Sheekada dal-dalidda Muxsin ee walaaca ku abuurtay caalamka

Xigashada Sawirka, Mohsen Shekari
Iran ayaa ku dhawaaqday xukunkii ugu horeeyay ee lagu fuliyo qof lagu soo qabtay isagoo mudaaharaadaya, oo qeyb ka ahaa rabshadihii ka dhanka ahaa dowladda ee dhawaan dhacay.
Mohsen Shekari, ayaa la daldalay subaxnimadii Khamiista, ka dib markii ay ku heshay danbi maxkamadda Kacaanka ee "moharebeh" (cadawga Alle ka dhanka ah), sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Waxaa lagu eedeeyay Mohsen Shekari inuu ahaa "qas wade" oo xiray waddo muhiim ah oo ku taal magaalada Tehran bishii Sebtembar, wuxuuna mindi ku dhaawacay xubin ka tirsan ciidamada militariga.
Nin u dhaq dhaqaaqayey arrimaha bulshada, ayaa sheegay in la xukumay, ka dib "markii ay dhacday maxkamad aan la marin hannaan garsoor oo hufan".
Mahmood Amiry-Moghaddam, oo ah agaasimaha kooxda xuquuqul insaanka Iran ee fadhigeedu yahay dalka Norway, ayaa ku sheegay hadal uu soo saaray in "Beesha caalamku ay si degdeg ah oo adag uga jawaabto xukunkan,".
Wuxuu intaa ku darey inay wajihi doonaan dil wadareed ka dhan ah dibadbaxayaasha, "Haddii aan xukunka Mohsen Shekari, aanan loogga fal celin si aad u adag.
Wakaalladda Wararka ee Mizan ee dhanka Garsoorka, ayaa sheegtay in Maxkamadda Kacaanka loo sheegay in Mohsen Shekari uu xiray Waddada Sattar Khan ee magaalada Tehran 25-kii Sebtembar.
Sidoo kale, wuxuu baangad ku weeraray ninkani Mohsen Shekari xubin ka tirsan Ciiddanka iska-caabbinta ee Basij, oo ah ciidan mutadawiciin ah, oo inta badan la geeyo goobaha ay ka dhacaan rabshadaha, si ay u xakameeyaan.
1-dii Noofeembar, maxkamaddu ayaa waxay Shekari ku heshay dambi ah dagaal iyo hub "ujeedkiisuna ahaa inuu dil, argagixsado iyo khalkhal geliyo nidaamka iyo amniga bulshada" ayuu yiri Mizan.
Racfaan ayuu ka qaatay xukunka, balse waxay ku raacday maxkamadda sare 20-kii November, ayay raacisay wakaaladda.

Xigashada Sawirka, IRIB/@hafezeh_tarikhi
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hey’adda Xuquuqda Aadanaha Iran, ayaa sheegtay in Shekari "loo diiday inuu la kulmo qareenkiisa, inta lagu jiro marxaladda su'aalaha iyo dacwadaha sharciga ah".
Waxa ay sidoo kale sheegtay in wakaaladda wararka ee Fars ay hawada ka saartay " qirashadiisa qasabka ah" saacado, kadib markii la dilay. Muuqaalka, ayaa wax ka muuqda ninkani nabar kaga yaalla dhankiisa midig
Dhaqdhaqaaqa mucaaradka, ayaa bartooda twitterka ku soo gudbiyey in: "Iyadoo qoyska ninka la dilay ay weli rajaynayeen inay racfaan ka qaataan xukunka maxkamadda, oo aan wax war ah ka helin kiiska, Jamhuuriyadda Islaamiga ah, ayaa si lama filaan ah ugu danbeyntii u dishay."
Garsoorka ayaa ilaa hadda ku dhawaaqay in ugu yaraan 11 qof oo kale ay maxkamadaha Kacaanku ku xukuntay dil toogasho ah, kuwaasoo lagu soo oogay eedo la xiriira wax looggu magac darey “cadawga Ilaahay” ama “fasaahinta dhulka” oo la xiriira mudaharaadyada. Eedeysanayaasha lama shaacin aqoonsigooda.
Amnesty International ayaa sheegtay in maxkamaduhu ay ku shaqeeyaan "iyagoo adeegsanaya saamaynta ciidamada ammaanka iyo sirdoonka, si ay u soo rogaan xukunno adag, ka dib maxkamadayn cadaalad darro ah oo ku suntan habraacyo kooban oo u badan iney yihiin sir".
Mohsen Shekari xarigiisa, maxkamadeyntiisa iyo dilkiisa, ayaa qaadatay wax kayar laba bilood iyo bar.
Xukunka degdega ah ee lagu sameeyo mudaharaade dhalinyaro ah, ayaa laga yaabaa inay ka hor istaagto kuwa kale inay jidadka ku dhigaan mudaaharaadyo.
Si kastaba ha ahaatee, waxa laga yaabaa in arrintani ku noqoto seef laba af leh taliska Iran, kaasoo doonaya inuu cabsi ku beero shacabka mudaaharaadaya, balse abuuri karta caro weyn.

Xigashada Sawirka, Twitter
Dibad-baxayaashu ayaa waxay caddeeyeen marar badan inaysan hadda wax cabsi ah qabin. Aaska qof kasta oo ay dileen ciidamada ammaanka, ayaa isu bedelay in bannaanbax ka dhan ah dowladda laga sameeyo.
Sidaa darteed deldelistan u danbeysay, ayaa weli ah khamaar kale oo weyn oo uu ku tala galay talisku, waana mid sii kicin karta mudaaharaadyo ka dhaca waddooyinka.












