacyada in ay is-xakameeyaan ayna qeyb ka noqdaan wadaxaajoodyada.

    "Rabshaduhu waa wax aan la aqbali karin, waxaana ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, kana qayb qaataan wada-hadal loo dhan yahay oo wax dhisaya si xiisadaha loogu xalliyo si nabad ah". ayaa intaa lagu daray.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  20. Mareykanka oo war ka soo saaray isku dhacyada Muqdisho

    Dowladda Mareykanka ayaa goor dhaw war qoraal ah ka soo sartay isku dhacyadii ilaa xalay ka socday magaalada Muqdisho.

    Qoraalka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa isku dhacyada ku tilmaamay "kuwa aan laga fiirsan"

    "Rabshadaha ka socda Muqdisho waa kuwo aan laga fiirsan oo khatar ah. Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee dhinac kasta ka tirsan wsaaran masuuliyad ay ku ilaaliyaan xasilloonida dalka isla markaana ay ku xalliyaan khilaafaadkooda si nabad ah.

    Qoraalka safaradda Mareykanka ayaa sidoo kale farta ku fiiqay muhiimadda ay leeyihiin maalmaha so socda muqtaqbalka Soomaaliya.

    "Tallaabooyinka la qaado saacadaha iyo maalmaha soo socda waxay yeelan karaan saameyn waarta oo ku saabsan amniga Soomaaliya, midnimadeeda, iyo mustaqbalkeeda". ayuu intaa ku daray qoraalka.

    Sheekooyin dheeraad ah: