Dilka gabadha toban jirka ah: Aabaheed oo baxsad ah ayaa la baadi goobayaa

Published

Booliska Pakistan ayaa badigoob ugu jira aabaha dhalay Sarah oo ah gabar toban jir ah oo meydkeeda laga helay guri ku yaala Ingiriiska.

Gabadha yar ayaa maydkeeda la healay tobankii bishaan aan ku jirno ee August.

Booliska ayaa sheegay inay la hadleen ninka la baadi goobayo walaalkiis oo lagu magacaabo irfan Shriif, oo ay wada daganaayeen.

Booliska ayaa u sheegay BBC da in la waydiistay soo qabashada ninkaan balse aysan wali gacanta ku dhigin.

Maalin ka hor intaan a helin maydka gabadha yar ayaa rag ay asxaab ahaayeen ninkaan oo lagu kala magacaab Benish Batul iyo walaalkiis oo la yiraahdo Faisal Malik waxay isag tageen Ingiriiska iyaga oo aaday Pakistan.

Dhamaan booliska gobolada kala gedisan ee Pakistan ayaa lagu amray inay qayb ka noqdaan baaritankaan, iyaga oo la xariiray qaraabada ninka, kadib codsi uga yimid ha’adda barista qaranka dalkooda.

Ninka dhalay gabadha oo ah 41 jir iyo saaxiibadiisa Benish batul iyo Faisal Malik ayaa la sheegay inay waceen lambarka gaaban ee booliska Ingiriiska ee 999 kadib marka ay ka soo dhamaadeen gudaha UK ee ay gaareen Pakistan.

Kadib wicitaanka ayaa boolisku heleen maydka gabadha yar.

Booliska Ingiriiska ayaa sheegay in dhaawacyo aad u qoto dheer ay ku yaaleen jirka gabadha yar, ayna aaminsan yihiin in muddo ay ku yaaleen oogada gabadha.

Waxay intaas ku dareen in aysan cid kale joogeen guriga markii maydka la helayay.

Booliska Seesex ee Ingiriiska ayaa yiri: "Ilaa iyo hadda ma jirto wax cadeyn oo laga helay baaritaankii lagu sameeyay maydka gabadha yar, kuwaas oo muujinaya sababta dhimashadeeda. Balse waxaa la ogsoon yahay Sarah ay ku yaaleen dhaawacyo daran. Waxaan badalnay qaabka baaritaankeena, sidoo kale waxaan dheereyneynaa waqtiga.”

Hay’adaha amniga ee kala duwan ee Ingiriiska ayaa baaritaan kuwada dhacdadaan, iyaga oo xiriir joogto ah la sameynaya masuuiyiinta Pakistan.

Khamiistii aynu soo dhaafnay ayaa ubaxyo la hordhigay guriga ya deganeed Sarah, waxaa kamid ahaa xirmo ubax ah oo ay raacsaneyd farrin lagu qoray afka Plish ka taas oo loo maleynayo inuu ka yimid hooyada Sarah.

Fariinta ayaa u turjuneyda,: “Si macaan u hurud gabadheydii aan jeclaa. Hadda waxaa tahay maa’ig janada ku dhex jirta dusha sarena naga daawaneyda. Waan ku jeclahay hooyo.”

Booliska Surrey iyo Sussex saraakiisha k atirsan ayaa sheegay inay baadi goobayaan dad ku lug leh kiiska.

Sidoo kale hay’adda dabiyada qarana ayaa iyana sheegtay inay booliska kala shaqaynayaan sidii ay u baari lahaayeen arrintan.