You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Yaa xukuma Iran, ma Ayatollah Ali Khamene mise madaxweyne Ibrahim Raisi?
Ciidamada amaanka dalka Iran ayaa si xoog leh uga hortagaya dibadbaxyada ka dhashay dhimashada gabar dhalinyaro ah oo xabsiga ku jirtay.
Mahsa Amini, oo 22 jir ah, ayaa la xiray kadib markii lagu eedeeyay in aysan timaheeda si fiican ugu dedin xijaab.
Dalka oo dhan waxaa ka dhacay dibadbaxyo, waxaana hay'adaha xuquuqda aadanaha ay sheegeen in ugu yaraan 150 qof ay ku dhinteen.
Yaa go'aaminaya goorta awood xad dhaaf ah la isticmaalayo si loo joojiyo mudaaharaadyada?
Maxay yihiin awoodaha hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran?
Shaqsiga ugu awooda badan Iran waa Ayatollah Ali Khamenei, oo ah hogaamiyaha ugu sareeya dalka tan iyo 1989-kii.
Waa madaxa qaranka iyo taliyaha guud. Waxa uu awood u leeyahay amarka booliiska qaranka iyo booliiska anshaxa, kuwaas oo askartoodu ay xireen Mahsa Amini.
Ayatollah Khamenei waxa kale oo uu gacanta ku hayaa Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), oo qaabilsan amniga gudaha, iyo garabkeeda iskaa wax u qabso, Ciidanka iska caabinta Basij.
Sidoo kale, waa qofka ugu awoodda badan marka ay timaado amarada wax looga qabanayo mudaaharaadyada.
Maxay tahay awoodda madaxweynaha?
Madaxweyne Ebrahim Raisi, waa masuulka ugu sareeya ee la soo doorto, sidoo kale waa ku xigeenka hogaamiyaha ugu sarreeya.
Waxa uu masuul ka yahay hawl-maalmeedka dawladda, waxaanu saamayn weyn ku leeyahay siyaasadda gudaha iyo arrimaha dibadda.
Si kastaba ha ahaatee, awooddiisu aad bay u xaddidan tahay - gaar ahaan arrimaha ammaanka.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee madaxweynaha ayaa maamusha ciidamada booliska qaranka - kuwaas oo ka hortagayay mudaharaadyada. Hase yeeshee, taliyaheeda waxaa magacaabay hoggaamiyaha ugu sarreeya oo isaga ayaa si toos ah uga jawaabaya.
Sidoo kale waa taliyaha ciidamada Ilaalada Kacaanka iyo Basij. Haddii hoggaamiyaha ugu sarreeya uu doonayo in mudaaharaadyada lagu dhammeeyo xoog, madaxweynuhu talo badan kuma laha waxa uuna raacaya amarka hogaamiyaha.
Awoodaha madaxweynaha waxaa sidoo kale hubin kara baarlamaanka, kaasoo soo saaraya sharciyo cusub.
Dhanka kale, Golaha Ilaalada - oo ay ku jiraan saaxiibada dhow ee hoggaamiyaha ugu sarreeya - ayaa leh shaqada ansixinta sharciyada cusub oo diidi kara.
Waa kuwee booliiska anshaxa ee Iran?
Booliiska anshaxa waa qayb ka mid ah booliiska qaranka Iran.
Ciidankan ayaa la aas aasay sanadkii 2005-tii si ay u ilaaliyaan akhlaaqda iyo shuruucda Islaamka ee ku saabsan lebbiska saxda ah, oo la soo saaray kacaankii Islaamiga ee 1979 ka dib.
Qiyaastii 7,000 ayay ka kooban yihiin waxayna isugu jiraan rag iyo dumar waxayna awood u leeyihiin inay soo saaraan digniino, ganaax ku soo rogaan ama xiraan tuhmanayaasha.
Madaxweyne Raisi, oo ah nin mayal adag, ayaa soo bandhigay dhowr tillaabo oo cusub oo lagu dhaqangelinayo xeerarka xijaabka xagaagan.
Kaamirooyinka ilaalada ayaa la rakibay si ay gacan uga geystaan in la ogaado haweenka aan xijaabnayn, waxaana xukun xabsi ah oo qasab ah lagu soo rogay dadka ka soo horjeeda xeerarka xijaabka.
Waa ayo Ilaalada Kacaanka??
Ilaalada Kacaanka waa kooxda ugu weyn Iran ee ilaalinta amniga gudaha. Waxaa loo aas aasay kacaankii ka dib si loo difaaco nidaamka islaamka ee dalka.
Ciidamada Kacaanka hadda waa cudud ciidan oo buuxda waxaana oo ka dhaqeeya siyaasadda iyo dhaqaalaha waxaa ka tirsan in ka badan 150,000 oo askari.
Waxa ay leedahay ciidamo dhulka ah oo u gaar ah, ciidan badda iyo cirka ah, waxana ay ilaaliyaan hubka istiraatiijiga ah ee Iran.
Waxay leeyihiin cudud dibadda ah oo lagu magacaabo Quds Force oo si qarsoodi ah lacag, hub, tignoolajiyad iyo tababar siisa xulafada Bariga Dhexe oo dhan.
Waxay kaloo gacanta ku haysaa Ciidanka iska caabinta ee Basij.
Waa kuwee ciidamada Basij?
Xoogaga iska caabinta Basij, waxaa la aasaasay 1979-kii waana urur iskaa wax u qabso ah.
Waxay laamo ku leeyihiin gobol kasta iyo magaalo kasta oo Iran ah, iyo in badan oo ka mid ah xarumaha rasmiga ah ee dalka.
Xubnaheeda waxay ka kooban yihiin lab iyo dheddig", waxay daacad u yihiin kacaanka iyo amarrada Ciidamada Ilaalada Kacaanka.
Ilaa 100,000 oo ka tirsan ayaa la rumeysan yahay inay qabtaan waajibaadyada amniga gudaha.
Waxay si weyn ugu lug lahaayeen xakamaynta mudaaharaadyada dawladda lagaga soo horjeedo tan iyo doorashadii lagu murmay ee madaxtinimada ee 2009-kii.