Ciidamada Ruushka si bilaash ah 'ayay u keydsan karaan shahwadooda'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciidamada Ruushka ee looga yeeray inay ka qeybgalaan dagaalka Ukraine waxay fursad u heli doonaan in si bilaash ah ay ku keydsan karaan shahwadooda, sida uu sheegay qareenka ugu sarreeya Ruushka.
Madax ururka ay ku midoobeen qareenada dalka Ruushka, Igor Trunov ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee dawladda ee Tass in wasaaradda caafimaadka ay ka jawaabtay codsigiisii ahaa in si bilaash ah oo lacag la'aan ciidamada loogu keydiyo shahwadooda isla markaana isbaddal lagu sameeyo adeegga caymiska caafimaadka ee khasabka ah, Waxaana shahwada lagu keydin doonaa qaboojiye si mustaqbalka loo adeegsado.
Ruushka wuxuu heegan geliyay 300,000 oo kamid ah ciidamadiisa keydka kadib guuldarrooyin isdaba joog ahaa uu kala kulmay dagaalka Ukraine.
Wararka waxay sheegayaan in ragga qaar ay bilaabeen inay tegaan xarumaha caafimaadka si ay shahwadooda u keydsadaan taasoo la dhigi doono qaboojiye lagu magacaabo cryobank.
Mr Trunov ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in ururkiisu uu u codsanayo dhowr qof oo lamaanayaal ah kuwaasoo raggooda looga yeeray inay ka qeyb qaataan howlgalka gaarka ah ee Ruushka kadib dagaalka Ukraine. Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Moscow ayaan weli ka hadlin hadalka kasoo baxay madaxa ururka midowga qareenada ee dalkaas, Igor Trunov.
Laakiin qareenku wuxuu u sheegay wakaaladda wararka ee Tass inay " go'aamiyeen suurtogalnimada taageerada maaliyadeed ee miisaaniyadda federaalka ee ku aaddan keydinta shahwada si bilaash ah iyo kaydinta unugyada (spermatozoa) ee muwaadiniinta loo abaabulay inay ka qayb qaataan howlgalka gaarka ah ee Ruushka sanadka 2022-2024".
Ciidamada Ruushka oo gaaraya 200,000 oo askari ayaa gudaha u galay Ukraine bishii February, wuxuu lumiyay in ka badan kala bar dhulkii uu horey u qabsaday, sidoo kalena khasaare xooggan ayuu dagaalka kala kulmay.
Bishii September Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin wuxuu ku dhawaaqay in uu heegan geliyay qeyb kamid ah ciidamadiisa xilli uu sii kordhayay khasaaraha gaarayay ciidamadiisa. In ka badan 250,000 oo rag ah una dhashay Ruushka ayaa ka cararay dalkaas si aysan uga qeybgelin dadaallada lagu abaabulayo ciidamada.
Maalmo gudahood markii ciidamada loo wacay, Website-ka Fontanka ee kasoo baxa magaalada labaad ee ugu weyn Ruushka ee St Petersburg, ayaa ku warramay inay soo badanayaan ragga tegayaan xarumaha caafimaadka gaar ahaan kuwa bacriminta si ay u keydsadaan shahwadooda, waxayna xaasaskooda u qorayaan dokumentiyo ay ku muujinayaan inay xaq u leeyihiin inay adeegsan karaan shahwadooda ay keydiyeen.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Andrei Ivanov oo ka howlgalka isbitaalka magaalada Mariinsky ee waddanka Ruushka ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan ragga isku diyaarinayo inay shahwadooda gaar ahaan kuwa doonaya inay isaga baxaan Ruushka.
Website-ka Fontanka ayaa ku warramayaa in ragga Ruushka aysan weligood ku fikirin inay shahwadooda ku keydiyaan qaboojiye, waxaana dhif ah in ragga iyo dumarka Ruushka ay tegaan xarumaha caafimaadka marka laga reebo xaalado gaar ah oo lasoo darsa.
Si kastaba, tallaabadan waxaa looga golleeyahay in qofka ragga ah uu geeriyoodo ama meesh ku baxo awooddiisa dhalmo-markaas waxaa horey loo keydiyay shahwadiisa si carruur loo helo.
Dagaalka Ukraine ayaa u muuqda inuu galayo sanadkii labaad, waxaana wax ka weydiinaynay dagaalka dad kala duwan oo ka faallooda arrimaha militeriga gaar ahaan sida ay u arkaan dagaalka dhici doona sanadka 2023-ka.
Ruushka wuxuu sii wadaa dadaallada uu ku qabsanayo deegaannada dhaca gobollada Luhansk iyo Donetsk, laakiinse aad uma badno tallaabada uu Ruushka kula wareegayo dhinaca Koonfurta Pavlograd si uu isugu hareereeyo ciidamada Ukraine.
Dhinaca kale, Boqollaal qof oo rayid ah ayaa ka baxsanaya magaalada Kherson ee koonfurta Ukraine iyadoo ciidamada Ruushku ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah magaalada.
Wariye ka tirsan BBC-da ayaa sheegaya in mid ka mid ah waddooyinka ka baxa magaalada oo mlaamo ka hor dad sidaa u badan aaney isticmaaleyn ay hadda la ciirciirayso qoysaska magaalada ka cararaya.
Kaliya bishii hore, waxaa jiray muuqaallo laga soo duubay gudaha Kherson. Waxaa qabsaday ciidamada Ruushka maalintii labaad ee duulaanka, magaalada ayaa la xoreeyay 11 November.
















