Muxuu yahay muuqaalka ay markii ugu horreysay soo bandhigtay kooxda Xamaas?

Published

Dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Falastiin ee Xamaas, ayaa soo bandhigay muuqaal ay ku sheegeen inuu yahay askari Israa'iili ah oo ay qabteen.

Muuqaalkan oo ay soo bandhigeen guutada Al-Qassam ee garabka hubaysan ayaa waxa uu soconayaa muddo 40 ilbiriqsi ah, waana markii ugu horeysay oo Xamaas ay soo bandhigto muuqaal kan la mid ah.

Waxaana ninka Israa'iil u dhashay ay magaciisa ku sheegeen Hishaam al-Sayed, waxaana muuqaalka laga arkayay isaga oo ku jiira sariir lamid ah kuwa cisbitaallada, wuxuuna xirnaa maaskaro, waxaana ku xirnaa qalabka dadka ka caawiyo neefsiga ee Ogsajiinta.

Muuqaalka waxaa sidoo kale laga dheehan karay aqoonsiga maxbuuska oo xabadka loo saaray aqoonsigiisa Israa'iil.

Xamaas maalin ka hor ku dhawaaqay in uu sii xumaaday caafimaadka mid ka mid ah maxaabiistiisa Israa'iil ee u xiran iyaga iyada oo aan la sheegin sababaha.

Wargeyska Haaretz ee ka soo baxa Israa'iil ayaa sheegay in Israa'iil ay rumeysan tahay in arrintan ay noqon karto in Xamaas ay ku dhawaaqeen 'dagaal dhanka maskaxda ah' Dhanka kale, sarkaal hore oo ka tirsan ciidamada Israa'iil oo mas'uul ka ahaa maxaabiista iyo dadka la la'yahay ayaa u sheegay warbahainta kasoo naxda Israa'iil ee "Kan" inuu rumeysan yahay in muuqaalka Xamaas uu yahay "digniin". Wuxuuna intaa ku daray in labada askari ay u xiran yihiin Xamaas muddo 8 sano ah oo isla markaana aysan wax daryeel ah.

'Xamaas ayaa mas'uul ka ah'

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Naftali Bennett ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Xamaas ay mas'uul ka tahay xaaladaha maxaabiista rayidka ah ee ay gacanta ku hayaan kooxdaas.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Israa'iil "ay sii wadi doonto dadaalladeeda ku aadan xaqiijinta dhexdhexaadinta Masar, si loo soo celiyo maxaabiista Israa'iil iyo kuwa maqan."

Garabka hubeysan ee Al Qassam ayaa heystaa labo askari oo Israa'iili ah kuwaas oo lagu kala magacaabo Shaur Aaron iyo Hadar Goldin.

Guutada Al-Qassam waxay ku qabteen askartan dagaalkii ka dhacay Marinka Gaza sanadkii 2014-kii, halka kooxda ay shaacisay inay gacanta ku dhigtay Abraham Mengistu oo asal ahaan ka soo jeeda Itoobiya iyo Hishaam Badawi Al-sayid oo asal ahaan ka soo jeeda Carabta. labadooduba waxay haystaan dhalashada Israa'iil.

Xamaas waxa ay ku guulaysatay in ay soo gabagabayso heshiis maxaabiis isdhaafsi ah oo ay la gashay Israa'iil sanadkii 2011, kaas oo kooxdu kusii daysay askari Israa'iil ah oo la yiraahdo Gilad Shalit, oo ay ku beddesheen ilaa 1,000 maxaabiis falastiiniyiin ahaa.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ay kooxdu ku guulaysatay in ay Shalit ku qarinayaan in ka badan 5 sano Marinka Gaza, iyada oo Israa'iil aysan helin awood ay ku ogaato halkii ay ku hayeen.