Israa'iil oo sharciyeysay inuu soo wargeliyo qofkii haasaawe u tagaya Daanta Galbeed

Published

Ajaanibta booqanaysa daanta galbeedka islamarkana xiriir jaceyl la sameynaysa Falastiiniyiinta halkaasi ku nool ayaa waxaa imika laga doonayaa inay u sheegaan wasaaradda gaashaandhigga Israa’iil, sida ku xusan xeerar cusub.

Haddii ay guursadaan, waxaa looga baahan doonaa inay halkaasi isaga tagaan 27 bilood ka dib guurkooda.

Ajaanibtu waxay haysan doonaan 30 maalmood oo ay ku soo sheegaan xiriirka jaceyl ee ay la wadaagayan qof Falastiini ah Waa qayb ka mid ah adkaynta xeerarka ajaanibka ku nool, ama doonaya inay booqdaan, Daanta Galbeed.

Xeerarka cusub ayaa lagu wadaa in uu dhaqan galo maalinta isniinta ah.

Xeerarka oo dhawaan la soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ah in dadka ajaaniibta laga doonayo in ay ku wargaliyaan maamulka Israel 30 maalmood gudahooda marka ay billaabaan xiriir ay la sameeyaan qof haysta aqoonsiga Falastiin.

Xayiraadaha cusub ee jaamacadaha Falastiin waxaa ka mid ah qoondaynta fiisaha ardayda ee 150 iyo 100 macalimiin ajnabi ah, halka aysan jirin wax xaddidan oo lagu soo rogay muwaadiniinta Israel . Ganacsatada iyo hay'adaha gargaarka ayaa sheegay in sidoo kale xeerkan cusub uu saameyn xooggan ku yeelan doono.

Jessica Montell, oo ah agaasimaha fulinta ee hay'adda aan dawliga ahayn ee Israa'iil HaMoked, ayaa dacwad gaysay Maxkamadda Sare ee Israa'iil iyada oo ka soo horjeedda xeerkan cusub.

Waxay sheegtay in xeerkan uu yahay " mid lagu go'doominayo falastiiniyiinta islamarkaana lagu doonayo in caalamka intiisa kale laga xiro".

"Waxay aad ugu adkeeyaan dadka inay yimaadaan oo ay ka shaqeeyaan hay'adaha Falastiiniyiinta, , maalgashadaan ama ay macallimiinta yimaaddaan," ayey intaa ku dartay Jessica Montell.

Hal dal iyo labo sharci

Israa'iil ayaa Daanta Galbeed ka qabsatay Urdun dagaalkii bariga dhexe ee 1967. Maanta, Cogat, oo ah unug ka tirsan Wasaaradda gaashaandhiga Israa'iil, ayaa mas'uul ka ah maamulka dhulkaasi Falastiin.

Amarka cusub ee Cogat oo ka kooban 97 bog ayaa cinwaan looga dhigay Habka gelitaanka iyo deggaenaanshaha ajaanibka ee Yahuudiya iyo Samaariya oo ah magaca Israa'iil ay u isticmaasho Daanta Galbeed.

Xeerkan marki ugu horreysay waxaa la daabacay bishii Febraayo, laakiin soo bandhigiddiisa ayaa dib loo dhigay. Wuxuu xeerkan soo xiganayaa heshiisyo nabadeed oo ku meel gaar ahaa oo la gaaray 1990-meeyadii, kuwaasi oo dhigayay in la helo oggolaanshiyaha Israa'iil oo ah in ay siiso degganaanshaha lammaanaha iyo carruurta Falastiiniyiinta deggan Daanta Galbeed iyo Gaza, iyo in ajaaniibta ay oggolaanshaha ka helaan marka ay halkaasi soo booqanayaan. Xeerarkan cusub ayaan khusayn dadka booqanaya Israa’iil iyo sidoo kale qaybaha ay Falastiiniyiinta ka taliyaan ee Daanta Galbeed. Ururka PLO oo ah dalladda matalaysa dadka reer Falastiin ayaa ku tilmaamay xeerkan "mid midab-takoor ah taasi oo ah in hal dal lagu dhaqo nidaam kala duwan". BBC oo xiriir la sameysay laanta Cogat ee Israa'iil arrimahan u qaabilsan ayaan wax jawaab ah helin.

Dowladda Israa’iil ayaa sheegtay in xayiraad dhanka socdaalka looga baahday sababo ammaan dartood.