You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Calaamado muujinaya iskaashi u dhexeeya Xuutiyiinta iyo al-Shabaab si ay ula wareegaan Marinka Bab al-Mandab — The Telegraph
Wargeyska The Telegraph ee kasoo baxa dalka Britain ayaa qoray warbixin cinwaankeedu yahay: "Xuutiyiintu waxay qorshaynayaan inay furaan jiid cusub oo ka tirsan dagaalka Iran, isla markaana xiraan marin-biyood labaad." Warbixinta waxaa qoray wariyaha arrimaha dibadda, Akhtar Makoi.
Qoraagu wuxuu sheegayaa in Xuutiyiinta, oo hadda loo arko wakiilka gobolka ee ugu awoodda badan Iran, ay isu diyaarinayaan inay xiraan Marinka Bab al-Mandab iyagoo matalaya Iran, si ay u kordhiyaan cadaadiska lagu saarayo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, iyagoo dhaawac dheeraad ah gaarsiinaya dhaqaalaha caalamka.
Sida maqaalka lagu sheegay, waxaa jira iskaashi u dhexeeya Xuutiyiinta iyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, kaas oo lagu doonayo in lagu xakameeyo labada dhinac ee Marinka Bab al-Mandab, isla markaana la xiro marka Iran go'aansato.
Warbixintu waxay soo xiganaysaa ilo xog-ogaal ah oo sheegay in Xuutiyiintu ay kooxda Soomaaliyeed u gudbinayaan tiknoolajiyadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran, iyagoo ka amar qaadanaya Tehran. Ujeeddaduna waa in laga abuuro Bab al-Mandab xaalad la mid ah tan ka jirta Marinka Hormuz.
Qoraagu wuxuu xusay in qiyaastii 10 ilaa 12 boqolkiiba ganacsiga adduunku uu maro Marinka Bab al-Mandab, kaas oo ku xirma Kanaalka Suweys. Wuxuu ka digay in haddii marinkan la xiro, maraakiibtu ay ku qasbanaan doonaan inay maraan waddo kale oo toddobaadyo dheeraad ah ku wareegta cirifka koonfureed ee qaaradda Afrika, taas oo kordhin doonta kharashaadka gaadiidka.
Warbixintu sidoo kale waxay xustay in ciidamada Maraykanku ay bilaabeen mowjado cusub oo duqeymo ah oo ka dhan ah Iran, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Tehran ay ku hanjabtay xiritaanka Marinka Bab al-Mandab. Waxaa kale oo lagu xusay in Hormuz iyo Kanaalka Suweys ay ka mid yihiin marin-biyoodka iyo kanaallada ugu muhiimsan adduunka.
Sida uu qoruhu sheegay, weligeed hore uma dhicin in Marinka Hormuz iyo Marinka Bab al-Mandab isku mar la xiro. Wuxuu xusay in Xuutiyiintu ay hore u muujiyeen awood ay ku xannibi karaan Marinka Bab al-Mandab intii uu socday dagaalkii Qasa, markaas oo ay bilooyin badan beegsadeen maraakiibta ganacsiga ee maraysay Badda Cas, kuna khasbeen inay maraan waddooyin kale, inkastoo isbahaysi ciidan badeed oo uu hoggaaminayay Maraykanku loo diray gobolka.
Qoraagu wuxuu aaminsan yahay in xiritaanka Marinka Bab al-Mandab uu dan u yahay Tehran, isla markaana uu Xuutiyiinta siinayo fursad ay ku cadaadiyaan Sacuudi Carabiya oo ay u arkaan cadowgoodii hore. Waxaa kale oo uu sheegay in arrintaasi ay xoojinayso hamiga gobolka ee kooxda Xuutiyiinta, taasoo la macno noqon karta inay mararka qaarkood u dhaqaaqaan si ay u gaaraan danahooda gaarka ah, xitaa haddii ay taasi ka hor imanayso xisaabaadka Iran.
Qoraagu wuxuu carrabka ku adkeeyay in ujeeddooyinka Xuutiyiintu aanay gebi ahaanba la mid ahayn kuwa Iran, isagoo yiri: "Xuutiyiintu waa saaxiibbo iyo xulafo ay leeyihiin Iiraaniyiintu, balse ma aha wax lagu ciyaaro ama lagu maamulo sida caruusado."
Waxaa kale oo uu sheegay in Xuutiyiintu ay isu diyaariyeen dagaal muddo dheer socon kara. Sida maqaalka lagu sheegay, waxay cashar ka qaateen waayo-aragnimada Iran ee la xiriirta dilalka lagu beegsado hoggaamiyeyaasha, sidaas darteedna waxay u magacaabeen hoggaamiye kasta oo hadda jooga in ka badan hal ku-xigeen, iyagoo adeegsanaya nidaam u eg "hoggaamiyeyaal kayd ah" oo beddeli kara kuwa la waayo.