You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dhallinyaro TikTok ku aflagaadeeyay mas'uul dowladeed oo lagu riday xukun aaney fileyn
Laba nin oo ka mid ah dadka isticmaala barta TikTok ee dalka Nigeria ayaa lagu xukumay karbaash waxaana ay maxakamddu ku qasabtay in ay nadiifiyaan dhismaha maxkamadda ka dib markii ay si jees-jees ah wax uga sheegeen mas’uul ka tirsan dowladda.
Mubarak Cise Maxamed iyo Maxamed Bula ayaa lagu helay dambi ah inay aflagaadeeyeen Cabdullahi Ganduje, oo ah guddoomiyaha gobolka waqooyi ee Kano.
Qareenka labadan qof ayaa sheegay in aysan ka hadli doonin xukunka ku dhacay raggan.
Dalka Nigeria waxaa ku soo badanaya dadka isticmaala baraha bulshada kuwaas oo waxyaabaha ay soo dhigaan uga faallooda arrimaha bulshada iyo siyaasadda.
Mubarak Ciise Maxamed iyo Maxamed Bula ayaa la xiray toddobaadkii hore ka dib markii ay soo bandhigeen muuqaalkooda oo ay ku jeesjeesayaan guddoomiyaha gobolka oo ay ku eedeeyeen musuqmaasuq dhuleed iyo inuu ka seexday shaqadiisa. Muuqaalladaas waxaa lagu baahiyay TikTok iyo Facebook.
Qareenka dacwad oogayaasha, Wada Axmed Wada ayaa sheegay in raggan ay aflagaadeeyeen guddoomiyaha gobolka, waxa uuna tilmaamay in falka ay sameeyeen uu yahay mid khalkhal galin kara amniga bulshada.
Raggan ayaa qirtay dambiga iyagoo codsaday in loo dabciyo xukunka, balse garsooraha ayaa amray in midkiiba lagu dhufto 20 jeedal, ayna bixiyaan ganaax lacageed oo dhan 10,000 naira oo ah lacagta Nigeria (oo u dhiganta qiyaastii $20) iyo in ay nadiifiyaan dhismaha maxkamadda muddo 30 maalmood ah. Waxaa sidoo kale lagu amray inay baraha bulshada ka raali galiyaan Mr Ganduje.
Qareenka u doodayay oo lagu macaabo Bashiir Yuusuf ayaa BBC-da u sheegay in aysan ka doodi doonin xukunka, maadaama uu yahay xukun aysan ku gali doonin xabsi.
Nigeria waxaa si xawli ah uga kordhay isticmaalayaasha TikTok sanadihii u dambeeyay, gaar ahaan dhallinyarada.
Dadka isticmaala TikTok ayaa mararka qaarkood ku xad-gudba shakhsiyaad ka mid ah dadweynaha oo ay ku jiraan saraakiisha dawladda, iyaga oo inta badan googooya sawirro ama muuqaallo, si ay u abuuraan majaajilo ay ku soo jiitaan taageerayaal badan.
Gobolka Kano oo ah gobol ay Muslimiintu ku badan yihiin oo ku yaalla waqooyiga Nigeria ayaa ka mid ah ilaa toban gobol oo ku dhaqma nidaamka shareecada Islaamka oo lagu lifaaqay sharciyada kale ee dalka. Dadka Muslimiinta ah oo keliya ayaa lagu maxkamadayn karaa maxkamadaha shareecada islaamka.
Bilowgii TikTok
TikTok waxaa si rasmi ah loo furay sanadkii 2018, ka dib markii uu ku milmay shirkad kale oo Shiinaha laga leeyahay oo lagu magacaabo, Musical.ly, oo ah barnaamij dadka u oggolaanaya inay heesaha qaab jilitaan ah u qaadaan.
Shirkadda ayaa waxaa la soo gudboonaaday caqabado badan. Sanadkii 2019, si ku meel gaar ah ayaa looga mamnuucay Hindiya. Shirkad wax baarta oo Mareyanka laga leeyahay ayaa sheegtay in Musical.ly ay oggoshahay waxyaabaha ay soo dhigaan da'yarta waxaana lagu ganaaxay £4.3 milyan.
Shirkaddan oo noqotay App-ka ugu caansan Shiinaha, ayey amnigeeda walaac ka muujiyeen siyaasiyiin iyo shirkado kale.
Sanadkii la soo dhaafay TikTok ayaa lagu qasbay inay ka falceliso warar sheegayay inay maamusho dowladda Shiinaha.
Theo Bertram, oo ah madaxa siyaasadda bulshada ee TikTok ee dalalka Yurub, Bariga Dhexe iyo Afrika ayaa sheegay inay diidi doonto dalab walba oo uga yimaada Shiinaha oo ay xogta dadka isticmaala ku dalbaneyso.
App-kan waxaa la iskula wadaagaa muuqaallo gaagaaban, madadaalo, qoob ka cayaar iyo siyaasad.