Maxaad ka taaqaanna teknooloojiyadda Bionic ee dadka aragga la' aragtida ka caawinaya

Xigashada Sawirka, Google
Beri hore waxa jiray ido Australiya ku noolaa oo leh indho fiiqan uu araggoodu sarreeyo oo aan caadi ahayn.
Haddaba neef ari ah oo yar ayaa sanadki hore muddo seddex bilood ah oo qaybaha dambe ee isha loogu rakibay indho macmal ah ama nidaamka aragga ka caawiyo ee dad sameega ah.
Neefkan idaha oo qayb ka ah tijaabada nidaamkan aragga lagu sameynayey ayey cilmi-baadhayaashu ujeeddadiisu ku sheegeen in looga gol leeyahay in ay wax ku arki karaan dadka aragga la' iyaga oo adeegsanaya nidaamkan macmalka ah iney wax arki karaan.
Ujeeddada gaarka ee tijaabada idaha ayaa loogu talo galay in la eego sida uu qalabkaasi neefka lagu tijaabiyey uu jirkiisa uga falcelinayo. Nidaamka aragga ee Bionic natiijada baaritaanka ka soo baxday ay keentay in la soo jeediyo dalab ah in qalabkaasi lagu billaabo bukaannada baniddamka aragga u dhib qaba.
Phoenix 99 oo ah aalad aan wax fiilo ah u baahneen oo kaameerad yar wadata ayaa lagu xiraa qaybta dambe ee isha ama halka aragga uu ka soo billaawdo oo afka qalaad loo yaqaanno retina. Retina waa lakab unugyada dareenka iftiinka ee xagga isha dambe ka yimaaddo u beddelo farriimo danabaysan, farriimahaasi loo diro maskaxda loona sii mariyo neerfaha aragga ee sababa inaan indhaheennu wax arkaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qalab Phoenix 99 wuxuu awoodaa inuu dhaafo unugyada Retina ee buka kaddibna wuu kiciyaa si ay u shaqeeyaan.
"Ma jiraan falcelin lama filaan ah oo ka yimid unugyada ku wareegsan aaladda, waxaanan fileynaa inay sii jiri karto sanado badan," ayuu yiri Samuel Eggenberger, ka tirsan Jaamacadda Sydney.
Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxay sheegtay ugu yaraan 2.2 bilyan oo qof oo daafaha dunida ku kala nool ayaa la kulma nooc ka mid ah aragga daciifka ah, ilaa iyo aragti la'aan. WHO waxay sheegtay khasaaraha dhaqaale ee dadkaasi aragga la' ee dunida ku nool sanadkii ka soo gaaraya ay ka badan tahay $25 balyan oo doolar.
Isticmaalka nidaamka aragga soo celiya ee bionic wuxuu dawo u yahay indho la'aanta balse weli waa billow u baahan in tijaabada nidaamkan lagu sameynayo la sii laba jibbaaro, hase yeeshee horumarinta teknooloojiyadaha noocan ah ay si xowli ah u socdaan.
Warbixin arrinkan laga diyaariyeyna waxay sheegtay horumarinta teknooloojiyadahaasi marka la gaaro 2028-ka ay ku kaceyso $426 malyan oo doolar.
"Horumarka tignoolajiyada ayaa dib u qeexaya daaweynta indhaha," ayey tiri Dr Diane Hilal-Campo, oo takhasuskeedu yahay indhaha oo ka howl gasha New Jersey.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wuxuuna agabkaasi uu u shaqeynayaa qaab la mid ah nooca cusub ee Phoenix 99, nooci ugu horreyeyna waxa markii ugu horreysay bukaan lagu rakibay 2011-kii.
Aragtida labaadna waxay horseedda nooca cusub ee loo yaqaanno Orion. Qalabkaasi oo ah mid maskaxda qofka lagu rakibo waxayna shirkaddu sheegtay ujeeddada Orion laga leeyahay inuu yahay inuu daweeyo dhammaan noocyada indha la'aanta qotoda dheer ee dunida ka jirta. Wuxuuna mashruuca weli mariyaa heerka tijaabada koobaad.

Dr Hilal-Campo waxay sheegtay dhibaatada wakhti xaadirkan jirta iney tahay teknooloojiyadda oo qaali ah taasoo keeni karta "iney dad yar oo keli ah ay helaan." Tusale ahan nooca Argus II qiimahiisu wuxuu gaarayaa $150,000 oo doolar.
Waxay intaas ku dartay in maadaama tignoolajiyaddu ay weli curdin tahay natiijadu aanay weli gabagabo u dhowayn. "Shaki iigama jiro in tignoolajiyadda ay wax ka beddeshay nolosha bukaannada nasiibka u yeeshay in la siiyo qalabkan," ayey tiri Dr Hilal-Campo. "Hadda, si kastaba ha ahaatee, tignoolajiyadda ayaa xaddidan, kaliya u oggolaanaya aragtida iftiinka iyo hooska, iyo, ilaa xad, qaababka.

Xigashada Sawirka, Hilal Campo
"[Weli] waxaan ku rajo weynahay, in sanadaha soo socda, shirkadaha teknooloojiyadda ay sii wadi doonaan inay helaan habab cusub oo lagu caawiyo dib u soo celinta aragga kuwa aan nasiibka u yeelan iney wax arkaan."
"Waxaan rumaysanahay in marka tayada tignoolajiyaddu ay gaarto heerka ku habboon, oo ay la timaaddo shay qiyaaseysa aragtida ay gaarto isha caafimaadka qabta, tignoolajiyaddani waxay noqon doontaa mid raqiis ah oo meel walba laga helo," ayuu yidhi Bhavin Shah, oo ah dhakhtar indhaha ku takhasusay uu fadhigiisu yahay London.

Xigashada Sawirka, Karen Squier
Waxayna far fiiqday sida taleefanka iPhone ee ay soo saarto shirkadda Apple oo kale inuu qalabkaasi noqon doono mid ay dadku helaan. Sida oo kalana si la mid ah teknooloojiyadahaa teleefanka iPhone uu isticmaalo mid la mid ah ay dadka aragga la' cod ahaan farriimaha ku helaan ama dhaqdhaqaqa kaameerada ay sameyso ay xog badan oo caawiso ku heli karaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mudda dheer, waxay aaminsaneyd in qaar ka mid ah faa'iidooyinka ugu muhiimsan ee tiknooloojiyadda daryeelka indhaha ay ka iman doonaan ku biirinta siyaasadaha iyo nidaamyada dadweynaha ee saaxiibka la ah naafanimada. Hal tusaale waxaa ka mid noqon kara isticmaalka tignoolajiyadda ka digtoonaan karta rakaabka aragga naafada ka ah ee jadwalka baska iyo ka warhaynta marka basku soo socdo, taas oo meesha ka saaraysa dhibaatooyinka iman kara meesha baska istaago.
Taas macnaheedu maaha in Dr Squier uusan arkin tignoolajiyadaha casriga ah sida nidaamka bionic oo ay ku jiraan oo saameyn weyn ku leh mustaqbalka marka ay tignoolajiyadda horumarto.
"Waxaan u maleynayaa in xitaa indhaha bionic ay u socdaan jihada saxda ah," ayay tiri. "Laakiin waa inaan aragnaa sida ay wax u dhacaan."














