You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sida uu u dhacay weerar loo geystay masjid ku yaalla Minnesota
Booliska magaaladda Minneapolis ee waddanka Mareykanka ayaa baaraya dhac iyo burburin loo geeystay dhismaha masjidka Towfiiq ee ku yaalla koonfurta magaaladaasi.
Bulshada Muslimiinta ah ee gobolka Minnesota ayaa wajahaya weeraro aan hore loo arag oo ka dhan ah masaajidda.
Barasaabka gobolka Minnesota Tim Walz oo ka hadlayay weerraradaasi ugu dambeeyay ayaa bartiisa Twiter-ka waxa uu soo dhigay farriin uu ku sheegayo in dadka gobolka Minnesota ay taageersan yihiin Muslimiinta.
“Toddobaadkan, waxaa si xun loo burburiyay masjidka Tawfiiq ee Minneapolis, waxaana laga xaday kumanaan doolar oo masjidka loogu deeqay.”
Wuxuu intaa ku daray in tallaabadan looga gollahaa in lagu kala qeybiyo bulshada.
“Shacabka waxay garab taagan yihiin isla markaana ka go’an inay taageeraan walaalaheen Muslimiinta ah, ma aqbaleyno naceyb,” ayuu yiri barasaabka gobolka Minnesota Tim Walz.
Weriye Siyaad Saciid Saalax oo booqday masjidka ayaa wuxuu halkaa kusoo arkay burburka albaabada iyo khasnadaha lacagta sadaqada lagu uruuriyo.
Khasaaraha gaaray masjidka ayaa lagu qiyaasay ilaa 50,000 oo doolar.
Lacagtan ayaa labadii isbuuc ee lasoo dhaafay loo uruuriyay dadka ay saameeyeen abaaraha ee ku nool gobolka Oromada ee Itoobiya.
Muuqaal ay duubeen kameerooyinka CCTV-da ayaa muujinaya burburka soo gaaray masjidka Tawfiiq.
Axmed Cali Muuse oo ah madaxa dhalinyarada masjidka Tawfiq ayaa BBC u sheegay in qofka dhaca geystay uu buburiyay albaabka masaajidka ka hor inta uusan lacagta dhicin.
“Markii uu soo galay masjidka wuxuu adeegsanayay bud weyn oo uu ku jebiyay albaabka”
“Waxaan hadda u cabsaneynaa carruuta dugsiga ka dhigata xarunta iyo waalidiinta, waa su’aal ay isweydinayaan bulshada, qofka waxaan sameeyay wuxuu geystay dambi naceyb ah,” ayuu yiri Axmed.
Madaxa hay’adda Cair ee difaacda xuquuqda Muslimiinta qaybteeda Minnesota, Jaylaani Xuseyn ayaa BBC u sheegay in dhacdooyin noocan oo kale ah ay horey uga dhaceen halkaas.
“Minnesota hadda waxay noqotay meelaha Mareykanka ay ugu badan yihiin masaajidda la galayo sida aan hadda aragnay, sanadkan afar dhacdooyin baa dhacay, afar masaajid baa la galay.”
“Waxaa loo baahan yahay sidii looga hortagi lahaa arrintan oo wax looga qaban lahaa, masaajidda waa inay adkeeyaan amnigooda. Sodoo kale waa in hay’adaha nabadsugidda ay shaqo badan ka qabtaan,” ayuu yiri Jaylaani Xuseyn.