You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Janaraalka reer Uganda ee Twitter-ka ka dagaalama
Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni oo lagu soo tababaray xeryo ciidan oo caan ka ah dunida ayaa noqday Janaraal ciidan oo ku caan baxay qoraallada uu soo dhigo Twitter-ka ee baahay kuwaas oo saameeyay siyaasadda gudaha iyo tan gobolka.
Janaraal Muhoozi Kainerugaba ayaa mar sii horreysay Twitter-ka ku sheegay in labo toddobaad gudahood uu ku qabsan karo caasimadda Kenya ee Nairobi, wuxuu digiin u diray dalalka kasoo horjeedo Masar isla markaana sheegay in Uganda ay ka barbar dagaallami doonto Masar halka siyaasadda gudaha uu muujiyay in uu daneynayo in uu xilka ka dhaxlo aabihii oo haatan 78 jir ah.
Wuxuu iska dhago tiray amarka ah in uu joojiyo qoraallada muranka badan ka dhex dhaliyay Twitter-ka, wuxuu yiri, "Waxaan ahay qof weyn, mana jirto cida iga mamnuuci karo wax kasta oo aan damacsanahay."
Suxufiga u dhashay Uganda ee sameeya barnaamijyada dabagalka ah, Solomon Serwanjja ayaa sheegay in qoraallada uu janaraal Muhoozi soo dhigayo ay muujineyso in uu yahay sarkaal militeri oo leh han siyaasadeed.
"Wuxuu doonayaa in taageerayaashiisa uu u xaqiijiyo in uu yahay nin madaxbanaan oo kaligii go'aan gaari karo, si kasaba ha ahaate, waa wiil u hoggaansan amarrada aabihii."
Tan iyo sanadkii 1986-Museveni waxaa muddo ah looga shakiyay in wiilkiisa 48 jirka ah uu diyaarinayay sidii uu xilka ula wareegi lahaa, sida uu sheegayo Peter Kagwanja oo ka tirsan macadka Africa Policy ee fadhigiisu yahay Kenya.
Sida Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, janaraalka wuxuu doonaya in Twitter-ka uu isku shaac bixiyo.
Prof Kagwanja waxa uu u arkaa in uu yahay nin "ku howlan daandaansi" oo bartiisa twitter-ka qoraallo soo dhigayo si uu u helo fursad uu kula kulmo madaxda Afrikaanka ah, iyo in uu horumariyo ujeedooyinka siyaasadeed ee Uganda: "Muhoozi daandaansi ayuu ku kacayaa, aabihiis ayaa haddana raalligelin bixinayaa marka aad fiiriso waxaa la barayaa hoggaamiyeyaasha."
Istaraatiijiyaddan waxay soo shaac baxday markii janaraal Muhoozi Kainerugaba uu ka careysiiyay dowladda Itoobiya markii uu si cad u taageeray Masar xilli xiisad a dhex taagneyd Masar iyo Itoobiya kadib muranka ka dhashay biyo xireenka weyn ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile.
Wuxuu markii dambe bogaadiyay ciidamada TPLF ee dagaalka kula jiray dowladda Itoobiya, wuxuu sheegay "kuwa kufsaday gabdhaheena Tigray iyo walaalaheena waa in tallaabo laga qaadaa".
Marka laga reebo arrinta ka careysiisay Itoobiya, qoraallada Twitter-ka waxay u horseedeen in uu booqdo dalkaas , wuxuuna la kulmay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed iyo saraakiil sar-sare oo ka tirsan militeriga horraantii sanadkan.
Wuxuu janaraalka baddalay mowqifkiisa, wuxuu ammaan kala dul dhacay Abiy Axmed, " walaalkey, waxaan rumeysanahay in Afrikaanka uu xallin karo dhibaatada ka taagan Afrika."
'Wiilka iyo aabihii si wadajir ah ayay u wada shaqeeyaan'
Gen Kainerugaba wuxuu aad u jecel yahay in uu adeegsado ereyada muujinayo in Afrikaanka ay isku qoys yihiin, isagoo daaha ka qaadaya habka uu u arko madaxda kala duwan ee Afrika iyo sida uu yahay xiriirka uu la leeyahay.
Wuxuu ku tilmaamay madaxweynaha Rwanda Paul Kagame inuu yahay "adeerkii",xilli uu ku booqday beertiisa, markii uu khilaaf soo kala dhexgalay Uganda iyo Rwanda oo sababtay in la xiro xadka, Muhoozi wuxuu isku dayay in uu xiisadda dejiyo isaga oo qabanqaabiyay kulan dhexmaray aabihiis iyo "adeerkii". Marka la eego Kenya, Janaraal Muhoozi Kainerugaba wuxuu Twitter-ka kusoo qoray in uu la hadlay madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta oo xilka ka degay bishii August wuxuu yiri, "dhibaatada aan ku qabo walaalkey iga weyn ee aan jeclahay waxay tahay in mar saddexaad uusan doorashada u tartamin, si fudud ayuuna ugu guuleysan lahaa."
Waxay arrintaas si weyn uga carooday Keyanka adeegsada Twitter-ka, waxay ku eedeeyeen janaraalka in uu isku dayayo in wiiqo dimuqraadiyadda.
Prof Kagwanja ayaa sheegay in faragelinta janaraal Muhoozi ay ka soo horjeedo xiriirka xumaaday iyadoo madaxweynaha Uganda uu diiday in Mr Kenyatta uu ololaha doorashada ku taageero siyaasiga mucaaradka ah ee ruug caddaaga ah ee Raila Odinga, isagoo u arkayay inuu yahay "mashruuc guumeysi ah" oo ay ka dambeeyaan reer galbeedka.
Museveni wuxuu doorbiday William Ruto kaasoo ku guuleystay doorashadii Kenya. Janaraal Muhoozi wuxuu horraan sheegay in labo toddobaad ay ku qaadaneyso in uu ku qabsado caasimadda Kenya.
Prof Kagwanja wuxuu leeyahay in qoraalkiisa uu soo dhigay Twitter-ka ay nasoo xusuusineyso hadalladii uu hore u jeediyay madaxweynihii kaligii taliska ahaa ee reer Uganda, Idi Amin kaasoo 1970s sheegay in qeybo kamid ah dhulka Kenya ay leedahay Uganda, waa arrin muujineysa in loo baahan yahay in la xalliyo jasiiradda in muddo ah ay ku muransan yihiin Kenya iyo Uganda ee Migingo.
Shacab badan oo reer Kenya ayaa si weyn uga falceliyay qoraalka Muhoozi oo ay ku tilmaameen 'hadallo aan laga fiirsan', wuxuu dadka ugu baaqay inay is-dejiyaan, "dagaalka kuma qaadi doono militeriga Kenya sababta aabahey ayaa igu yiri ha isku dayin".
Waxay arrintani horseeday in madaxweynaha Kenya William Ruto uu ka qeybgalo 60-sano guuradii kasoo wareegtay markii ay xoriyadda qaadatay, janaraal Muhoozi wuxuu sheegay in uu taageerayo madaxweynaha Kenya si loo xalliyo dhibaatooyinka dhex taagan.
Milteriga Uganda ayaa walaac ka muujiyay hadalka janaraalka, waxaa xilkii taliyaha ciidamada dhulka laga qaaday Muhoozi Kainerugaba.
Waa kuma janaraal Muhoozi?
Kadib markii uu kasoo qalinjebiyay akadeemiyadda militeriga ee Sandhurst ee ku taalla UK, janaraal Kainerugaba wuxuu jagooyin sare ka qabtay militeriga, isagoo si rasmi ah ugu biiray militeriga sanadkii 1999, Wuxuu dhalay afar carruur ah.
Wuxuu kaalin weyn ka ciyaaray sameynta ciidamada koomaadooska ee gaarka ah ee Uganda-waa cutub qaabilsan ilaalinta aabihii, waxaa ciidamadan lagu eedeeyay inay geysteen tacaddiyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqul insaanka- oo ay kamid yihiin xiritaan iyo jirddil loo geystay mucaaradka.
"Muhoozi wuxuu helayo darajooyin ciidan si uu maamulo ciidamada qaabilsan ilaalinta amniga aabihii sanadkii 2008-dii, wuxuu xilkaa ka degay sanadkii 2017-kii, wuxuu dib ugu laabtay ciidamadaas xilliggii ay dhaceen rabshadihii doorashada sanadkii 2020-kii" sida uu Africa Report ku qoray weriye Musinguzi Blanshe oo u dhashay Uganda.
Mr Serwanjja wuxuu leeyahay kadib markii janaraal Muhoozi laga qaaday xilka taliyaha ciidamada dhulka, ma kala cadda saameynta uu weli ku leeyahay militeriga Uganda.