Sida uu Tiktok lacag uga faa’iido dadka ‘live-ka’ uga tuugsada oo la ogaaday

Qoysaska soo barakacay oo ku jira xeryaha Suuriya ayaa taakuleyn deeq ah loogu raadiyaa in muuqaallo toos ah looga baahiyo TikTok, iyadoo shirkaddaas lagu soo bandhigayo dhibaatooyinkooda ay qaadato ilaa 70% lacagta la ururiyo, sida ay BBC-du ku ogaatay baaritaan ay samaysay.
Carruurta ayaa si toos ah loo soo fariisiyaa marka la sameynayo tebinta tooska ah muddo saacado ah, iyagoo dadka daawanaya ka codsanaya haddiyado dhijitaal ah oo leh qiime lacageed.
BBC-du waxay aragtay in barnaamijyadan ay soo gasho lacag gaarayso ilaa $1,000 (£900) saacaddiiba, laakiin, waxay BBC-du ogaatay sidoo kale in dadka xeryaha ku jira ay helaan qayb yar oo keliya.
TikTok wuxuu sheegay inuu qaadi doono tallaabo degdeg ah oo ka dhan ah "tuugsiga khiyaanada ah".
Shirkaddu waxay sheegtay in waxyaabaha noocaan ah aan loo oggolayn in boggeeda lagu isticmaalo, waxayna tilmaantay in haddiyadaha dhijitaalka ah ay aad uga yar yihiin 70%. Laakiin, shirkaddu way diidday inay xaqiijiso tirada saxda ah.
Horraantii sanadkan, dadka adeegsada TikTok waxay arkeen qoysaska ku jira xeryaha Suuriya oo si toos ah uga dhex tuugsanaya TikTok, iyaga oo taageero ka helaya daawadeyaasha qaar, waxaana jira welwel ku saabsan in dad kale ay ku tuugsanayaan qaxootiga oo khiyaanada ay ka dambeeyaan.
Xeryaha ku yaalla waqooyi-galbeed ee Suuriya, waxay BBC-du ogaatay inay jiraan "dad ka dallaala TikTok" oo arrintan fududeeya, kuwaas oo qoysaska siinayay taleefan iyo qalab ay si toos ah barnaamijyada uga qayb qaataan.
Dadkan dalaalka ah ayaa sheegay inay la shaqeeyaan hay'ado xiriir la leh TikTok oo Shiinaha iyo Bariga Dhexe ah, kuwaas oo qoysaska u fududeeyay inay helaan akoonnada TikTok. Wakaaladahan waa qayb ka mid ah istiraatiijiyada caalamiga ah ee TikTok, si ay u shaqaaleysiiso dad ka qayb qaata baahinta tooska ah iyo dhiirrigelinta dadka isticmaala inay waqti badan ku bixiyaan boggeeda.
Mona Ali Al-Karim iyo lixdeeda gabdhood ayaa ka mid ah qoysas si toos ah uga qayb qaata barnaamijkan TikTok maalin kasta, iyagoo fadhiya sagxadda teendhadooda saacado badan, kuna celcelinaya erayo yar oo Ingiriis ah oo ay garanayaan: "Fadlan like, fadlan share, fadlan haddiyad."

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mona ninkeeda ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah, waxaana ay u adeegsaneysaa barnaamijkan tooska ah ee TikTok inay lacag ay ugu aruuriso gabadheeda Sharifa oo doonaysa in qalliin dhanka indhaha ah lagu sameeyo.
Haddiyadaha ay codsanayaan waa kuwo macmal ah, laakiin waxay daawadeyaasha ugu fadhiyaan lacag dhab ah, waxaana loo gala bixi karaa app-ka lacag ahaan. Daawadeyaasha tooska ah waxay soo diraan haddiyadaha - laga billaabo ubaxyada dhijitaalka ah, oo ku kacaya dhowr senti, ilaa libaaxyada farsamada ah oo qiimahoodu uu dhan yahay $500 - si loogu abaalmariyo.
Muddo shan bil ah, BBC-du waxay daba socotay 30 akoon oo TikTok ah, kuwaas oo barnaamijyo si toos ah uga soo tebinayay xeryaha Suuriya ee ay ku nool yihiin dadka soo barakacay, waxayna BBC-du sameysay barnaamij kumbiyuutar si ay xogta ugu kala shaandheyso, taasoo muujinaysa in daawadeyaasha ay inta badan ku tabarruci jireen haddiyado dhijitaal ah oo qiimahoodu uu dhan yahay $1,000 saacaddiiba akoon kasta.
Qoysaska ku jira xeryaha ayaa sheegay in ay heleen qayb yar oo ka mid ah lacagahan, si kastaba ha ahaatee, iyadoo TikTok uu diiday inuu sheego inta ay ka qaadato haddiyadaha, BBC-du waxay samaysay tijaabo si ay ula socoto halka ay lacagtu ku baxdo.
Weriye ku sugan Suuriya ayaa la xiriiray mid ka mid ah hay’adaha xiriirka la leh TikTok, isagoo sheegay in uu ku nool yahay xeryaha. Waxa uu helay akoon uu si toos ah ugu soo galo, halka shaqaalaha BBC ee London ay u soo direen haddiyado TikTok ah oo qiimahoodu dhan yahay $106 akoon kale.
Dhammaadkii barnaamijka toos-ka ah, akoonka tijaabada Suuriya waxaa ku haray lacag dhan $33. TikTok waxay qaadatay 69% qiimaha haddiyadaha.












