Subag ama saliid, midkee caafimaad ahaan wanaagsan?

Subagga iyo saliidda

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Jawaabaha siddeed su'aalood oo ku saabsan midka wanaagsan saliidda ama subagga ayaan ku sharaxeynaa warbixintan.

Waxaan inta badan maqalnaa hadallo badan oo iska soo horjeeda sida cunista subagga miisaanka ayaa ku kordha, cunista subgga caloosha oo maran waxay yareysaa baruurta, waxay daaweysaa boogaha caloosha. Hadallada noocan ah waxaa jira dad dhab u qaata.

Subagga waxaa ku jira qiyaastii 60 ilaa 65 boqolkiiba dufan iyo fitamiino. Sidoo kale subagga waxaa ku jira dufan wanaagsan oo jirku u baahan yahay iyo nooc kale oo kordhisa xeyrta jirka taas oo loo yaqaan kolestaroolka xun.

Khataraha ka dhasha cunista subagga muddo dheer ayaa laga hadal hayay, laakiin hadda waxaa sidoo kale si weyn looga hadlayaa faa'iidooyinkiisa. Haddaba, hadallada aan soo sheegnay maxaa run ah maxaase been ah? Waxaan la hadalnay dhakhaatiir si aan u ogaanno fikradaha khaldan iyo xogta saxda ah ee ku saabsan subagga.

Cunista subagga ma keeni kartaa in miisaanku kordho?

Dhakhaatiir badan ayaa sheegaya in subgga oo la cuno aysan keeneyn miisaanka oo kordo. Dr. Rifai Shaukat Ali oo ku takhasusay wadnaha ayaa BBC-da u sheegay sidan, "Ma jirto cunto ah malab ama sun. Waxay ku xiran tahay inta laga cuno."

Sidoo kale Dr. Rifai wuxuu sheegay, "Haddii la is weydiiyo in cunista subagga ay keento miisaan kordhid iyo in kale, jawaabta tooska ah waa 'maya'. Laakiin in subag badan la cuno waxay kordhin kartaa kolestaroolka jirka."

Dr. Rifai wuxuu kaloo sheegay in kororka baruurta jirka ee ka dhasha cunista subagga wuxuu saameyn ku yeelan karaa caafimaadka wadnaha.

"Subagga si toos ah uma aado xididdada dhiigga ee wadnaha oo halkaas kuma ururo. Si toos ah uma keeno cudurrada wadnaha", ayuu yiri Dr Rifai oo intaas ku daray,

"Dhammaan cuntooyinka aan cunno si toos ah uguma gudbaan xididdada dhiigga. Laakiin haddii la isticmaalo subag aad u badan wuxuu kordhin karaa baruurta jirka. Waxaa la caddeeyay in kororka baruurta jirka ay kordhiso khatarta dhibaatooyinka wadnaha iyo dhaawaca wadnaha."

Waxyeelada cuntooyinka la shiilay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Meenakshi Bajaj waa khabiir aqoon u leh nafaqada wuxuu ka hadlay sida saxda ah ee loo isticmaalo subagga. BBC-da wuxuu u sheegay, "Sida ku cad tilmaamaha ICMR ee 2024, qof caafimaad qaba oo weyn wuxuu maalintii isticmaali karaa guud ahaan 27 ilaa 30 garaam oo dufan ama saliid ah."

Ururka cudurada wadnaha la dagaallama ee Mareykanka ayaa ku taliyay in koloriga laga helo dufunta subagga ay tahay in ay ka yaraato lix boqolkiiba koloriyada guud ee qofku qaato maalintii

Subagga, farmaajada, hilibka cas iyo cuntooyinka kale ee xoolaha laga helo waxay hodan ku yihiin dufanta wanaagsan.

Daraasado la sameeyay sanadihii la soo dhaafay ayaa muujiyay in dufantu ay kordhin karto heerka kolestaroolka jirka.

Subagga ma daaweeyaa boogaha caloosha?

Chandrashekhar oo ah dhakhtar caafimaadka guud iyo bare ka shaqeeya isbitaal dowladeed, ayaa sheegay in dufannada ku jira subagga ay jirka muhiim u yihiin.

Si kastaba ha ahaatee Dr. Rifai Shaukat Ali wuxuu ka digayaa in subagga aan loo qaadan dawo ahaan.

"Waa in aanan illoobin in subagga uu ku badan yahay dufanka dheregsan. Sidaas darteed, inkastoo uu ka kooban yahay asiidhyo faa'iido leh, haddana subagga waa in aan la cunin wax ka badan qaaddo barkeed," ayuu yiri Dr. Rifai Shaukat Ali.

Marka laga hadlayo sheegashada ah in subaggu daaweeyo boogaha caloosha, ma jiraan caddayn rasmi ah ama mid cilmiyeed oo arrintaas xaqiijinaysa.

Subagga oo la cuno caloosha oo maran ma yareeyaa baruurta jirka?

Subagga oo la sameynayo

Xigashada Sawirka, Nasir Kachroo/NurPhoto via Getty Images

Dr. Rifai wuxuu sheegay in fikradahan ay gabi ahaanba khaldan yihiin, wuxuuna yiri, "Cunista subagga ma yareyso baruurta jirka. Subagga wuxuu ka kooban yahay 60 ilaa 65 boqolkiiba dufan dheregsan, taas oo kordhin karta kolestaroolka xun ee jirka."

Dr. Rifai wuxuu sheegay in aysan jirin wax cadeynaya in cunista subagga uu yareeyo baruurta jirka.

Subagga ma u wanaagsan yahay carruurta?

Dhakhaatiirtu waxay aaminsan yihiin in carruurta oo la siiyo subagga ay ka caawin karto koritaankooda.

"Subagga wuxuu faa'iido u yeelan karaa horumarinta habdhiska neerfayaasha carruurta, caafimaadka maqaarka iyo dheefshiidka", ayuu yiri Dr. Chandrashekhar oo intaas ku daray, "Dheef-shiidka carruurtu wuu ka duwan yahay kan dadka waaweyn. Qaar ka mid ah asiidhyada faa'iidada leh ee ku jira subagga waxay waxtar u yeelan karaan caafimaadka hab-dhiska dheefshiidka carruurta."

Subagga ma ka fiican yahay saliidda ?

Subagga ma wanaagsan yahay saliidda

Xigashada Sawirka, Getty Images

"In si joogto ah loo cuno cunto lagu kariyay subag halkii saliid laga isticmaali lahaa waxay si weyn waxyeello ugu keeni kartaa caafimaadka. Mararka qaar dhadhanka wuu fiicnaan karaa balse in si joogto ah loo cuno waxay waxyeello u keeni kartaa jirka" ayuu yiri Dr. Chandrashekhar oo intaas ku daray, "ma jiro caddayn rasmi ah oo sheegeysa in subagu ka fiican yahay saliidda.

Si kastaba ha ahaatee, sida loo xaddidayo isticmaalka subagga ama saliidda ayaa muhiim ah.

Subag ma cuni karaan dadka qaba macaanka?

Dr. Rifai wuxuu sheegay in dadka qaba sonkorowga, dadka ay jirkoodu saaran tahay baruurta badan, iyo bukaannada qaba dhiig-karka waa in ay ka fogaadaan subagga.

"Dadka noocaas ah waxaa u wanaagsan in ay gabi ahaanba joojiyaan subagga. Subagu wuxuu ka kooban yahay asiidhyo faa'iido leh, laakiin cunto kasta waa in la qiimeeyaa iyadoo la tixgelinayo faa'iidooyinkeeda iyo khataraha ay leedahay," ayuu yiri Dr Rifai.