Muxuu Trump uga fogaaday Koobka Adduunka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Dan Roan
- Role, Tifaftiraha Ciyaaraha
- Published
- Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayay dad badan filayeen inuu si joogto ah uga soo muuqan doono tartanka Koobka Adduunka.
Hase yeeshee, illaa iyo hadda ma uusan daawan hal kulan oo keliya, inkastoo xulka Mareykanka uu ku guuleystay laba ka mid ah saddexdii kulan ee heerka guruubyada isla markaana uu u soo baxay wareegga bug-baxa.
Markaa, arrintani ma tahay wax lala yaabo? Maxaa sababi kara inuu ka baaqsaday? Mise wuxuu soo muuqan doonaa ka hor ciyaarta kama dambaysta ah? BBC Sport ayaa arrintan si dhow u falanqaynaysa.
"Muwaadiniinta Mareykanka ee aan walaalaha nahay, iyo dhammaan shacabka dunida, Mareykanku wuxuu sharaf u arkaa inuu martigeliyo dabaaldeggan cajiibka ah. Koobka Adduunka wuxuu soo jiitay dareenka dalkeenna, sidoo kale ciyaarta kubadda cagta lafteedu waxay si weyn caan uga noqotay sannadihii u dambeeyay... Sidaas darteed waxaan soo dhoweynayaa dhammaan kuwii ka yimid dalalka iyo qaaradaha kala duwan, iyo sidoo kale dhammaan kuwa daawan doona kulamadan ka dhici doona Mareykanka muddada 30-ka maalmood ee soo socota."
Kuwaasi waxay ahaayeen hadalladii Madaxweyne Bill Clinton 17-kii Juun 1994, isagoo jooga garoonka Soldier Field ee magaalada Chicago, xilligii uu ka qaybgalayay ciyaartii furitaanka ee Koobkii Adduunka ee ugu horreeyay ee lagu qabto Mareykanka.
Maalintaas waxaa inta badan lagu xusuustaa kubbad rigooreedii ay fursadda ku lumisay Diana Ross intii lagu jiray xafladdii ka horreysay ciyaarta, halkii laga xusuusan lahaa khudbaddii Clinton. Si kastaba ha ahaatee, joogitaankiisa maanta wuxuu u muuqdaa mid si gaar ah muhiim u ahaa.
Sababta ayaa ah in 32 sano kadib, Mareykanku mar kale martigelinayo tartankan, balse iyadoo tartanku marayo bartankiisii, madaxweynaha hadda talada haya weli kama uusan soo muuqan wax kulan ah.
Horraantii bishan, Trump wuxuu ammaanay tirada tigidhada ay iibisay FIFA, isagoo ku tilmaamay "Koobkii Adduunka ee ugu guusha badnaa abid ee ay qabtaan," taasoo sii xoojisay aragtidii dad badani qabeen ee ahayd inuu noqon doono qof si weyn uga dhex muuqda tartanka isla markaana si xamaasad leh uga qayb qaata.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Runtii, intii lagu jiray diyaar-garowga tartanka, wuxuu u muuqday inuu si weyn muhiimad u siinayay. Wuxuu xitaa ka hadlay Koobka Adduunka khudbad uu ka jeediyay isu soo bax la qabtay habeenkii ka hor caleemo-saarkiisii madaxweynenimo horaantii sannadkii hore.
Kadibna, Trump wuxuu door muhiim ah ka qaatay xafladdii isku-aadka ee ka dhacday Washington, D.C. bishii Diseembar, halkaas oo uu Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ku guddoonsiiyay Abaalmarinta Nabadda ee ugu horreysay ee ay FIFA bixiso.
Labada nin waxay sanadihii u dambeeyay yeesheen xiriir dhow, iyadoo Infantino lagu soo dhoweeyay labadaba Xafiiska Oval Office ee Aqalka Cad iyo guriga Trump ee Mar-a-Lago ee gobolka Florida.
Sidoo kale, muddadiisii labaad ee madaxweynenimo, Trump wuxuu si joogto ah uga qayb galay dhacdooyin waaweyn oo isboorti oo ka dhacay Mareykanka, laga bilaabo Super Bowl, final-kii Club World Cup ee xagaagii hore, ilaa maalintii furitaanka tartanka golf-ka ee Ryder Cup ee lagu qabtay Bethpage.
Si kastaba ha ahaatee, markii Mareykanka oo ka mid ahaa dalalka martigelinaya uu ciyaaray kulankiisii ugu horreeyay ee uu la yeeshay Paraguay 12-kii Juun magaalada Los Angeles, kadib xafladdii furitaanka, maqnaanshaha madaxweynaha ayaa si weyn loo dareemay. Halkii isaga uu iman lahaa, waxaa Washington ka yimid Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mark Rubio.
Waxay u muuqatay in Trump uu mudnaanta siiyay munaasabad ay qabanaysay Ultimate Fighting Championship (UFC) oo lagu qabtay barxadda Aqalka Cad laba maalmood kadib, taasoo lagu xusayay dhalashadiisii 80-aad iyo sanad-guuradii 250-aad ee Mareykanka.
Haddaba, tani ma tahay wax lala yaabo? Caadi ahaan, madaxda dalalka martigeliya Koobka Adduunka waxay ka soo qaybgalaan ciyaarta furitaanka ee dalkooda. Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, wuxuu joogay ciyaartii ugu horreysay ee Qatar afar sano ka hor, halka Vladimir Putin uu daawaday ciyaartii furitaanka ee Ruushka sanadkii 2018 oo ka dhacday magaalada Moscow.
"Ma aha arrin ka baxsan dabeecaddiisa," ayuu yiri Federico de Jesus, oo ah xeeldheere siyaasadeed iyo khabiir dhanka isgaarsiinta ah, kana soo shaqeeyay sidii agaasimaha warbaahinta ee madaxweynihii hore Barack Obama.
"UFC waa ciyaarta uu Trump si gaar ah u taageero, isla markaana uu xiriir gaar ah la leeyahay," ayuu De Jesus u sheegay BBC Sport.
"Sidoo kale eeg dhacdooyinka kale ee isboorti ee uu ka qayb galay. Wuxuu tegay Super Bowl (sannadkii hore ee New Orleans), balse ma uusan tegin kulamada caadiga ah ee xilli-ciyaareedka. Waxa uu xiiseeyaa dhacdada ugu weyn—waa final-ka Koobka Adduunka—halkaas oo daawadayaasha ugu badan ay isugu yimaadaan. Sidaas ayaan filayaa inay markan sidoo kale noqon doonto."
Runtii, Trump ma uusan tegin labadii kulan ee xigay ee Mareykanka la ciyaaray Australia (oo ka dhacay Seattle) iyo Turkey (oo ka dhacay Los Angeles).
De Jesus wuxuu sheegay in Madaxweyne Obama "hubaal uu si ka duwan arrintan u wajihi lahaa," isagoo soo jeediyay inuu ka qayb geli lahaa xafladda furitaanka, isla markaana uu ahaan lahaa "martigeliye sharaf leh iyo diblomaasi wanaagsan." Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in Trump uu yahay qof dabeecad ahaan aad uga duwan.
Wuxuu sidoo kale aaminsan yahay in madaxweynuhu laga yaabo inuu "ka taxaddaray" kadib markii lagu ooriyay intii uu ka qayb galay Final-ka NBA ee magaalada New York horaantii bishan, isagoo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah ee ka qaybgala Final-ka NBA.
Arrintaas waxaa sii dheer, marka la eego in kulamada Koobka Adduunka ay soo jiitaan dad aad u kala duwan oo caalami ah, iyo muranka ka dhashay qaar ka mid ah siyaasadaha maamulkiisa ee arrimaha dibadda iyo socdaalka, shaqaalaha Trump ayaa laga yaabaa inay ka walaacsanaayeen sida loo soo dhoweyn lahaa, gaar ahaan magaalooyinka Los Angeles iyo Seattle, oo labaduba si xooggan u taageera xisbiga Democrat.
Trump ma soo muuqan doonaa ka hor ciyaarta kama dambaysta ah?
Gianni Infantino, oo ah madaxweynaha FIFA, ayaa xaqiijiyay in qorshuhu yahay in Donald Trump uu ka soo qaybgalo ciyaarta kama dambaysta ah ee lagu qabanayo New Jersey 19-ka Luulyo, isla markaana uu guddoonsiiyo koobka kooxda ku guuleysata. Trump laftiisa ayaa sidoo kale xaqiijiyay in lagu casuumay inuu sidaas sameeyo.
Si kastaba ha ahaatee, Andrew Giuliani, oo ah madaxa Guddiga Aqalka Cad ee Koobka Adduunka (White House World Cup Task Force), ayaa tilmaamay in Trump laga yaabo inuu kasoo muuqdo tartanka ka hor ciyaarta kama dambaysta ah.
"Hal shay oo aan ka sheegi karo madaxayga, madaxweynihii 47-aad—waxaan aqaanay ku dhowaad 30 sano hadda—wuxuu jecel yahay inuu dadka xiisaha ku hayo ilaa daqiiqadda ugu dambeysa," ayuu yiri Giuliani.
"Wuxuu jecel yahay inuu dadka kursigooda ku sii hayo iyagoo sugaya waxa xiga. Sidaas darteed, waxa keliya ee aan dadka u sheegi karo waa: la socda, waxaana hubaa inay jiri doonaan waxyaabo lama filaan ah."
Si caddaalad ah marka loo eego Trump, jadwalkiisa shaqo ayaa aad u mashquulsanaa. Waqtigii uu Mareykanku ciyaarayay kulankiisii ugu horreeyay, wuxuu isu diyaarinayay safar uu ku tagayo Faransiiska si uu uga qayb galo shirkii G7 ee dhacay 15 ilaa 17 Juun. Sidoo kale, wuxuu ku jiray wadaxaajoodyo lagu doonayay in lagu gaaro heshiis nabadeed oo lala galo Iiraan, kaas oo la shaaciyay 18-kii Juun.
Dhanka kale, waxaa xusid mudan in inkastoo Ra'iisul Wasaaraha Kanada, Mark Carney, uu ka qayb galay ciyaartii dalkiisu la yeeshay Qatar ee ka dhacday Vancouver, Madaxweynaha Mexico, Claudia Sheinbaum, ay sheegtay inaysan ka qayb geli doonin wax kulan ah, iyadoo tilmaantay qiimaha sare ee tigidhada.
Dadka ku dhow Trump waxay sheegayaan in maqnaanshihiisa kulamada aysan ka dhignayn inuusan xiisaynayn ama uusan ku lug lahayn tartanka. Waxay tusaale u soo qaateen inuu taleefan kula hadlay xulka Mareykanka maalin ka hor kulankoodii ugu horreeyay.
Waxaa sidoo kale la sheegay in FIFA ay uga mahadcelinayso taageerada joogtada ah ee ay ka heshay maamulka Mareykanka intii uu socday Koobka Adduunka. Saraakiil sare oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Amniga Gudaha, Markwayne Mullin, Xoghayaha Caafimaadka, Robert F. Kennedy, iyo Xoghayaha Gaadiidka, Sean Duffy, ayaa dhammaantood ka qayb galay kulamo ka mid ah tartanka.
Waxaa suuragal ah in FIFA ay ku qanacsanaan doonto haddii Trump ugu yaraan kasoo qayb galo ciyaarta kama dambaysta ah, isla markaana joogitaankiisu uusan si xad-dhaaf ah u qabsan dareenka munaasabadda.
Si kastaba ha ahaatee, marka la eego sida Trump uu caadi ahaan u jecel yahay fursadaha uu kaga dhex muuqdo warbaahinta iyo dhacdooyinka waaweyn, lama yaabi doonto haddii uu kasoo muuqdo mid ka mid ah kulamada ka hor ciyaarta kama dambaysta ah.















