Gutteres muxuu u caadeystay inuu bisha Ramadhan booqdo waddamada Muslimka?

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres ayaa sheegay muddadi uu xilka hayey inuu dhaqan ka dhigtay xilliyada lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadhan inuu booqdo waddamada muslimka ah.
Gutteres bartiisa Twitter-ka wuxuu ku soo qoray xilliga ay muslimiintu ku jiraan bisha barakeysan ee Ramdhaan inuu booqdo waddamada muslimka ah si aan taageero ugu muujiyo isla markaana aan ula afuro.
Gutteres oo booqashadiisi labaad ku tagay Soomaaliya wuxuu ku baaqay in Soomaaliya gargaar baniaadanimo oo degdeg ah lala gaaro.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Haddaba Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu bisha Ramadhaan uu booqday waddamo muslim ah oo ku kala yaalla qaaradaha Aasiya iyo Afrika.
2017-kii Gutteres wuxuu booqday waddamadi ugu badna waddamadaasi oo kala ah Khazakistan, Uzbekistan, Kyrgystan, Tajikistan, Turkimenistan iyo Afghanistan.
2018-kii xoghayaha wuxuu sida oo kale booqday waddanka Mali oo ku yaalla galbeedka Afrika.
2021-kii wuxuu sida oo kale booqday dalka Nigeria.
2022-kina wuxuu sida oo kale booqday waddanka Turkiga, Niger iyo Senegal.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sanadkan 2023-kana wuxuu marki labaad booqday dalka Soomaaliya isaga oo u kuur galaya xaaladda bani aadanimo maadaamaa ay dalka Soomaaliya sanadihi u dambeeyey abaarta dhibaatooyin ba’an u geysatay.
Gutteres waddan kasta oo uu booqdo bisha Ramadhaan wuxuu shacabka dalkaasi ku boorriyaa iney nabadda iyo wadajirka ay ilaaliyaan iyaga oo ka dhabeynayo aayadda Qur’aanka Kariimka ee sheegeysa, “Eebbe inuu abuuro quruumo iyo qabaa’il si aan iisu aqoonsanno.”
Farriin uu muslimiinta caalamka u diray xilliga ay muslimiinta u billaabmeysay bisha Ramadhaan wuxuu yiri: “Waxaan muslimiinta u dirayaa hambalya diiran iyadoo malaayiin muslimiin ah oo adduunka ah ay billaabeen bisha barakeysan ee Ramadaan.”
Wuxuuna sheegay in la joogo xilligi ay muslimiintu iisu naxariisan lahaayeen oo dadka liita garabka la soo qaban lahaa.
“Muslimiinta daafaha caalamka ku kala nool waxaan ugu baaqayaa iney nabadda iyo xasiloonida ay ka shaqeeyaan maadaamaa ay qayb dunida ka mid ah ay baahi nabadeed ka jirto,” ayuu yiri xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres.

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Gutteres oo booqasha laba maalmood ah ku maraya dalka Soomaaliya wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dhibanayaasha ugu badan ee ku waxyeeloobay isbadelka cimilada inkastoo aysan waxba ka geysan.
“In kasta oo Soomaaliya aysan wax Qatar weyn ah ka geysan isbeddelka cimilada, Soomaalidu waxay ka mid yihiin dhibanayaasha ugu badan" ayuu yiri
Mr Guterres ayaa ku baaqay taageero ballaaran oo caalami ah bilowga booqasho uu ku tagay dalka oo ay ka jirto abaar daran.
Gutteres oo horay u ahaa Ra'isul wasaarihi hore ee dalka Bortaqiiska ayaa xilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay qabtay 2017-kii isaga oo baddalay xoghayihi hore Ban ki-Moon.
Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa 2022-kii si aqlibiyad ah u doortay Antonio Guterres inuu mar labaad noqodo xoghayaha guud, isaga oo shan sano oo kale sii heyn doona hoggaanka golaha ay xubnaha ka yihiin 193 dal.














