La kulan lixda nin ee uu Xi Jinping wax ka maqlo

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Published

Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha ayaa ugu dambeyntii soo bandhigay ragga maamuli doona Shiinaha shanta sano ee soo socota.

Guddiga Joogtada ah ee Politburo waxa uu dhigmaa golaha wasiirada ee madaxtooyada Shiinaha.

Waxa lagu tiriyaa in ay yihiin akhyaar sare oo ka tirsan xisbiga, in la gaaro meesha ugu sarraysa inta badan waxa ay u baahan tahay ma aha oo kaliya taariikh-siyaasadeed oo heersare ah, balse waxa ay sidoo kale u baahan tahay in qofka uu weecin karo loollanka iyo mucaaradka gudaha.

Ma ahan wax aan caadi aheyn in isku shaandheyn ballaaran lagu sameeyo Guddiga Joogtada ah marka uu dhamaado muddo xileedka, mana ahan wax ka duwan kuwii hore.

Intooda badan raggan uu soo xushay madaxweyne Xi Jinping, waa ay ku cusub yihiin kooxda marka laga reebo Zhao Leji iyo Wang Huning. Inta badan, haddaysanba dhammaantood ahayn, waxaa loo arkaa inay yihiin kuwo daacad u ah Xi.

Waa kuwan ragga uu hoggaamiyo Madaxweyne Xi, ee majaraha u haya awoodda Shiinaha.

 1: Li Qiang

Li Qiang

Xigashada Sawirka, Reuters

Da'diisu waa 63 jir.

Jagadiisa siyaasadeed ee hadda waa xoghayaha xisbiga ee Shanghai.

Waxaa loo arkaa saaxiibka hoose ee Xi ee aadka uu ugu kalsoon yahay, Li wuxuu ka soo shaqeeyay gobollada yaryar ee ka tirsan gobolka Zhejiang. Markii Xi uu ahaa madaxa xisbiga ee Zhejiang, Li waxa uu ahaa madaxa shaqaalaha.

Wax ka qabashada kooxdiisa ee xanuunka Covid-19 ee Shanghai ka dallaacay horaantii sanadkan waxay ahayd mid muran badan dhalisay iyadoo dadka deegaanka ay aad u dhaliileen. Waxaa la isla dhex marayay in tani ay saameyn ku yeelan karto mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Balse magacabistiisan cusub ayaa waxa cadeyn u tahay sida uu daacadda ugu yahay madaxweyne Xi. Waxaa la aamisan yahay inuu noqon doono hogaamiyaha baddeli doono XI.

 2: Zhao Leji

Zhao Leji

Xigashada Sawirka, Reuters

Da’diisu waa 65 sano jir.

Jagada hadda uu haya waa: Madaxa guddiga u qaabilsan ilaalinta anshaxa.

Zhao ayaa waxaa loo arkaa inuu yahay xidig dhanka siyaasadda Shiinaha, waxa uuna xiriir dhow la leeyahay gobolka Shaanxi sida madaxweyne Xi.

Kaddib markii uu ku biiray maamulka gobolka Qinghai wuxuu si dhakhsiya ku noqday barasaabka gobolka isagoo 42 sano jir, waxa uuna sidaasi ku noqday qofkii ugu da’da  yaraa ee gobol barasaab ka noqda.

Waa madaxa la dagaalanka musuqmaasuqa waxa uuna mas’uul ka yahay ilaalinta anshaxa xisbiga.

 3: Wang Huning

Wang Huning

Xigashada Sawirka, Reuters

Da’diisu waa 67 sano jir.

Jagada hadda uu hayo waa xoghayaha guud ee Xisbiga Shuuciga ah.

Wang oo barafasoor hore ah, waxaa loo tixgeliyaa inuu yahay maskaxda ka dambeysa fikrado badan oo ay isticmaalaan Xisbiga Shuuciga ah.

Waxaa la sheegay in uu si wanaagsan ula dhaqmo dhammaan garabyada xisbiga.

 4: Cai Qi

Cai Qi

Xigashada Sawirka, Reuters

Da'diisu waa 66 sano jir.

Jagada uu hadda hayo waa duqa magaalada Beijing.

Waxa uu xiriir dhow la leeyahay Xi oo uu dacad u yahay, wuxuuna ka soo shaqeeyay  gobollada Fujian iyo Zhejiang.

Martigelintii Beijing ee Olombikada Jiilaalka ee horaantii sanadkan, ayay xisbigu ku ammaaneen.

Balse waxa jirtay mar uu sannadkii 2017-kii la kulmay dhaleeceyn xooggan ka dib markii uu bilaabay qorshe lagu dhimayo dadka ku nool caasimadda, kaas oo ugu dambeyntii ku qasbay dad badan oo dakhligoodu yar yahay inay magaalada ka hayaamaan.

5: Ding Xuexiang

Ding Xuexiang

Xigashada Sawirka, Reuters

Da'diisu waa 60 sano jir.

Darajadiisa siyaasadeed ee hadda: Agaasimaha Xafiiska Xoghayaha Guud iyo Xafiiska Madaxweynaha.

Injineer tababaran, Ding waxa uu xirfaddiisa siyaasadeed ka bilaabay xarun cilmi-baadhiseed oo dawladeed oo ku taal Shanghai.

Ding, waa injineer tabaran waxa uuna waxa uu xirfaddiisa siyaasadeed ka bilaabay xarun cilmi-baaris oo ay dawladdu leedahay oo ku taal Shanghai.

In kasta oo uu waayo-aragnimo u lahayn xoghaye heer gobol ama guddoomiye ayaa hadana wuxuu noqday xoghayahii Xi 2007 si uu u helo irid oo ka soo galo siyaasadda. Ilaa 2014 wuxuu ahaa madaxa xafiiska madaxtooyada.

Waa mid ka mid ah kaaliyeyaasha uu aadka ugu kalsoon yahay Xi. Waxa uu hogaamiyaha Shiinaha ku weheliyay safaro badan oo gudaha Shiinaha ah iyo sidoo kale kuwa dibadda ah.

Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in ay u badan tahay inuu waqti badan la qaatay Xi marka loo eego mas'uuliyiinta kale sannadihii la soo dhaafay.

6: Li Xi

Li Xi

Xigashada Sawirka, Reuters

Da'diisu waa 66 sano jir.

Darajadiisa siyaasadeed ee hadda: Xoghayaha xisbiga ee gobolka Guangdong.

Waxa uu xiriir dhow la leeyahay, daacadna u yahay madaxweyne Xi, waxaana loo arkaa xalliyaha xasaradaha ee Shiinaha.

Waxa uu ahaa hogaamiyaha xisbiga ee magaalada Yanan ee siyaasad ahaan muhiimka ah, taas oo Mao Zedong u adeegsan jiray xarunta dhexe ee xisbiga intii lagu jiray dagaalkii labaad ee aduunka. Magaaladan ayaa sidoo kale ah magaalo uu Xi ku qaatay todoba sano oo shaqo adag uu hayay.

Marka la eego gobolka Guangdong, Li wuxuu ka hirgaliyay warshadaha tignoolajiyada taas oo ay qeyb ka ahayd dib u habeynta dhaqaalaha. Waxa kale oo uu soo saaray siyaasado ganacsi oo cusub oo uu kor u qaaday is-dhexgalka gobolka ee aagga.