Wararkii ugu dambeeyay hoteelka weerarka lagu qaaday ee Kismaayo

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Dib u howlgalinta Somali Airlines oo guddi loo saaray

    Soomaali Airlines.

    Xigashada Sawirka, Radio Muqdisho

    Wasiiradda gaadiidka iyo duulista hawada dowladda federaalka ah ee Soomaliya Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa magacowday guddi ka soo talo bixiya dib u hawlgalinta Shirkaddii diyaaradaha ee Soomaali Airlines.

    Soomali airlines ayaan shaqeynin muddo 30 sano ah taasoo ka dhigan in burburkii dalka kadib howlihii diyaaradda ay meesha ka baxeen.Guud ahaan, diyaaradaha Soomaaliya waxay u kala duulijireen wadamo badan oo ku yaalla Afrika, Bariga Dhexe, Aasiyada Fog iyo Yurub.

    Shacabka soomaliyeed ayaa rajeynaya in dib loo howl geliyo diyaaradda ay ku suntantahay Soomaliya si ay u adeegsadan beddelkii diyaaradaha dalalka kale ee deriska la’ah Soomaliyaay ay isticmaali lahaayen.

  2. Rishi Sunak ninka loo saadaalinayo inuu noqdo raysal wasaaraha Uk

    Rishi Sunak ayaa ku dhawaaqay inuu u taagan yahay inuu noqdo ra'iisul wasaaraha xiga ee Britain.Sunak oo ay taageerayaan ku dhawaad ​​​​boqol iyo sodon xildhibaan ayaa ah musharaxa ugu cadcad in uu xilka kala wareego Liz Truss oo ah hogaamiyaha xisbiga muxaafidka ah.

    Waxaa lagu qasbay lix toddobaad inay shaqada gasho siyaasaddeeda suuq-geyneed awgeed.Sunak waxa uu sheegay in uu gacan ka gaysan lahaa hogaaminta dhaqaalaha Britain waqtiyo adag oo hore, waxa uuna balan qaaday xirfad iyo isla xisaabtan.

    Hoggaamiyaha mucaaradka ah ee Keir Starmer xisbiga shaqaalaha, ayaa ku tilmaamay muxaafidka inay yihiin dad fowdo ah.Wuxuu ku celceliyay in doorasho guud la qabto.

    Indhaha oo dhami waxay eegayaan ra'iisul wasaarihii hore ee Ingiriiska Boris Johnson hadii uu markale isa soo taagi doono, kaliya saddex bilood ka dib markii ay meesha ka baxeen fadeexadihii ku qasbay inuu xilka iska casilo.

  3. Maxamed Bin Salmaan oo sababo caafimaad uga qeybgeli doonin shir Carbeed

    dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan

    Bayaan kasoo baxay madaxtooyada dalka Algeria ayaaa lagu sheegay in dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan uusan ka qeybgeli doonin shirka dalalka Carabta ee bisha dambe ka dhici doono dalka Algeria.

    Waxay sababta ku sheegeen in Maxamed Bin Salmaan uu u hoggaansamayo talooyinka ay usoo jeediyeen dhakhaatiirtiisa.

    Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynaha Algeria AbdulMajiid Tebboune uu soo wacay Maxamed Bin Salmaan isla markaana uu u sheegay in uusan ka qeybgeli doonin shirka.

    Dhanka kale wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa soo saartay bayaan balse ma aysan sheegeen in Maxamed Bin Salmaan uu ka qeybgeli doono shirkaas iyo in kale.

    Hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta ayaa lagu wadaa in Algeria ay ku yeeshaan kulankoodii 31-aad, shirkaas wuxuu socon doonaa 1-da ilaa 2-da bisha Novembar ee nagu soo aadan.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  4. Maxay tahay arrinta uu u ololeynayo Erdogan ee ku saabsan haweenka Muslimiinta?

    Recep Tayyip Erdogan

    Xigashada Sawirka, REUTERS

    Qoraalka sawirka, Recep Tayyip Erdogan

    Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa soo jeediyay in dadkiisa laga qaado afti si haweenka loogu oggolaado inay xijaab ku dhex xirtaan xarumaha dowladda, iskuullada iyo jaamacadaha.

    Arrintan ayaa mid aad ugu weyn Erdogan oo ah hoggaamiye muslim ah-kaasoo xisbigiisa Islaamiga ee haya awoodda uu meesha ka saaray tallaabadii in muddada ah jirtay ee haweenka ka mamnuuceysay in xijaabka ay xirtaan marka ay ku sugan yihiin xarumaha dowladda sanadkii 2013-kii.

    Arrinta xijaabka haweenka ayaa bilooyinki ugu dambeeyay noqotay dood siyaasadeed ka hor doorashada guud ee Turkiga ka dhaceyso 2023-ka-arrintaas oo lagu wado inay noqoto mid kamid ah caqabadaha ugu culus ee hortaaggan maamulka Erdogan labaatankii sano ee lasoo dhaafay.

    Erdogan wuxuu mar kasta ku tilmaamaa qaadista xayiraadda xijaabka tusaale ku aadan sida xisbigiisa uu u matalayo dadka muslmiinta isla markaana uu kasoo horjeedo xisbiyada cilmaaniga ee ka talin jiray Turkiga ka hor inta uusan ifbixin xisbigiisa sanadkii 2002-dii.

    Haddii aad geesi tahay, soo bax, arrintan aan go’aan uga gaarno aftid..qaranka go’aan ha gaaro” ayuu yiri Erdogan oo farriin u dirayay hoggaamiyaha mucaaradka Kemal Kilicdaroglu.

    Kemal Kilicdaroglu wuxuu hoggaamiyaa xisbiga cilaamiga ee CHP, waana xisbi uu aasaasay Mustafa Kemal Ataturk.

    Hogaamiyaha CHP ayaa soo jeediyay sharci dammaanad qaadaya in dumarka ay xaq u leeyihiin xirashada xijaabka si loo yareeyo cabsi kasta oo xisbigiisu uu dib ugu soo celinayo mamnuucida.

    Xijaabka ayaa dood ka dhaliyay Turkiga sagaashaamadkii balse ma jiro xisbi siyaasadeed maanta soo jeedinayo in laga mamnuuco Turkiga.

    Horraan waxaan sameynay khaladaad ku aadan xijaabka, ” horraantii bishan ayuu qiray Kemal Kilicdaroglu.

  5. Wararkii ugu dambeeyay hoteelka weerarka lagu qaaday ee Kismaayo

    Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax xooggan la maqlay duhurnimadii maanta, iyadoo qaraxaas lala beegsaday mid kamid ah huteellada ay tagaan mas'uuliyiinta dowladda.

    Weriyaha BBC ee Muqisho, Ibraahim Maxamed Aadan ayaa faahfaahinaya.

    Qoraalka Codka, Weerarka lagu qaaday Kismaayo
  6. Dableyda Shabaaab ee galay hoteelka iyo ciidammada ammaanka oo rasaas is weydaarsanaya

    Magaalada Kismaayo

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Qoraalka sawirka, Magaalada Kismaayo

    Ciidammada ammaanka ee magaalda Kismaayo ayaa la dagaalamaya dabley hubeysan oo galay gudaha hoteel ku yaalla bartamaha magaalada.

    Weerarka hoteelka ayaa ku billowday qarax culus oo lagu dhuftay albaabka hore ee hoteelka.

    Tawakal oo ku yaalla bartamaha magaalada waxaa inta badan daga siyaasiyiinta.

    Wuxuu ka mid yahay hotellada caanka ah ee ammaankoodu uu adag yahay.

    Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka ka socdo hotelkaasi.

    Wixii ka soo kordho halkan kala soco.

  7. War deg deg ah, Weerar ku bilowday qarax oo ka socda hoteel ku yaalla Kismaayo

    Wararka ka imaanayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday mid kamid ah hoteel ku yaalla halkaas.

    Wararka waxay intaa ku darayaan in weerarka uu ku bilowday qarax xilli haatan rasaas laga maqlayo hoteel Tawakal oo ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo.

    Rag hubeysan ayaa la sheegay inay gudaha u galeen hoteelka. Goobjoogayala ayaa sheegay inay rasaas maqlayaan.

    Wixii faahfaahin ah halkan ayaan idiin kuugu soo gudbin doonaa.

  8. Putin oo farriin u diray Xi Jinping

    Madaxweyne Putin

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Putin

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u hambalyeeyay Xi Jinping oo markii saddexaad loo doortay hoggaamiyaha Shiinaha.

    Putin wuxuu sheegay in uu ku rajo weyn yahay sidii mar kale loo sii xoojin lahaa xiriirka weyn ee kala dhexeeya Shiinaha, sida laga soo xigtay aqalka Kremlin-ka.

    Labada nin ee saaxibada ah ayaa ku kulmay shirkii iskaashiga ah ee ka dhacay dalka Khazakhstan halkaas oo ay ka wada sheegeen in uu dhexmaray kulan looga hadlayay xiriirka labada dal.

    Bishii February ayay aheyd markii Shiinaha iyo Ruushka ay ku dhawaaqeen xiriirkooda saaxibtinimo maalmo uun ka hor inta uusan Ruushka ku duulin Ukraine.

  9. Xi Jinping oo markii saddexaad noqday hoggaamiyaha Shiinaha

    Xi Jinping

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Xi Jinping

    Xi Jinping ayaa markii saddex noqday hoggaamiyaha Shiinaha kadib kulan toddobaad socday oo looga hadlayay xoojinta maamulka xisbiga shuuciga ee haya awoodda.

    Wuxuu kasoo muuqday shirka guddiga xisbiga ee Politburo- oo ah guddiga ugu sarreeya ee leh go’aanka dowladda.

    Xi Jinping wuxuu sheegay in xisbiga Shuuciga uu ku guuleystay in uu hirgeliyo bulsho dhexdhexaad ah oo barwaaqo gaartay isla markaana uu hadda qaadi doono tallaabooyin wax ku ool ah oo ku aaddan tallaabooyin lagu abuurayo bulsho hantiwadaag ah oo casri ah.

  10. Fatahaado khasaare dhaliyay oo go’doomiyay magaalada Qardho

    Fatahaadaha saameeyay Qardho
    Qoraalka sawirka, Fatahaadaha saameeyay Qardho

    Fatahaado xoogan ayaa xalay fiidkii ku soo rogmaday magaalada Qardho ee maamul-goboleedka Puntland, kaddib markii roobab xooggan ay isla xalayilaa shalay galab ka da’deen deegaanno ka ag dhow magaaladaasi.

    In kastoo aan khasaare rasmi ah la soo sheegin haddana wararka waxay sheegayaan in biyaha ay go’doomiyeen dad badan oo ku nool xaafahadaha qaar.

    Waxaana xalay magaalada ka go’day korontada, arrintaa oo adkeysay in dadku ay isu gurmadaan.

    Laba sano ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale ay daadad xooggan ku dhufteen magaalada Qardho kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

    Guddoomiyaha gobolka Karkaar ee ay Qardho ka tirsan tahay, Cabdi Saciid Cismaan ayaa BBC-da uga warramay sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay daadadka iyo dadaallada gurmadka ah ee ka socday halkaas.

    Qoraalka Codka, Fataahadaha saameeyay Qardho

    Wararka kale:

  11. Asalaamu Caleykum.

    Kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalamka.

  12. Ruushka oo duqaymo la beegsaday xarumaha tamarta ee Ukraine

    ,

    Kaaliye u dhow Madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in ku dhawaad hal milyan iyo bar qoysas ah oo ku kala nool Ukraine ay koronto la’aan yihiin, iyadoo mowjado cusub oo weerarro ah uu Ruush-ku la beegsaday kaabayaasha tamarta ee muhiimka ah.

    Shaqaalaha qaranka ee korontada ayaa sheegay in weeraradii ugu dambeeyay ay sababi karaan khasaare ka badan duqeymihii xoogganaa ee socday dhowr maalmood ee horraantii bishan. Magaalooyinka ay dhibaatadu saameysey waxaa ka mid ah magaalada dekedda leh leh ee Odesa eek u taal Koonfurta dalkaas.

    Weriyaha BBC-da ee Kyiv ayaa sheegaya in istaraatiijiyadda Ruushka ay tahay in la dhaawaco kaabayaasha muhiimka ah ka hor xilliga jiilaalka, iyo in dagaalka la geeyo meelaha ka baxsan jiidda hore. Ukraine ayaa dhankeeda horumar ka samaynaysay weerarada ka dhanka ah ee Waqooyi-bari iyo koonfurta dalkaas.

  13. Dibadbaxyo looga soo horjeedo reer galbeedka oo Itoobiya ka dhacay

    ,

    Isu soo baxyo lagu taageerayo xukuumadda ayaa ka dhacay dalka Itoobiya, waxaana lagu cambaareeyay waxa ay dibadbaxayaashu ku tilmaameen cadaadiska reer galbeedka ee ku aaddan colaadda gobolka Tigray.

    Mareykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay ciidamada Itoobiya iyo Eritrea in ay joojiyaan duullaanka ay ka wadaan gobolkaas ku yaal Waqooyiga dalkaas.

    Shacabka dibadbaxyada dhigayey ayaa reer Galbeedka ugu baaqay in ay faragelinta joojiyaan.

  14. Dab ka kacay buurta ugu dheer Afrika

    .

    Mas’uuliyiinta dalka Tanzania ayaa la daalaa-dhacaya daminta dab ka kacay buurta ugu dheer Afrika ee Kilimanjaro.

    Dabka ayaa halkaa ka bilowday habeenkii Jimcaha gaar ahaan wuxuu saameeyay keymaha ku yaalla agagaarka buurta.

    Lamana ogo waxa sababay dabkan.

    Shaqaalaha dab damiska ayaa isku dayayaa inay dambiyaan dabka tan iyo Jimcihii.

    Iyo ilaa hadda lama ogo khasaaraha ka dhashay dabka iyo baaxadda uu gaarsiisan yahay keymaha uu baabi’iyay dabka.

    Ma ahan markii ugu horreysay uu dab ka kaco buurta Kilimanjaro ee Tanzania.

    Sanadkii 2020-kii ayay aheyd markii keymaha buurta uu saameeyay dab socday toddobaad kaasoo baabi’iyay dhul gaarayo kumannaan hektar.

  15. Ruushka oo weli sii wado gantaallada uu ku garaacayo xarumaha korontada ee Ukraine

    Duqeymaha Ruushka ayaa burburiyay xarumo badan oo korontada ah

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Duqeymaha Ruushka ayaa burburiyay xarumo badan oo korontada ah

    Ruushka ayaa weli duqeymo ka geysanayaa bartamaha iyo galbeedka Ukraine xilli uu sii wado gantaallada uu ku garaacayo xarumaha korontada ee dalkaas.

    Waxaa la duqeeyay xarumo ku yaalla koonfurta iyo galbeedka, waxaana lagu soo warramayaa in Ukraine ay koronto la’aan ka jirto.

    Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay inay qabteen gantaallo badan oo uu Ruushka kusoo ganay.

    Tan iyo Isniintii, qeybo badan oo Ukraine ah waxaa saameeyay koronto la’aan.

  16. Dadka kasoo barakacay abaarta saameysay gobolka Gedo

    Dadkii ka hayaamay deegaannada abaarta Soomaaliya ka taagan ee gobolka Gedo hoos taga ee barakaca ku tagay magaalada Beledxaawo ayaa haatan sheegayay in dhibaato hor lihi la soo gudboonaatay.

    Muxumed Maxamed oo ka mid ah dadkaas ayaa BBC-da uga waramay duruufta adag ee haatan haysata.

    Qoraalka Codka, abaaraha saameeyay Soomaaliya
  17. Nin Muslim ah oo u dhashay Hindiya oo maxkamad ka dalbaday inay difaacdo diinta Islaamka

    muslimiinta Hindiya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Nin Muslimi ah oo u dhashay dalka Hindiya ayaa maxkamad ka codsaday inay difaacdo bulshada muslimiinta ah isla markaana ay ka hortagto hadallada naceybka ah.

    Labo garsoore oo ka tirsan maxkamadda ugu sarreysa Hindiya ayaa ka codsaday madaxda booliska inay tallaabo ka qaadaan dadka baahinayo hadallada naceybka dhalin karo.

    Ninka Muslimka ah ayaa maxkamadda weydistay in mas’uuliyiinta ay faraan inay tallaabo ka qaadaan waxa uu ku tilmaamay ‘hadallada naceybka ah ee baahay’ ee ka dhanka ah bulshada Muslimiinta ah.

    Muslimiinta waxay kamid yihiin bulshooyinka laga tiro badan yahay ee Hindiya, mucaaradka iyo dadka kale ee dhaleeceeya siyaasadda Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ayaa ku eedeeyaa in dowladdiisa ay gacan bidxeyn ku heyso Muslimiinta, eedeymahaas oo uu si xooggan u beeniyay.

  18. Sawirrada iyo muuqaal: Dekedda Garacad ee xariga laga jaray

    Qoraalka Muuqaalka, Dekedda Garacad
    Dekedda Garacad
    Qoraalka sawirka, Dekedda Garacad
    Dekedda Garacad
    Qoraalka sawirka, Dekedda Garacad
    Mas'uuliyiin iyo dadweyne fara badan ayaa ka qeybgalay munaasabadda xariga looga jarayay dekedda
    Qoraalka sawirka, Mas'uuliyiin iyo dadweyne fara badan ayaa ka qeybgalay munaasabadda xariga looga jarayay dekedda
  19. Dekedda Garacad oo maanta si rasmi ah xariga looga jaray

    Xasan Sheekh Maxamuud iyo Deni oo xarigga ka wada jaray dekedda cusub ee Garacad
    Qoraalka sawirka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Deni oo xariga ka wada jaray dekedda cusub ee Garacad

    Waxa maanta xariga laga jaray dekadda Garacad halkaas oo ku sugnaayeen ku masuuliyiin, ganacsato iyo dad rayid ahiba kuwaas oo doonaya in ay goob joog ka ahaa mashruucan lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee dhawaanahan laga hirgeliyo dawlad goboleedka Puntland.

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxay si rasmi ah maanta xariga uga jareen dekedda Garacad.

    Mas’uuliyiin ka socotay gobolka ayaa ku sugnaa xafladda, waxaana kamid ah madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Cumar iyo wasiirka magacaaban ee gaashaandhigga ee Kenya, Aadan Barre Ducaale.

    Waxaa mashruuca lagu dhisay dekeddan maalgashatay ganacsato Soomaaliyeed, dekedda waxaa la dhagax dhigay sanadkii 2019-kii xilli maanta si rasmi ah xariga looga jaray.

    Mas'uuliyiinta ku sugneyd xafladda xarigga looga jarayay Garacad
    Qoraalka sawirka, Mas'uuliyiinta ku sugneyd xafladda xariga looga jarayay Garacad
  20. Qoyska Cabbaas Siraaji oo ka hadlay xukunka lagu fuliyay ninkii wiilkooda dilay

    Cabbaas Siraaji

    Xigashada Sawirka, CABBAAS/FACEBOOK

    Qoraalka sawirka, Cabbaas Siraaji

    Qoyska Allaha u naxariiste wasiirkii hore ee howlaha guud iyo dib u dhiska Cabbaas Siraaji ayaa soo dhaweeyay xukunka dilka ah ee saaka lagu fuliyay Axmed Cabdullaahi Ceydiid.

    Bayaan kasoo baxay qoyska ayaa lagu sheegay in maanta ‘ay caddaaladdii timid’ kadib muddo dheer ay raadiyeen.

    Qoyska waxay u mahadceliyeen cid kasta oo ku lug laheyd dadaalladii caddaaladda loogu raadinayay Marxuum Wasiir Cabbaas.

    Bayaanka qoyska

    Xigashada Sawirka, .

    Taariikh nololeedkii Cabaas oo kooban

    • Wuxuu ku dhashay Afmadow 1985
    • Waxaa Dhadhaab loola qaxay 1992
    • Dugsiga sare ayuu Dhadhaab kaga dhameeyay 2005
    • Jaamacad ayuu Nairobi ka billaabay 2007
    • Dalka ayuu dib ugu laabtay 2011