You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Madaxwayne Xasan sheekh oo caalamka la wadaagay qorshihiisa xalllinta isbadalka cimilada
Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowr arrimood uga hadlay khudbad uu ka jeediyay shirka caalamiga ah ee isbeddelka Cimilada Adduunka ee ka socda dalka Masar.
Madaxwaynaha ayaa ku dheeraaday isbadalka cimilada iyo sida uu u saameyay dalalka soo koraya. Waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh si gaar ah uga hadlay isbadalka cimilada iyo sida uu Soomaaliya u saameeyay, isagoo sheegay in malaayiin Soomaali ah ay maanta dhibaateysan yihiin cuna la'aan. "Dalka Soomaaliya in ka badan 7 milyan oo qof ayaan haysan raashin ay cunaan, waxayna u baahan yihiin gargaar binaaadanimo oo degdeg ah," ayuu yiri.
Madaxwayne Xasan ayaa sidoo kale sheegay in culeyska iyo caqabadaha ka dhashay isbadalka cimilada aan si isku dheellitiran loo qeybsan.
"Waxaa xaqiiqo ah in aan si siman oo caddaalad ah loo qeybsan culeyska iyo caqabadaha ka dhashay isbadalka cimilada," ayuu yiri.
Waxa uu intaa ku daray in dalalka aan warshadaha lahayn ee aan lahayn waxayabaha sababa isbadalka cimilada ay dhibaatada ugu badan ku dhacayso.
"Waddamada aan warshadaha lahayn ee qiiqa badan aan hawada u dirin sida Soomaaliya oo kale ayay dhibaatada ugu badan ee isbadalka cimilada ku dhacaysaa," ayuu yiri madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.
Yareynta saameynta isbadalka cimilada
Waxaa uu madaxwaynaha farta ku fiiqay in Sooamaliya ay ka mid tahay dalalka halista ugu badan ku jira marka ay timaado dhibaatooyinka ka dhasha isbadalka cimilada.
"Soomaaliya waxaan aad ugu nugulnahay isbadalka cimilada, isbadalka cimiladu wuxuu nagu yahay caqabad siyaasadeed, amni iyo dhaqaale, waxaana u qaadanaynaa in uu yahay mid dhab ah," ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda fedraalka ee Sooamaliya ayaa xusay in dowladdiisa ay muhiimad gaar ah siisay xal u helidda dhibaatada isbadalka cimilada isla markana ay asaastay wasaarad shaqadeedu tahay la tacaalidda cimilada isbaddaleysa.
"Anaga oo tixgalinayna arrintan [isbadalka cimilada] waxaan sameynay wasaarad u gaar ah waxaana daah-furnay hindisaha Soomaaliya cagaar ah, si arrintan wax looga qabto," ayuu yiri.
Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Sooamaliya ay ka mid dalalka maanta wajahaya cunno la'aanta taasi oo ka dhalatay isbadalka cimilada.
"Cunto la'aanta maanta ka jirta caalamka ayaa si xooggan u saameysay Soomaaliya, sababtuna waa isbadalka cimilada iyo dadka oo aan awood u laheyn inay dalagyadooda beertaan abaarta jirta awgeed," ayuu yiri.
Xassan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay u baahan tahay qorshe degdeg ah oo lagu yareynayo saameynta isbadalka cimilada.
"Soomaaliya waxay u baahan tahay qorshayaal iyo barnaamijyo lagu dhimayo saameynta isbadalka cimilada oo si degdeg ah loo hirgaliyo," ayuu yiri madaxwayne Xasan
Shirka isbadalka cimilada
Shirka isbadalka cimilada ayaa Isniintii ka furmay Magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar. Waaa shir-weynaha 27-aad ee Qaramada Midoobay ee sanad kasta looga hadlo wax ka qabashada isbedalka cimillada.
Sanadkan waxaa shirka ka qeyb galaya madax ka kala timid 120 dal.
Isbadalka cimilada ayaa ah mid saameyn ku yeeshay guud ahaan caalamka. Waxyaabaha ka dhashay waxaa ka mid abaaraha iyo fatahaadaha.
Dalalka soo koraya oo iyagu u nugul isbadalka cimilada ayuu saameynta ugu badan ku yeeshay.
Waddamadda hormaray ayaa lagu dhaliilay in ay ka gaabiyeen wax ka qabashada isbadalka cimilada islamarkaana aysan fulin balanqaadyadii hore