Putin oo sheegay inay Yurub uga xanuun badan tahay cunaqabteynta saaran

Published

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa cambaareeyay cunaqabateynta Reer Galbeedka ay ku soo rogeen Ruushka, sababo la xiriira duullaanka Ukraine oo uu ku tilmaamay "xanuun khatar ku ah caalamka oo dhan".

Khudbad uu ka jeediyay Madasha Dhaqaalaha ee Vladivostok, ayuu ku sheegay in Ruushka uu la tacaalayo "gardarrada" dhaqaale ee Reer Galbeedka.

Laakiin, madaxweynaha Ruushka ayaa ka digay tayada nolosha dadka Reer Yurub in loo huray cunaqabataynta, halka waddamada saboolka ah ay luminayaan helitaanka cuntada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Yurub ay ku khiyaamayeen dalalka sabool ah arrimaha la xiriira badarka Ukraine.

Muddo bilo ah dekedaha Ukraine waxaa go’doomiyay ciidamada Ruushka, balse tan iyo markii dib loo fasaxay dhoofka horraantii bishii Agoosto, hoggaamiyaha Ruushka wuxuu caddeeyay in labo markab oo galley ah ay tageen Afrika. Waxa uu sheegay in uu doonayo in uu kala hadlo dib-u-eegidda heshiiska, hadalkaas oo ay ku gacan seyrtay Ukraine.

Ruushka ayaa duullaankiisa billaabay 24-kii Febaraayo wuxuuna hadda qabsaday ku dhawaad ​​shan meelood meel dhulka Ukraine. Lix bil kaddib, waxaa dib looga riixay aagagga ku hareeraysan Kyiv iyo waqooyiga, wuxuuna wajahayaa weerarro rogaal-celis ah oo Ukraine uga imaanaya, kuwaas oo ku wajahan koonfurta iyo bariga.

Dalalka Reer Galbeedka ayaa duullaanka Ruushka uga jawaabay cunnaqabatayno ay ku soo rogeen tiro ka tirsan ganacsatada, shakhsiyaadka iyo shirkadaha uu leeyahay Ruushka.

Midowga Yurub ayaa isku dayayay inuu yareeyo ku tiirsanaanta gaaska iyo shidaalka Ruushka, waxayna Moscow xirtay dhuumaha muhiimka ah ee Nord Stream 1 ee gaaska ee taga Jarmalka, iyadoo u sababaysay cillad ku timid shirkadda.

Qiimaha tamarta ayaa sare u kacay. Wasiirrada Midowga Yurub ayaa kulmay Jimcihii si ay uga jawaabaan dhibaatada. Hoggaamiyaha Ruushka ayaa cambaareeyay hal hindise oo ah in la dhimo qiimaha gaaska Ruushka.

Putin ayaa sheegay in Reer Galbeedku ay isku dayayaan inay dhaqankooda ka hirgaliyaan dalal kale. "Shirkado badan ayaa ku degdegay inay ka baxaan Ruushka," ayuu yiri, "laakiin hadda waxaan aragnaa sida wax-soo-saarka iyo shaqooyinka Yurub ay midba midka kale ugu xiran yihiin."

Si kastaba ha ahaatee, Ruushka ayaa sidoo kale dareemaya culays, iyadoo sicir-bararka uu sare-u-kacay, shirkaduhuna ay la halgamayaan soo dejinta qaar ka tirsan waxyaabaha aadka loogu baahan yahay.

Midowga Yurub ayaa horay u mamnuucay duullimaadyada tooska ah ee ka imaanaya Ruushka, waxaana toddobaadkii hore 27-ka waddan ee xubnaha ka ah ay ka caraysiiyeen Moscow, kaddib markii ay ku heshiiyeen in hannaanka sugitaanka fiisaha laga dhigo mid aad ugu adag Ruushka.

Saddexda gobol ee Baltic-ga ayaa hadda ku sii dheeraaday heshiis ay ku joojinayaan dadka Ruushka ah inay u kala gudbaan Ruushka iyo Belarus, haddii aanay ahayn wadeyaal baabuur ama aanay lahayn sababo qoys iyo kuwo bani'aadannimo.

Khudbad u muuqatay mid lagu bar-tilmaameedsanayo goobjoogeyaasha Reer Galbeedka si la mid ah dhegeysteyaasha gudaha, ayuu madaxweyne Putin ku sheegay in kalsoonida lagu qabo doollarka, Euro-da iyo pound-ka ay meesha ka sii baxayso. "Waan hubaa in aynaan waxba naga lumin, waxbana ma lumin doonno," ayuu yiri.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine, Dmytro Kuleba ayaa sheegay in Ruushku uu raadinayo inuu Yurub ku handado kheyraadkiisa tamarta. "Putin wuxuu rabaa inuu burburiyo xasilloonida iyo badqabka qoys kasta oo Yurub ah," ayuu yiri Dmytro.

Wakaaladaha wararka ee Ruushka ayaa sheegay in madaxweyne Putin uu Uzbekistan kula kulmi doono dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping toddobaadka soo socda.