Maxaa lagu arkay webigan oo ay dad badan usoo booqdaan?

Webiga Itoobiya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Magaalada Umuaja ee gobolka Delta ee dalka Nigeria oo uu maro Webiga Ethiope, waa magaalo ay dadku jecel yihiin inay booqdaan ayna sawirro isaga qaadaan.

Maxay tahay sababta?

Waa Webiga Ethiope sababta ay dad badan u tagaan magaaladaas.

Dhulka uu webigan maro waa meel “barakeysan, sababtoo ah waxaa la sheegay in biyahan ay dadka siiyaan awood, ka daweeyaan cudurro isla markaana ay dadku helaan wixii ay niyadda ku hayaan."

Oyolu Lucky, waa haweeney ku howlaneyd ilaalinta iyo daryeelidda biyaha webiga muddo 20 sano ah, waxay BBC laanta Igbo uga warrantay sida uu aabbaheed uga sheekeeyay taariikhda biyahan.

Sida uu aabbaheed qabo, saynisyahan hore ayaa sheegay in biyaha webiga ay awood badan lahaayeen xilliyadii hore sababtuna ay tahay inay ka saafisan yihiin biyaha kale.

“Waxaa la sheegay in nin ugaarsade ahaa iyo kooxdiisa ay jareen geed meesha ku yaallay, maalintii xigtay markii ay meesha tageenna ay arkeen geedkii oo sidiisii u taagan.”

Oyolu Lucky

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dadka boqday webiga ayaa sheegay in geedka iyo biyuhu ay yihiin wax ay dadka deegaanka barakeystaan wuxuuna saynisyahanku sheegay in geedku yahay wax gaar ah oo muhiim ah.

Wuxuu sheegay in biyuhu ay ka soo burqadeen geed weyn hoostiisa kaasoo muddo sanado ah meesha ku yaalla, awoodda biyaha ayuuna sheegay inay halkaas ka yimaadeen. Waa biyo mara magaalooyin badan oo dalkaasi ah.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dad badan ay soo booqdaan si ay awood uga helaan ayna halkaasi “ugu duceystaan”.

Weli ma jirto cid saynis ahaan xaqiijisay arrintan, balse dadka deegaanka ayaa biyahan isticmaalayay muddo sanado ah iyagoo aamin ku qaba.

Dadka booqday ayaa sheegay in marka ay webiga tagaan oo waxa ay niyadda ku hayaan sheegtaan, “tusaale ahaan, inaad dooneyso inaad ilmo dhasho……hadii aad niyadda ku qabato kuna duceysato…..aysan wax badan kugu qaadaneyn inaad hesho.”

Taas ayayna sheegeen inay keeneyso inay aaminaan in webigan uu yahay “haddiyad dhanka Eebbe ka timid” oo dadka uu usoo diray.