You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Gabdho dhiiggooda warqad ugu qoray raysul wasaare, fal uu aabbahood sameeyay dartiis
Lix sano kaddib markii ay qoreen warqad, iyaga oo isticmaalaya dhiiggooda oo ay ku dalbanayeen in caddaaladda la horkeeno qofkii ka dambeeyay dilka hooyadood oo nolosha lagu gubay, ayaa waxay heleen caddaalad.
Marka loo eego marag-furka Latika Bansal- oo hadda 21 jir ah oo ay weheliso walaasheed, maxkamad ayaa ku xukuntay xabsi daa’in aabbahood Manoj Bansal.
Gabadhan dhallinyarada ah ayaa kiiskan ku sheegtay in aabbahood uu garaaci jiray hooyadood, maaddaama ay wiil u dhali wayday.
Bansal ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana uu sheegay in xaaskiisa ay iyadu is-dishay, taas oo ay maxkamadda Bulandshahr ee waqooyiga gobolka Uttar Pradesh aysan rumeysan.
Doorbididda in ay xaasku dhasho wiil
Doorbididda carruurta labka ah ee Hindiya waxay asal ahaan ka soo jeeddaa caado-dhaqameed ka jirta gobollo ka mid ah dalka Hindiya.
Qoysaska dalka Hindiya waxay rumeysan yihiin caqiido ah in wiilashu ay sifo qoyska ka mid ah xanbaarsan yihiin, isla markaana marka uu waalidku da' noqdo uu daryeelayo.
Intii ay socotay dacwadda ayay gabdhaha walaalaha ah sheegeen in ay arkayeen aabbahood oo tacaddiyo u geysanaya hooyadood oo uu ku eedeynayay inay dhashay gabdho kaliya.
Maxkamadda ayaa sidoo kale loo sheegay in dhibbanaha lagu khasbay in ay lix ilmo iska soo xaaqdo, kaddib baaritaanno sharci-darro ah oo lagu ogaanayay jinsiga uur-ku-jirka ku jira ay muujiyeen in ay uur leedahay ilmo gabar ah.
Maxkamadda ayaa sidoo kale loo sheegay in dhibbanaha lagu qasbay in ay lix ilmood iska soo xaaqdo, kaddib baaritaanno sharci darro ah oo lagu ogaanayay jinsiga uur-ku-jirka ku jira ay muujiyeen in ay uur leedahay ilmo gabar ah.
Maxkamadda ayaa sidoo kale loo sheegay in haweeneyda la dilay lagu qasbay 6 mar in ay carruur iska soo rido, kaddib markii la ogaaday in ilmaha ay caloosha ku sido ay tahay gabadh.
Warqaddii caan-baxday ee ay qoreen
Markii dhacdadan dilka ah ay dhacday 2016-kii ayaa waxaa la siiyay kiiskan mudnaan gaar ah, kaddib markii gabdhaha - oo markaas ay da'doodu ahayd 15 iyo 11 - ay u qoreen warqad iyaga oo dhiiggooda isticmaalaya raysul wasaarihii hore, Akhilesh Yadav.
Waxay gabdhahan ku eedeeyeen booliiska deegaanka ay ka soo jeedaan in kiiskan dilka ah ay doonayaan in ay ka dhigaan hooyadood in ay iyadu is-dishay.
Sarkaalkii booliska ahaa ee kiiska gacanta ku hayay ayaa shaqada looga joojiyay kaddib markii la ogaaday in uusan sameyn baaritaan dhab ah, waxaana la amray in baaritaan cusub la billaabo.
Lix sano, hal bil iyo saddex iyo toban maalin ayay qaadatay in caddaalad la helo, sida uu BBC-da u sheegay Sanjay Sharma oo ah qareenka u doodayay labada gabdhood ee walaalaha ah.
"Tani waa dhacdo naadir ah oo gabdhaha dacweeyay aabbahood ugu dambeynna ay heleen cadfaalad," ayuu yiri, isagoo sheegay in lix sano ay gabdhuhu ka qayb-galeen dhageysiga dacwadda in ka badan 100 jeer.
Qareen Sharma ayaa sheegay in qoyska gabdhahan uusan hal shilin ka qaadin, maaddaama aysan haysan wax dhaqaale ah.
Kiisku wuxuu ku dhamaaday in Bansal uu gubay ninkeeda oo ku eedeeyay in aysan wiil u dhalin.