Yaa beddeli doona Trump? Walaaca qarsoon ee xisbiga Jamhuuriga

Trump

Xigashada Sawirka, Reuters

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Xisbiga Jamhuuriga ayaa magaalada Dallas isugu tagay si ay dib ugu xoojiyaan ololahooda doorashada xilliga dhexe ee November, iyagoo rajaynaya in kulanka aan horay loo arag, oo uu hareeyay joogitaanka Donald Trump.

Si kastaba, qaar badan oo ka mid ah ka qaybgalayaasha ayaa kulanka Dallas ka tagay iyagoo weli qaba walaacii ay la yimaadeen, gaar ahaan fursadaha xisbiga ee doorashada 2026-ka iyo jihada uu xisbigu qaadan doono kadib Trump.

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, J.D. Vance, oo loo arko mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu cadcad ee Trump beddeli kara, ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay aragtidiisa ku saabsan mustaqbalka xisbiga.

Vance ayaa sheegay: "Marka hore waa inaan shaqada dhammeystirnaa doorashada November."

Wuxuu intaas ku daray: "Kadib ayaan ka fikiri doonaa waxa dhacaya iyo tallaabada xigta."

Intii uu Vance khudbadda jeedinayay, qaar ka mid ah dadkii ka qaybgalayay ayaa ku dhawaaqayay "48", iyagoo ula jeeday Vance oo loo arko inuu noqon karo qofka Trump ku xiga.

Haddii Jamhuurigu ku guuleysto doorashada madaxtinimada ee 2028, qofka beddela Trump wuxuu noqon lahaa madaxweynihii 48-aad ee Mareykanka.

Vance ayaa muddo kooban u oggolaaday dadku inay sii wadaan dhawaaqa, balse kadib ayuu khudbaddiisa sii watay.

Doorashada xilliga dhexe

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Intii uu socday kulanka labada maalmood qaatay, xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga Jamhuuriga ayaa isku khilaafay in ay sax ahayd in la qabto isu-soo-bax doorasho oo diiradda lagu saarayay madaxweyne wajahaya heerkii ugu hooseeyay ee taageerada dadweynaha, xilli ay jirto walaac ku saabsan xaaladda dhaqaalaha iyo dagaalka Iran.

Jeff Ryer, oo ah guddoomiyaha xisbiga Jamhuuriga ee gobolka Virginia, ayaa BBC u sheegay:

"Waxaan u malaynayaa inay saameyn yeelan doonto. Ugu yaraan waxay noo saamaxaysaa inaan farriinta ololaha ku tijaabino hortooda dadweyne tiro badan.

Qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in khudbaddii Trump oo ku dhowaad laba saacadood socotay aysan beddeli doonin fikirka cod-bixiyeyaasha aan weli go'aansan cidda ay u codeynayaan.

Qiyaasaha la sameyay ayaa muujinaya in Dimuqraadiyiintu ay fursad wanaagsan u leeyihiin inay dib ula wareegaan Aqalka Wakiillada, halka fursaddooda ay ku doonayaan inay ku helaan aqlabiyadda Senate-ka loo arko inay ka yar tahay.

Xubin ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo aan magaciisa shaacin ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in Trump uu hadalka soo gaabiyo, balse uu yiri: "Taasi ma aha qofka uu yahay."

Qofkaasi wuxuu sidoo kale sheegay in codsiga Trump ee ah in taageerayaashu iska dhigaan in magaciisu ku jiro warqadda cod-bixinta uusan wax badan ka beddeli doonin natiijada, maadaama magaciisu uusan doorashada ku jirin.

Kulanka Dallas ayaa sidoo kale ahaa xusuusin muujinaysa in xilligii Trump uu si tartiib ah ugu sii dhawaanayo dhammaadkiisa.

Joogitaanka Trump ayaa haeyay barnaamijkii oo dhan ee lagu qabtay xarunta American Airlines Center. Musharraxiinta Jamhuuriga ee Aqalka Wakiillada iyo Senate-ka ayaa khudbadahooda si weyn ugu ammaanayay Trump, halka taageerayaashana lagu arkayay koofiyadaha casaanka ah ee "MAGA", oo astaan u noqday dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed.

Jamhuurigu waligiis hore uma qaban shir noocan ah oo loogu diyaar-garoobayo doorashada xilliga dhexe.

Si kastaba, iyadoo taageerayaashu Trump sacab iyo taageero siinayeen, qaar badan ayaa durba bilaabay inay ka hadlaan doorashada madaxtinimada ee 2028 iyo mustaqbalka xisbiga.

Aiden Bozetti, oo madax ka ah koox taageerta Trump, ayaa sheegay: "Aad ayaan uga walaacsanahay 10-ka, 15-ka iyo 20-ka sano ee soo socda. Xaqiiqdii waxaan ka fikirayaa mustaqbalka xisbiga."

Trump iyo ku xigeenkiisa

Xigashada Sawirka, EPA

Aiden Bozetti, oo 26 jir ah, ayaa sheegay in Trump uu si weyn u beddelay siyaasadda xisbiga Jamhuuriga, balse uu sidoo kale doonayo in ay soo baxaan "jiil cusub oo hoggaamiyeyaal muxaafid ah."

Dadka BBC ay wareysatay ayaa inta badan magacaabay Madaxweyne-ku-xigeenka J.D. Vance iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio inay yihiin labada siyaasi ee ugu cadcad ee Trump beddeli kara.

Sandy Money, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Arizona, ayaa yiri: "Trump wuxuu u baahan yahay inuu hoggaanka u dhiibo qofka isaga ka dambeeya. Waa inaan mustaqbalka eegnaa." Wuxuu intaas ku daray inuu aad u jecel yahay Vance, balse haddii Rubio uu 2028 u tartamo, isaga uu dooran doono.

Trump laftiisa ayaa si furan uga hadlay fursadaha Vance iyo Rubio, laakiin labada siyaasi ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan mustaqbalkooda siyaasadeed.

Vance ayaa difaacay waxqabadka dowladdii Trump, isagoo sheegay inay horumar ka samaysay dhaqaalaha, xoojisay amniga xuduudaha, isla markaana hoos u dhigtay qiimaha dawooyinka dhakhtar qoro.

Wuxuu sidoo kale weeraray xisbiga Dimuqraadiga, isagoo ku eedeeyay inuu aad ugu leexday dhanka bidix.

Trump ayaa mar kale masraxa soo fuulay kadib khudbaddii Vance si uu u soo gabagabeeyo shirka. Isagoo ka hadlayay muhiimadda cod-bixinta, ayuu taageerayaashiisa ku yiri: "Waad ogtihiin waxa dhacaya haddii aadan codeyn? Waxaad galaysaan cadaabta."