Maxay yihiin ciidamdaa PSF ee Puntland sheegtay in aysan ka jirin deegnnadeeda?
Sida uu horay noogu sheegay Korneel Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan oo ahaan jiray madaxii hore ee ciidammada Daraawiishta Puntland, ciidamadan PSF ayaa ka tirsanaan jiray kuwa horey la isugu oran jiray PIS oo la aasaasay xilligii Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana markii ugu horreysay agaasime ka soo noqday Maxamed Aadan Bidaar.
Ciidamadani markii hore waxay isugu jiri jireen milatari iyo sirdoon loogu talagalay la dagaallanka argagaixisada balse markii dambe waa la kala saaray oo milatariga ayaa ku haray PSF, halka sirdoonkuna uu noqday mid ka baxsan.
"Ujeeddada loo aasaasay wuxuu ahaa la dagaalanka argagixisada maadaama argagixisadu ay wakhtigaasi Sebteembar 2001-dii wixii ka dambeeyay ay argagixisadu soo xoogeysatay, taliskanna muhiim uu u ahaa Geeska Afrika, Mareykankuna ay aad u daneynayeen." ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid oo sharraxaya ujeeddada loo aasaasay ciidamadan.
Dhawaan ayey ahayd markii iska hor imaad dagaal ah uu deegaanka Laag ku dhex maray ciidamada PSF iyo kuwa Puntland, markaas oo BBC-du xiriir la sameysay labada dhinac, iyada si ay isugu daydo in ay wax ka ogaato waxa uu salka ku hayo isku dhacaan cusub.
Sarkaal ka tirsan ciidamada PSF, Cabdikhaaliq Awil, ahna xogahaya guud ee ciidankaan ayaa BBC-da u sheegay in ciidamo ka tirsan PSF oo watay siddeed gaari ay aroornimadii Isniinta, iyagoo ku jira "hawlgal amni oo caadi ah", lagu hor istaagay deegaanka Laag oo qiyaastii 30 kiiloomitir u jira magaalada Boosaaso, waxa uuna intaas ku daray in PSF a tirsan tahay Ciidanka Xoogga Dalka. Halka dhanka Puntland ay iska diideyn in ay nala hadlaan, balse war qoraal ah oo ay dhawaan soo saartay ayey ku sheegtay in "aysan jirin ka jirin deegannadeeda".
Sii akhri: