Maxkamadda Sare ee Kenya oo qareen Soomaali ah u xukuntay magdhow dhan KSh 6.9 milyan

Xigashada Sawirka, Social Media
Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa qareen u xukuntay magdhow dhan Ksh 6.9 milyan oo lacagta Kenya ah taa oo u dhiganta 53,400 oo doolarka Maraykanka ah, kadib markii ay go'aamisay in Xafiiska Agaasimaha Guud ee Dacwad-oogista Dadweynaha (ODPP) uu ku xadgudbay xuquuqdiisa dastuuriga ah, isagoo qareenka ku soo oogay dacwad la xiriirta weerarkii argagixiso ee sannadkii 2019 lagu qaaday hoteelka DusitD2, inkastoo eedaha loo haystay aysan ku salaysnayn caddayn ku filan.
Go'aan ay soo saartay Khamiistii, Garsoore Patricia Mande ayey ku sheegtay in inkastoo dhibbanaha oo lagu magacaabo Cabdinuur Sheekh Ismaaciil, uusan caddeyn karin in ODPP ay ula kac ku dacweysay, haddana hay'addu waxay jebisay waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ku cad Qodobka 157(11) ee Dastuurka, maadaama ay soo oogtay dacwad aan lahayn caddayn taageeraysa.
Garsoore Mande oo arrintaas ka hadleysey ayaa ku nuuxnuuxsatay in maadaama "go'aanka maxkamaddu muujinayo in eedahan lagu soo oogay iyadoo aysan jirin caddayn taageeraysa. waxaa ii soo baxday in ODPP, markii uu adeegsanayey awooddiisa go'aan-qaadasho, uu u dhaqmay si ka hor imanaysa Qodobka 157(11) ee Dastuurka, isla markaana uu ku guuldarreystay waajibaadkiisa ah inuu ka hortago ku takri-falka habraaca sharciga."
Garsooruhu waxay sidoo kale sheegtay in dacwad-oogistu ay ku xadgudubtay xuquuqda qareenka ee ah inuu helo ilaalin iyo faa'iido sharci oo siman, sida uu dammaanad qaadayo Qodobka 27 ee Dastuurka. Waxayna tiri:
"Codsaduhu wuxuu caddeeyay arrin ka sii muhiimsan, taas oo ah in ODPP ay ku guuldarreystay inuu hubiyo in dacwaddu ku salaysnayd xaqiiqooyin iyo caddayn awood u leh inay taageeraan eedaha ciqaabta."
Dhankiisa Qareen Cabdinuur oo BBC-da la hadlay ayaa dhankiisa ka sheekeeyey halka laga soo qabtay iyo sida loo soo qabtay:
"Waxaan ka mid ahaa dad loo qabtay tuhun la xiriira weerarkii argagixiso ee lagu qaaday Duset2 bishii Jannaayo 2019. Waxaa la iga soo qabtay gurigeyga oo ku yaal xaafadda South C ee magaalada Nairobi".
Dukumentiyada maxkamadda ayaa muujinaya in Cabdinuur oo ah qareen islamarkaana agaasime ka ah shirkadda Seatech Limited, la xiray bishii Janaayo 2019, kadib weerarkii argagixiso ee DusitD2.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa lagu eedeeyay inuu gacan ka geystay fal argagixiso iyo in uu maalgeliyay argagixisada isaga oo adeegsanaya ganacsiga M-Pesa ee shirkaddiisa.
Qareenka ayaa xabsi ku jiray 39 maalmood ka hor inta aan si rasmi ah dacwad loogu soo oogin. Kadibna wuxuu maxkamad wajahay muddo ku dhow saddex sano, ilaa bishii Maarso 2022, markaas oo lagu sii daayay iyadoo la raacayo Qodobka 210 ee Xeerka Habraaca Ciqaabta, kadib markii maxkamaddii dhageysanaysay dacwadda ay go'aamisay inaanay jirin wax caddayn ah oo ku xiraysa dambiyada lagu soo oogay.
Cabdinuur oo ka hadlayey sababta keentay in mudada intaas la eg uu u xirnaado iyadoon dambi lagu hayn ayaa yiri:
"Markii aan booliska u xogwarramay, waxay durba soo qabteen qofkii ganacsadaha ahaa la tuhmayey, kaas oo durbadiiba la sii daayey ka dib markii wax lagu waayey. Laakiin maadaama aan anigu ahaa qareen, islamarkaana laamaha ammaanku ay horay u buunbuuniyeen xarigeyga, si ay ugu xoojiyaan baaritaanka. Waxaa dambi-baarista ku adkaatay in lay sii daayo wallow aysan dambi cad igu hayn. Waayo waxay malaha ka baqayeen in la weydiiyo 'aaway qareenkii aad qabateen".
Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadda Sare ma aysan go'aamin in dacwad-oogistu ay ku dhaqantay ula kac xun, iyadoo sheegtay in uusan codsaduhu buuxin heerka sharci ee looga baahan yahay caddeynta laga galay gef ula kac ah.
Garsooruhu sidoo kale way diidday eedihii loo jeediyay Kormeeraha Guud ee Booliska, ee la xiriiray muddadii dheerayd ee codsaduhu xabsiga ku jiray, iyadoo sheegtay in sii hayntiisa lagu oggolaaday amarro maxkamadeed oo sharci ah. Waxay tiri:
"Maxkamaddu go'aaminayo in eedaysanaha labaad (DPP) uu ku xadgudbay xuquuqda codsadaha ee xorriyadda iyo amniga qofka, sida ku cad Qodobka 29 ee Dastuurka."
Dhanka magdhowga, maxkamaddu waxay qareenka siisay Sh1.9 milyan oo magdhow gaar ah si loogu celiyo kharashaadka qareennimada, kuwaas oo lagu caddeeyay rasiidhyo.
Waxay sidoo kale siisay Sh5 milyan oo magdhow guud ah, iyadoo sheegtay in magdhowga dastuuriga ahi uusan ahayn oo keliya magdhow la siiyo dhibbanaha, balse uu sidoo kale yahay hab lagu difaacayo xuquuqda dastuuriga ah, lagu horjoogsanayo xadgudubyada mustaqbalka, laguna adkeynayo qiyamka uu Dastuurku ku dhisan yahay.
Go'aankii ugu dambeeyay, Garsoore Mande waxay ku dhawaaqday in dacwaddii lagu soo oogay qareenka ay jebisay Dastuurka, sababtoo ah ODPP wuxuu ku guuldarreystay in uu ka hortago ku takri-falka habraaca maxkamadda.
Ugu dambeyntii Qareen Cabdinuur oo ka falcelinayey go'aanka maxkamadda ayaa sheegay in wallow aysan dabooli karin dhibkii soo gaarey, haddana u uku faraxsan yahay in uu caddaalad helay. Wuxuuna sidoo kale Soomaalida, marar badan la iska xirxiro iyagoo aan caddeyn sugan lagu hayn, ku guubaabiyey in ay sharciga ku dagaallamaan, isagoo xasuusiyey in sharciuga loo siman yahay.















