Xanuunka hadda ka dilaacay Afrika ee 56 sano ka hor ka jiray Yurub

Published

Dowladda Tanzania ayaa xaqiijisay in dalkeeda laga helay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Marburg. Xanuunkan oo ah fayras ayaa waxa uu leeyahay astaamo u eg kuwa Ebola.

Haddii uu faafo, waa mid khatartiisu badan tahay oo ay dad badan u dhiman karaan. Wasaaradda caafimaadka dalka Kenya ayaa sheegtay inay Iyana dhankeeda koox gaar ah u dirtay xuduudda Tanzania si looga hortago faafidda xanuunkaas.

Hadaba muxuu yahay cudurkani? Qormadan waxaan ugu tala galnay inaan idinkaga haqab tirno dhammaan waxa aad u baahan tahay inaad ka ogaato cudurkan.

Waa noocee cudurka Murbarg?

Waxa uu xanuunkani ka tirsan yahay nooca ama qoyska cudurrada ee la isku yiraahdo Fayraska sida covid ebola iyo kuwa kale oo badana.

Sida uu noo sheegay Diktoor Cismaan Cali Gaboose oo kamid ah dhakhaatiirta ka hawlgala cisbitaalka weyn ee Kenyata oo BBC-da u warramay, waxa uu cudurkani ka ag dhow yahay Ebola ooh adda ka hor dhowr jeer lagasoo sheegay waddamada afrikada dhexe sida Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo. “cudurkani wuxuu ka mid yahay cudurrada qoyska ama kooxda loo yaqaan Fayrasyada,” ayuu yiri Dictoor Cisman.

Inkastoo ay kooxda cudurradan loo yaqaan Fayraska ay isku qoys yihiin hadana sida uu sheegay Diktoor Cismaan, waa ay kala duwan yihiin isaga oo shegay in midkan hadda Tanzania Ka dillaacay iyo Ebola oo dhowr jeer oo hore ka dhici jiray qaar ka mid ah dalalka Afrika ay aad isgu dhowyihiin, “Qoyska guud Fayrasya weeyaan laakiin kani wuxuu aad uga ag dhowyahay Ebola oo waddamada Afrika hore uga dilaaci jiray” ayuu jiri Dr. Cismaan.

Astaamaha lagu garto maxaa ka mid ah?

Cudurka ayaa lagu gartaa astaamo la mid ah kuwii Ebola lagu garan jiray sida in qofku uu qandho xad dhaaf ah la kulmo, dhiig meelaha qaar ka yimaadda sida afka iyo sanka ama uur ku jirta waxaana dhic karta in qofka ay dhiigiisa xinjiruhu ku yaraadaan hadduu sidaas oo kale u dhiig boxo.

Waxaa sidoo kale dhici karta in qofka cudurka qaaday ay xanuunaan kala goysyada iyo daal fara badan oo qofku dareemo.

“Astaamaha lagu garto waxaa weyaan kuwa ka ag dhow kuwii Ebola, sida inuu qofku qandho saaid ah yeesho, inay kala goysyada ama curuqaha xanuunaan, in uu daal fara badan uu jirka ka dareemo, waxaa dhic karta oo kale in meelaha qaar uu qofku dhiig ka keeno, sida sanka ama afka ama uur kujirta oo dhiig uu ka yimaado,” ayuu yiri Diktoor Cismaan oo sharraxayey astaamaha lagu garto qofka uu hayo cudurkani.

Sidee loo kala qaadaa ama uu ku faafaa?

Sida uu Diktoor Cismaan sheegay cudurrada Fayraska ah ayaa badanaa iska ag dhow amaba isku mid ka ah nooca ay u faafaan waxaana ka mid ah qoyaanka qofka xanuunka qaba oo qof kale gaara sida in candhuuf ama wax la mid ah oo kasoo baxay qofka xanuunsan ay gaaraan meel ka dibna halkaas uu taabto qof kale amaba hawada uu ka qabsato finiinka qoyaankaas sida hindhisada oo kale.

Diktoor Cismaan oo sharraxaya wuxuu leeyahay; “Noocyadan fayrasyada way iska yara ag dhowyihiin sida waxyaabaha dareeraha oo kale,waxaa kale oo ka mid ah qofku haduu hindhiso qoyaanka hindhisada soo raaca oo kale, ama hadduu qufoco qoyaanka qufaca soo raca, dheecaamada qofka buka jirkiisa ka imaan kara oo qof kale soo gaara, sidaasbaa loo kala qaada inta badan”.

Xawaraha ama degdegta uu ku faafi karo

Fayraskan Murbarg ayaa ah mid si xawli ah ku faafi kara sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirtu waxa uuna awood u leeyahay inuu dad fara badan gaaro muddo kooban isagoo sidoo kale dilaya inta badan dadka uu ku dhoco, sida uu sheegay Diktoor Cismaan Murbarg waxa uu wax yar uun ka awood yar yahay Ebola oo ah cudur dilaa ah.

“Degdaggiisa waa mid sareeyya haduu deegaan ka dillaaco, waxaa kaloo la og yahay xagga dilitaankiisa inuu awood u leeyahay hadduu dad ku dhoco inuu dilo qaar badan oo dadkaas ka mid ah,” ayuu yiri Diktoor Cismaan mar uu ka warramayey xawaaraha iyo awoodda cudurkan.

Waddamada Yurub ayuu kasoo bilowday

Sida uu sheegay Diktoor Cismaan,taariikhda markii u horeysay waxaa cudurkan Murbarg lagu arkay waddamada Yurub gaar ahaan Serbiya iyo Jarmalka oo uu ka dillaacay sannadkii 1967-kii, kadib xilliya kala duwan waxaa lagu arkay waddamada sida kongo iyo Angola, sannadkii 2005-tiina waxuu ka dillaacay dalka Ghana.

Waxayna ka dhigantahay in cudurkan aanu ahayhn mid cusub markii u horeysayna aanu Afrika ka dillaacin sida Ebola oo isaga xoogaa ka awood badan kana dilaasan.

Sidee looga hor tagi karaa?

Inkastoo cudurkan uu mar hore dillaacay, lana yiqiinnay 56 sano ka hore, hadana ma jiro wax tallaal ah oo hay’adda caafimaadka aduunka (WHO) ay diyaarisay tan iyo markaas, hase ahaatee waxaa looga hor tagi karaa tilmaamo ay ay dadku raaci karaan sida; in qofka ku nool deegaan cudurka laga xaqiijiyey ee yeesha calaamadihii aan hore soo sheegnay sida qandho badan, daal badan, dhiig sanka ama afka ka yimaad, in qofkaas dadka laga ilaaliyo asna uu ka fogaado dadka kale ee aan qabin cudurka.

Waxa uu Diktoor cismaan ku sheegay in sidaasi ay tahay sida ugu wanaagsan ee la siku raacsan yahay ee looga hor tago faafitaanka cudurkan iyo inuu ku dhoco dad hor leh.

Isbitaalllada bariga Afrika ku yaal ayaan aad u qalabaysnayn, hase ahaatee sida uu sheegay Diktoor Cismaan dadka ayaa ka guuleystay cuduuro ka horeeyay kan sida Ebola iyo korona waxa uuna sheegayaa inuu filayo in kanna sidaas oo kale ay dadka ka guuleysan doonaan haddii tilmaamaha ay raacaan.