You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxaan ka naqaan hubkii dagaalkii Labaad ee xamaas ay kaga gudubtay difaaca Israa’iil
Markii Xamaas ay Sabtidii weerarka ku qaadday Isra’iil , waxaa dagaalyahannada soo weerar tegey ku jiray kuwo baarashuud kaga soo gudbay xuduudda.
Guutada Izz-al-Din al-Qassam Brigade oo ah garabka milateriga ee weerarka ku qaaday dadkii ka qayb galayey xaflado, iyo magaalooyin u dhow marinka Qasa. Weerarkaas la yaabka leh waxaa loogu magac daray “Daadkii Al-Aqsa”.
Afhayeenka milatariga Israa’iil Richard Hecht ayaa xaqiijiyey in dagaalyahannada Falastiiniyiinta ay ku soo galeen dallaayado dhinaca dhulka iyobadda.
Masawiro iyo muuqaallo fiidiyow oo lagu wadaagay baraha bulshada ayaa muujinayey guutada Al-Qassan oo ku soo degaya dallaayado. Waa markii ugu horreysay ee la ogyahay inay u isticmaaleen farsamadaas weerarrada ay ku qaadaan Israa’iil.
Ka gudbidda xagga cirka ee darbiga xudduudda
Mintidiinta Falastiiniyiinta ayaa waxaa u suurto gashay inay gidaarka ka gudbaan, kaasoo kala dhex yaalla Qasa iyo Israa’iil, ayagoo saaran dalaayado ay ku xiran yihiin kursi ama laba.
Waxaa ku xirnaa matoorro iyo marwaxado, waxayna ku soo kaxeeyeen dhulka ku hareereysan marinka Qasa.
Farsamooyinkii dagaalkii labaad
Dallaayadaha milateriga ayaa si joogto ah loogu isticmaalay indusha alaal looga soo tuuro qaybo ciidanka ka mid ah, ayadoo ujeedadu tahay in la dhex galo safafka cadawga ee ka dambeeya furinta hore.
Kooxaha dallaayadaha ayaa markii uguhorreysay dagaal la geliyey ayagoo la dagaallamayey Jarmalka iyo dalalkii xulafada intii uu socday dagaalkii labaad ee dunida.
Weerarkii 1987
Weerarkii xamaas ee Sabtidii wuxuu dib noo xusuusinayaa hawlgalkii waxyaabaha lagu duulo ee gacan ku samayska ah ee ay qaadeen laba Falastiiniyiin ah, qof Suuriyaan ah iyo qof Tuuniisiyaan ah oo ka soo jeeday taliska dhexe - Jabhadda xoraynta Falastiin.
Waxay ka soo duuleen Lubnaan si ay u weerararaan bar milateriga Israa’iil ay leeyihiin bishii Nofember 1987.
Weerarka dhulka
Ayagoo isticmaalayay dallaayado ku qalabaysan matoorro iyo qalabka lagu koontaroolo ayaa dagaalyahannada waxaa u suurto gashay inay weerar dhulka ah qaadaan.
Taasi micnaheedu waa in aysan u baahan inay soo safraan ayagoon u baahanin in ay buur fuulaan ama dayaarad ka soo boodaan.
Matoorka ayaa dallaayadda siinayey awood ay ku duusho 56 KM saacadiiba.
Waxay duuli karaan muddo 3 saacadood ah, celcelis ahaanjoog gaaraya 5000oo mitir oo dhulka ka sarreeya.
Waxay qaadi karaan culays gaaraya 230 kiilo , ama wax u dhigma afar qof sida laga soo xigtay website-yada laga helo xogta qalabkaas.
Mishiinkaas sida dalladda u eg waxaa markiiba fariisan kara hal qof, ama gaari gacan seddex lugood leh oo qaadi kata laba qof.
Muuqaallo fiidiyow oo ay soo dhigeen warbaahinta milateriga ee guutada Izz al-Din al-Qassam ayaa laga arkay qalabkaas oo dhulka laga soo duulinayo, oo midkiiba ay duulinayaan qof ama laba.
Muuqaallo kale ayaa laga arkayey dagaalyahanno cirka rasaas ka soo ridaya ka hor intii aysan soo degin oo aysan weerarin goobaha Israa’iiliyiinta.
Xamaas waxay kooxdaa dallaayadaha ku boodaysay u bixisay kooxda “Saqr”.
Maxaysan ciidanka Israa’iil u qaban dallaayadaha
Muuqaallo Fiidiyow oo ay baahisay Xamaas waxay muujinayeen rag hubaysan oo dallaayado ku boodaya oo ka soo duulay Qasa, ayadoo dhanka kalena ay aad u dhax=cayeen sawaariikh marinkaas laga soo ridayey.
Qaarkood waxay u muuqden inay joog hoose ku duulayeen, halka qaar kalena joogoodu sarreeyey.
Waxaa lagu arki karay isha caadiga ah cirka u dhow Qasa.
Warbaahinta Israa’iil ayaa su’aalo galisay sababta ciidanku ugu guul darraysteeninay qabtaan.
Ciidanka Israa’iil weli shaaca kama qaadin sababata hanaankooda difaaca cirka uusan u qaban dagaalyahannada cirka ka soo galay, gaar ahaan kuwa dallaayadaha ku duulayey oo si sahlan loo arkayey, dadkuna telefoonnadooda gacanta ay ku duubeen.