Abiy Axmed: Waxa keliya ee ay cadowgeenna ku mashquulsan yihiin waa sidii loo xaddidi lahaa awoodda Itoobiya ee Badda Cas

Abiy Axmed
Qoraalka sawirka, Abiy Axmed
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Markii Golaha Wakiillada Shacabka ay mar kale u doorteen Abiy Ahmed inuu hoggaamiyo xukuumadda Itoobiya shanta sano ee soo socota, wuxuu khudbaddiisii diiradda ku saaray qorshayaasha waaweyn ee xukuumaddiisu fulin doonto.

Wuxuu caddeeyay in dadaalkii xoogga badnaa ee uu sannadihii u dambeeyay hoggaaminayay ee ku aaddanaa sidii Itoobiya ay u heli lahayd marin-badeed madax-bannaan uu sidii hore u sii socon doono.

Ra'iisul Wasaare Abiy wuxuu sheegay in kooxo uu ku tilmaamay "cadawgeenna" oo uusan magacooda carrabin ay si weyn isugu dayayaan in Itoobiya aanay wax saameyn ah ku yeelan gobolka Badda Cas.

Abiy wuxuu yiri "Waxa keliya ee cadawgeenna ku mashquulsan yihiin waa sidii loo xaddidi lahaa awoodda Itoobiya ee Badda Cas... burburka dalkeenana waxay ka dhigteen riyo ay ku hamiyoodaan".

Wuxuu hadalkiisa ku daray in xalka baahida Itoobiya ee marin-badeedka ay ku jirto mabda'a ah "wax bixi, waxna qaado" oo ku dhisan is-faham iyo dan wadaag.

"Dhibaatada daba-dheeraatay ee Itoobiya waxaa lagu xallin karaa oo kaliya marka ay Itoobiya dhisato ilbaxnimo xoog leh" ayuu yiri Ra'iisul Wasaaruhu, isagoo carrabka ku adkeeyay in "ilbaxnimada Itoobiya aanay suurtagal ahayn iyada oo aan badda lahayn".

Wuxuu ballan qaaday in xukuumaddiisu ay si aan leexleexad lahayn u sii wadi doonto dalabkii badda ee ay sannadihii la soo dhaafay si adag u difaacaysay, isagoo xaqiijiyay in muddada xilhaynta ee soo socota ay si dhab ah uga shaqayn doonaan sidii "Itoobiya ay u yeelan lahayd albaab ay ka soo gasho kana baxdo".

Dastuurka oo dib loo eegayo

Ra'iisul Wasaare Abiy wuxuu xusay in dib-u-habaynta Dastuurka dalka ay ka mid tahay mashaariicda ugu muhiimsan ee xukuumaddiisa cusub ay fulin doonto sannadaha soo socda.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxa la ogyahay in natiijooyinka iyo talooyinkii ka soo baxay Guddiga Wada-tashiga Qaranka ee Itoobiya horay loogu gudbiyay Golaha Wakiilada Shacabka, Xukuumadda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.

Iyadoo lagu salaynayo talooyinkaas, ayuu Ra'iisul Wasaaruhu sheegay in wax ka beddel lagu samayn doono Dastuurka Federaalka ah oo muddo ka badan 30 sano dhaqan gal ahaa.

Hawlaha muddada xilka ee soo socota lagu gudan doono waxaa ka mid ah in si dhow loola shaqeeyo xisbiyada mucaaradka.

"Dowladda waxay diyaar u tahay inay garab istaagto oo ay la shaqeyso dhammaan xisbiyadii si firfircoon uga qayb qaatay doorashadii dhacday," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in xukuumaddiisu ay qaadan doonto "jidka wada-hadalka iyo is-cafiska", isagoo carrabka ku adkeeyay in albaabkoodu u furan yahay dhammaan dhinacyada kale.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in warbaahintu ay tahay inay "u dhaqanto si waafaqsan sharciga, isla markaana tixgelinaysa qiyamka iyo danaha qaranka".

Itoobiya iyo xaaladda gobolka

Ra'iisul Wasaare Abiy oo maanta Golaha Wakiillada Shacabka ka hor khudbeynayay ayaa ka hadlay "hirarka isbeddelka ah" ee ka socda Geeska Afrika, Badda Cas, Khaliijka Faaris iyo guud ahaan Bariga Dhexe, wuxuuna marar badan ku celceliyay in Itoobiya ay tahay dalka "tiir-dhexaadka u ah" xasiloonida gobolka.

Arrimahaas dartood, wuxuu sheegay in kuwa aan ku qanacsanayn horumarka Itoobiya ay isku dayayaan inay caqabado hor dhigaan, balse "safar-kii mucjisada ahaa" ee dalka uu yahay mid aan joogsanayn oo sii socon doona.

"Kuwa ka naxay isbeddelka Itoobiya waxay nagu soo eegaan indho xun... waxay ku dhaqaaqeen iyagoo leh wixii aanan cunin dambas ayaan ka dhigayaa... waxay isku dayeen iyagoo leh haddii ay cararto ma qaban karno," ayuu yiri Ra'iisul Wasaaruhu.

Wuxuu sheegay in xoogagga uu ku tilmaamay "daba-dhilifyada gudaha" iyo "kuwa dibadda" ay "is bahaysteen", wuxuuna xusay "inay aad u dadaaleen, illaa ay ka daaleen... hasa yeeshee Itoobiya ma awoodin, mana awoodi doonaan weligood".

"Waxay u malaynayaan inay dhacday markay kacayso, waxay yiraahdeen way kala firdhiday wayna dhammaatay, iyagoo hadalkaa weli ku jira ayay mar kale isku soo urursatay oo taagan tahay, arrinta Itoobiya waa mucjiso dhab ah," ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Itoobiya ay tahay dalka go'aamiya aayaha gobolka, "taasina kuma xaqiijinayso hadalka dadka balse waxay ku caddaynaysaa xooggeeda... waxayna mar kale xaqiijin doontaa danteeda iyadoo raacaysa waddadeeda gaarka ah".

Baaq ku aaddan nabadda

Xilli uu dib u qarxay dagaalkii Waqooyiga Itoobiya, Abiy oo loo magacaabay Ra'iisul Wasaaraha shanta sano ee soo socota, ayaa khudbaddiisa wuxuu xoogga saaray in dalka uu leeyahay awood uu kaga gudbo caqabadaha horyaalla.

Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu yiri "Markii ay ku adkaatay cadawgeenna inay na soo weeraraan iyagoo kala qaybsan, waxay isugu yimaadeen shar", isagoo si dadban u dhaliilay isbahaysiga maleeshiyaadka ee dhawaan la sheegay in la aasaasay.

Hase yeeshee, wuxuu caddeeyay in gacanta nabadda ee xukuumaddiisu ay weli u fidisan tahay dhammaan dhinacyada, isagoo baaq u diray "dhammaan Itoobiyaanka hubaysan ee duurka ku jira inay ka soo laabtaan oo ay u soo jeestaan waddada nabadda".

Waxaa la og yahay in dowladda Itoobiya ay bilooyinkii u dambeeyay ku eedaysay qaar ka mid ah dalalka gobolka inay taageero siinayaan kooxaha hubaysan, taasoo keentay in ay gasho khilaaf diblomaasiyadeed oo xooggan oo ay la yeelatay Eritrea iyo Masar.

Khudbaddiisa, Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in Itoobiya ay sii wadi doonto la shaqaynta dalalka deriska ah ee gobolka, isagoo yiri "Siyaasaddeena arrimaha dibadda waxay noqon doontaa mid ka tarjumaysa saamaynta iyo awoodda Itoobiya".

Intaa waxaa dheer, wuxuu sheegay in xukuumaddiisu si weyn u xoojin doonto awoodda difaaca dalka, ayna dhisayso ciidan casri ah oo la jaanqaadaya xaaladda casriga ah, oo uu ku jiro Ciidanka Cirka oo si gaar ah loo horumarinayo.