Mulkiile, ganacsade iyo ciyaaryahan: Sida Messi isu diyaarinayo noloshiisa kubbadda cagta ka dib

Messi
Qoraalka sawirka, Messi wuxuu xulka Argentina ku hoggaamiyay ku guuleysiga Koobkii Adduunka ee 2022.
Published
Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

Messi wuxuu ku dhow yahay inuu ciyaaro kulankiisii ugu dambeeyay ee xulka Argentina

Lionel Messi ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u soo gabagabeeyo waayihiisa ciyaareed ee heer caalami isagoo xulka Argentina kula ciyaaraya Benin kulan saaxiibtinimo oo ka dhacaya garoonka Monumental Stadium ee Buenos Aires. Kulankan wuxuu noqon doonaa kulankiisii 208-aad ee uu u ciyaaro xulka qaranka, taasoo ka dhigaysa ciyaaryahanka ugu safashada badan Argentina iyo gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda xulka.

Messi, oo si weyn loogu tixgeliyo inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda kubbadda cagta ugu miisaanka culus abid, isla markaana dad badan ay u arkaan ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda Argentina, ayaa 31-kii Agoosto ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha heerka caalamiga ah. Taasi waxay timid toddobaadyo kaddib markii Argentina ay Spain ugu adkaatay finalka Koobka Adduunka. Wuxuu xilligaas sheegay inuu dareemayay inuusan wax kale oo dheeraad ah ku biirin karin xulka qaranka.

Inkasta oo uu ku dhawaaqay inuu ka fariistay, tababaraha Argentina Lionel Scaloni ayaa weli ku adkeysanayay in albaabada xulka qaranku u furan yihiin xiddiga haddii uu go'aansado inuu fikirkiisa beddelo. Waxaa jira calaamado muujinaya in Messi uu soo afjaray waayihiisa ciyaareed ee heerka caalamiga ah.

Inkasta oo uu ka fariisanayo inuu u ciyaaro Argentina, haddana waayihiisa ciyaareed ee heerka kooxaha ayaa sii socda. Messi wuxuu weli u ciyaaraa Inter Miami, isagoo heshiiskiisu soconayo illaa dhammaadka xilli-ciyaareedka 2028, iyadoo heshiiska dib loo eegayo sannad kasta.

Dadka ku dhow ciyaaryahanka ayaa aaminsan in uu sii ciyaari karo muddo dheer haddii uu dareemo inuu weli ku jiro xaalad jireed iyo mid maskaxeed oo wanaagsan. Si kastaba ha ahaatee, sida ay ahayd intii uu ciyaareedkiisa ku jiray, Messi weligiis laguma aqoon inuu si faahfaahsan u sii qorsheeyo tallaabooyinkiisa mustaqbalka fog.

Waxa hadda cad ayaa ah in xitaa marka uu ka fariisto ciyaaraha, xiriirka uu la leeyahay kubbadda cagta uusan si fudud u go'i doonin. Marka laga soo tago suurtagalnimada inuu sii wado ka qaybgalka hawlaha la xiriira kubbadda cagta, Messi waxa kale oo uu leeyahay dano ganacsi oo waaweyn, kuwaas oo sii kobcaya meel ka baxsan garoonka ciyaarta.

Mulkiile aan jeclayn inuu dib uga haro dadka kale

Messi, aya ku dhowr inuu noqdo mulkiile.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Nolosha tababare waxay ku xiran tahay natiijooyinka la gaaro Sabti kasta, waxaana uu la tacaalaa arrimo badan oo Messi uusan jeclayn inuu ka welwelo.

Mulkiiluhu wuxuu hagaa jihada kooxda, isaga oo xorriyad u haysta inuusan si toos ah ugu lug yeelan arrimaha maalinlaha ah ee garoonka. Messi wuxuu noqon lahaa mulkiile aan ku ekaan inuu ansixiyo magacaabista tababare kaddibna iska fogaado; wuxuu jeclaan lahaa inuu wax walba ku lug yeesho.

Diyaargarowga hore ayaa hadda ka socda Spain. UE Cornellà, oo ah koox ku taalla duleedka Barcelona kana ciyaarta heerka shanaad, ayaa ah xarunta lagu kobciyo laguna barbaariyo ciyaartoyda da'da yar; Messi ayaa kooxda iibsaday bishii Abriil.

CD Eldense, oo ka ciyaarta heerka labaad, ayaa 1-dii Oktoobar ku dhawaaqday in Messi uu yahay mulkiilaha cusub ee kooxda. Tallaabadan ayaa weli sugaysa ansixinta Golaha Sare ee Ciyaaraha Spain (CSD).

Eldense ayaa noqon doonta kooxda ugu weyn ee uu ku wajaho hawlihiisa kubbadda cagta, balse hadafka xilli-ciyaareedkan waa in laga fogaado inay u dhacdo heerka hoose. Sidaas darteed, tababarihii hore ee Villarreal, Javi Calleja, ayaa loo dhiibay xilka kaddib markii uu yimid mulkiilaha cusub.

Qorshuhu waa in labada kooxood ay maamulaan dad uu Messi ku kalsoon yahay, kuwaas oo noqon doona xiriiriyaha isaga iyo kooxaha ilaa waqtiga uu awoodi karo inuu si buuxda ugu mashquulo.

Hadda wuxuu si dhow oo ah kombiyuutarkiisa uga daba socdaa dhammaan kulamada Eldense. Kadib markii Eldense 4-1 kaga adkaatay Real Oviedo, farriintiisii ugu horreysay ee uu mulkiile ahaan soo dhigo waxay ahayd qoraal uu Instagram-ka ku daabacay oo ahaa: "Aupa Deportivo" (Hambalyo Deportivo).

Saamaynta magaca Messi ayaa sidoo kale si cad loo arkay. Qiyaastii 12 shirkadood oo kafaala-qaadayaal ah ayaa soo baxay maalmo gudahood. Qaar ka mid ah shirkadahaas ayaa hore wada-hadallo ula lahaa mulkiilayaashii hore balse heshiis kama aysan gaarin, halka kuwo kalena ay hore xiriir ula lahaayeen Messi.

Uruguay, isaga iyo Luis Suárez waxay bishii May 2025 aasaaseen kooxda Deportivo LSM, waxaana kooxda loo dallacsiiyay heerka saddexaad ee kubbadda cagta dalka xilli-ciyaareedkeedii ugu horreeyay.

Markii hore waxaa jiray qorsheyaal ku saabsan in la sameeyo shabakad ay ka kooban yihiin kooxo badan. Hase yeeshee, kharashaadka badan ee loo baahan yahay si kooxaha loogu dallacsiiyo heerarka sare ayaa sababay in fikraddaas si degdeg ah looga tanaasulo, waxaana hadda laga saaray qorshaha. Hadafka Messi waa inuu arko haddii Eldense ay ka mid noqon karto kooxaha si rasmi ah uga dhisan La Liga.

Waxaa sidoo kale dhanka Miami. Qayb ka mid ah heshiiskiisa uu kula jiro Inter Miami ayaa dhigaya inuu saamiyo ku yeesho kooxda marka uu ka fariisto ciyaaraha. Hase yeeshee, lahaanshaha koox u gaar ah kama mid aha heshiiskaas.

Ma ku laaban karaa dalkiisa si uu ugu biiro Newell's Old Boys, kooxda uu yaraantiisii ugu ciyaari jiray magaalada Rosario? Fikraddan weligeed si rasmi ah loogama wada hadlin.

Messi wuxuu u muuqdaa inuu xiisaynayo doorarka maamulka kubbadda cagta marka uu ciyaaraha ka fariisto, halkii uu tababare ka noqon lahaa.

Sida ay sheegeen dadka isaga ku dhow, wuxuu jeclaan lahaa inuu noqdo agaasime ciyaareed ama la-taliye u ah madaxweynaha koox, xilal u saamaxaya inuu ka qayb qaato go'aannada muhiimka ah isaga oo aan u baahnayn inuu si joogto ah u safro ama uu qaado mas'uuliyadaha maalinlaha ah ee ay leeyihiin tababarayaashu.

Markii dhowaan la weydiiyay inuu doorbidi lahaa inuu noqdo tababare ama mulkiile koox, Messi wuxuu doortay lahaanshaha koox.

Si ka duwan tababaraha, oo guushiisa toddobaad kasta lagu cabbiro natiijooyinka garoonka, lahaanshaha kooxdu waxay Messi siinaysaa fursad uu ku qaabeeyo mustaqbalka hay'ad ama koox isaga oo aan si toos ah ugu lug yeelan dhammaan hawlaha maalinlaha ah. Si kastaba ha ahaatee, dadka yaqaan waxay sheegayaan inuusan doonayn inuu noqdo mulkiile magac uun ah; wuxuu rabaa inuu si dhow ula socdo wax kasta oo khuseeya kooxihiisa.

Tallaabooyinka ugu horreeya ee safarkaasi waxay hore uga billowdeen Spain. Bishii Abriil, wuxuu iibsaday UE Cornellà, oo ah koox ka ciyaarta heerka shanaad, isla markaana caan ku ah horumarinta ciyaartoyda da'da yar.

Kadib, 1-dii Oktoobar, kooxda heerka labaad ee CD Eldense ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inuu yahay mulkiilaheeda cusub, inkastoo hannaanka lahaanshaha uu weli sugayo ansixinta Golaha Isboortiga Spain (CSD).

Eldense ayaa la filayaa inay noqoto mashruuciisa ugu weyn ee kubbadda cagta. Hase yeeshee, hadda hadafka kooxdu waa inay sii joogto heerka labaad, taas ayaana keentay in la shaqaaleysiiyo tababarihii hore ee Villarreal, Javi Calleja.

Boqortooyo ganacsi oo sii fidaysa iyo jacaylkiisa kubbadda cagta da'yarta

Hadda ma jiraan wax calaamado ah oo muujinaya in Messi uu ciyaaryahan ahaan ugu laabanayo Newell's Old Boys, balse kooxdaasi waxay weli qayb muhiim ah ka ahaan doontaa safarkiisa kubbadda cagta da'yarta. Newell's waa mid ka mid ah 16-ka akadeemiyadood ee ka qaybgalaya Messi Cup-ka sanadkan.

Marka laga soo tago lahaanshaha kooxaha, kubbadda cagta da'yartu waxay ka mid ahayd waxyaabaha Messi aadka u xiiseeyo. Arrintan waxaa ka marag kacaya sida joogtada ah ee uu uga soo qaybgalo kulamada ay ciyaaraan wiilashiisa, iyo sidoo kale sida weyn ee uu uga qaybqaato Messi Cup-ka, tartanka ciyaartoyda da'doodu ka yar tahay 16 sano ee uu gacan ka geystay aasaaskiisa sanadkii 2025.

Tartanku wuxuu ku bilowday siddeed kooxood oo keliya, balse hadda wuxuu gaaray16 kooxood. Sanadkii hore, qabanqaabiyayaashu waxay filayeen in Messi uu daawado hal ama laba kulan oo keliya, ama xitaa finalka oo keliya. Balse taa beddelkeeda, wuxuu joogay dhammaan maalmihii tartanka, wuxuuna daawaday ku dhowaad dhammaan kulamadii la ciyaaray.

Tartanka sanadkan wuxuu bilaaban doonaa 25-ka Oktoobar, waxaana lagu qaban doonaa garoonka Inter Miami ee dalka Mareykanka. Waxaa ka qaybgalaya qaar ka mid ah akadeemiyadaha ugu caansan kubbadda cagta adduunka, oo ay ka mid yihiin Barcelona, Chelsea, Arsenal, Atletico Madrid, Inter Milan iyo UE Cornellà.

Marka laga soo tago hawlihiisa kubbadda cagta, Messi wuxuu sii waday dhisidda ganacsi oo ka dhigtay mid ka mid ah ciyaartoyda isboortiga ugu taajirsan adduunka. Majaladda Forbes ayaa bishii Juun ku qiyaastay hantidiisa ku dhowaad 1.1 bilyan oo doollar, iyadoo uu sannadkii ka helo in ka badan 140 milyan oo doollar kubbadda cagta iyo maalgashiyadiisa kala duwan.

Heshiisyadiisa ugu waaweyn waxaa ka mid ah iskaashi cimri-dheer oo uu la leeyahay shirkadda Adidas, kaas oo uu saxiixay sanadkii 2017.

Waxa kale oo uu leeyahay hoteellada raaxada ee MiM Hotels, oo laamo ku leh meelo kala duwan oo Spain iyo Andorra ah. Hoteellada waxaa hadda maamusha shirkadda Melia Hotels, iyadoo adeegsanaysa summadda Melia Collection.

Argentina, qoyskiisu waxay maalgashi ku sameeyeen qaybta dhismaha iyo guryaha iyaga oo adeegsanaya mashruuca Carrasco M oo ku dhow webiga Paraná ee Rosario. Messi sidoo kale waa saamiile ka tirsan maqaayadaha El Club de la Milanesa, taas oo hawlaheeda ku ballaarinaysa Spain.

Waxa kale oo uu galay ganacsiga alaabooyinka shaaha , isaga oo iskaashi la sameeyay shirkadda Stanley. Messi wuxuu qayb ka qaatay xulashada naqshadaha iyo midabbada qaar ka mid ah alaabooyinka shirkadda.

Aasaaska boqortooyada ganacsi waxaa dhidibbada u taagay aabbihiis, Jorge Messi, kaas oo sannado badan maamulayay arrimaha dhaqaale iyo ganacsi ee wiilkiisa. Markii hawlahaasi sii ballaarteen, waxay ku fidayeen dhinacyada telefishinka, suuq-geynta, warbaahinta iyo mashaariic ganacsi oo kala duwan.

Maanta, Messi wuxuu ku tiirsan yahay koox la-taliyayaal iyo maamulayaal ah, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ahi ay la joogeen tan iyo waayihiisii hore ee Barcelona. Dadka isaga ku dhow waxay sheegayaan inuu weli si toos ah uga qaybqaato go'aannada muhiimka ah, isla markaana uu shaqsi ahaan u doorto mashaariicda uu xiiseeyo.

Isagoo sanadkii hore ka hadlayay Madasha Ganacsiga Mareykanka ee Miami, ayuu yiri:

"Ganacsigu waa wax i xiisa galiya. Waxaan jeclaan lahaa inaan sii wado waxbarashada, sababtoo ah weli wax badan ayaan u baahanahay inaan barto, waxaana hadda uun bilaabay."

Hadalkan wuxuu muujinayaa in Messi uu durba dhisanayo noloshiisa kubbadda cagta ka dambaysa, isaga oo adeegsanaya ganacsi, lahaanshaha kooxaha iyo horumarinta kubbadda cagta da'yarta.