Muxuu Abiy Axmed xoogga u saarayaa arrinta Buurta Karamardha?

Xigashada Sawirka, ETHIOPIAN PM OFFICE
Raysul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa markale sheegay in la dhisayo taallo lagu xusuusto ‘Geesiyadi naftooda ku waayey buurta Karamardha’, dagaalki 1977-kii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya waa sida uu hadalka u dhigaye.
Abiy Axmed ayaa magaalada Addis Ababa ku daahfuray buuggii labaad oo uu qoray uguna magacdaray ‘Jiil isu tagay’.
Munaasabaddii buugga lagu daahfurayey ayuu ka sheegay dakhliga laga helo iibinta buuggaasi in deegaan weliba wax looga qabanayo.
Deegaanka Soomaalida waxa loogu qabanayana ay tahay taallo lagu xusuusto waxa uu ugu yeeray ‘Geesiyadi naftooda ku waayey buurta Karamardha’, inii uu socday dagaalkii 1977-kii in buurta Kaaramatdha laga dhisayo isaga oo u yeeray madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida halkaasina ku guddoonsiiyey nuqul ka mid ah buugga uu qoray awaamiirna ku siiyey.
“Waxaan u yeerayaa madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaaliya Mustafe Muxumed Cumar sida aan Waqooyiga Itoobiya ugu xusno taariikhda guushii Adwa waxaa sida oo kale aad muhiim noogu ah inaan Bariga Itoobiyana ka xusno ‘Guushi Kaaramardha.’ Aabbayaasheen ayaa halkaasi dhiiggooda iyo dheecaankooda noogu huray maaddaama in la illaawo ay mudneen Madaxweyne Mustafe dal iyo dibadba inuu buuggan uu ka iibiyo lacagta laga helana taariikhda Kaaramardha sidii looga wareejin lahaa uu ka shaqeeyo ayaan kula dardaarmayaa.” Ayuu yiri Raysul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Xigashada Sawirka, ETHIOPIAN PM OFFICE
Maxaa laga yiri hadalka Abiy?
Aqoonyahan Fersal Rooble oo arrimaha gobolka gaar ahaanna Itoobiya wax badan ka qoray ayaa hadalka ka soo yeeray Abiy wuxuu ku tilmaamay bahdil taariikhda Soomaalida loo geystay.
“Bahdilka iyo gefka uu Abiy Axmed ka galay taarikhda Soomaalida iyo sidii uu ku gaadhay go'aanka ah in taallo lagu xusayo Axmaaro laga dhiso Karamardha waa gaf aad u weyn. Maantana ma Mangistu ayuu ku maamuusay Kaaramardha?, ayuu ku yiri Feysal Rooble qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Sanadihii u dambeeyeyna waxaa Karamardha lagu xusaa halgamayaashii Somaliyeed ee u dhashay deeganka ee naftooda ku waayay jiritaankooda.
Abiy Axmed tani iyo marka uu hoggaanka u qabtay dalka Itoobiya wuxuu marar badan soo hadal qaaday ‘Guusha Karamardha; iyo guulihi ay Itoobiya dagaalki 77-ka ka soo hoysay inaan la illaawin sanad welibana la xuso taalla weyna buurta dusheeda looga taago.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dalka Itoobiya 2020-kii waxaa marki ugu horreysay si weyn looga xusay guusha Karamardha oo ay sheegeen iney ahayd halkii ciidanki Soomaaliya lagu jabiyey 1977-kii ciidamada Itoobiyana ay guul ku gaareen.
Xuska Karamardha oo 27-kii sano ee la soo dhaafay ama xilligii ay jirtay dowladdii ay hoggaanka u hayeen TPLF aan la xusin, waxaa hadda xuskeeda dib loo billaabay sanadkaasi oo uu dalka Itoobiya ra'isul wasaare ka yahay Abiy Axmed.
Abiy Axmed xilligaasi shacabka dalkaasi Itoobiya wuxuu u diray Hambalyo ku aaddan ‘Guusha Karamardha’ isaga oo dhaliilay dowladdi siyaada barre isla-markaana ammaanay dowladihi dagaalkii 77-ka Itoobiya garabka ka siiyey.
"Dagaalkii 1977-ka dhacay wuxuu ku soo beegmay xilli ay Itoobiya la daalaa dhaceysay kacaanka cusub ee dalkaasi ka dhashay, dalka gudahiisana ay ka jireen dagaallo sokeeye, dalalka shisheeye ee Itoobiya soo weeraray si la mid ah ayuu Siyaad Barre-na u sameeyey khalad la mid ah" ayuu yiri.
"Waxaanna hambalyo, sharaf iyo maamusba halkan uga soo jeedinayaa ciidmadii Cuba iyo Yemen ee Itoobiya iyaga oo ka garab dagaallamaya naftooda qaaliga ah u huray difaaca Itoobiya. Geesiyadi Itoobiya oo naftooda u horay difaaca dalkoodana sida oo kale." Ayuu yiri ra'iisal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo hambalyo guusha Karamardha ku saabsan u diray shacabka dalkaasi Itoobiya.
Dagaalkii 1977-kii ee dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya waxaa Itoobiya la soo saftay dalalka Cuba, Kuuyiyada Waqooyi, Yemen, Bariga Jarmalka iyo waddamo kale halka uu dalka Cuba oo keli ah uu dagaalka ka howl geliyey 16,000 oo askari.














