Ma dagaal ayaa mar kale ka dhex qarxay Abiy Axmed iyo fallaagada Tigray?

Militariga Itoobiya
Published

Dowladda dhexe ee dalka Itoobiya ayaa ku eedeysay fallaagada TPLF inay weerar ku qaaday xadka ay wadaagaan deegaannada Amxaarada iyo Tgray.

Mar sii horreysay, fallaagada TPLF waxay dowladda Itoobiya ku eedeysay in ciidammadeeda iyo kuwa Amxaarada oo is garabsanaya ay weerar ku soo qaadeen Koonfurta Deegaanka Tigray.

Dagaalka saaka shanti subaxnimo labada dhinac ku dhexmaray xadka ay wadaagaan deegaanka Tigray iyo Amxaarada ayaa ah kii ugu horereyey oo bilooyin halkaasi ka dhaca.

TPLF iyo dagaalka waxa ay ka tiri

Bayaan maanta oo Arbaca ah ka soo baxay ‘Taliska ciidamada Fallaagada TPLF’ oo lagu baahiyey warbaahinta afka fallaagada ku hadasha waxaa lagu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka Amxaarada oo isgarabsanaya ay dagaalkaasi soo qaadeen.

Deegaannada dagaalka lagu soo qaaday 5-tii subaxnimo ee saaka waxay TPLF ku sheegtay  iney yihiin bariga deegaankaasi gaar ahaanna aagga Bisobar, Zobil iyo Takulesh.

Afhayeenka fallaagada TPLF Getachew Reda maalintii Isniinta wuxuu bartiisa Twitter-ka uu ku soo qoray in dowladda dhexe ee Itoobiya ay ciidamo tira badan soo dhoobtay xadka Tigraay.

“Xilli kasta wuu burburi karaa heshiiska xabbad joojinta oo gargaarka bani'aadannimada looga gol lahaa, haddii TPLF dagaal lagu soo qaadana waxay ciidamadeedu diyaar u yihiin iney weerar kasta iska caabbiyaan,” ayuu yiri Getachew Reda, Afhayeenka fallaagada TPLF.

Militari
Qoraalka Muuqaalka, Daawo: wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka qarxay gobolka Tigray
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Jawaabta Dowladda Itoobiya

Xafiiska Isgaarsiinta Dowladda Federaaka wuxuu sheegay 5-tii subaxnimo ee saaka iney fallaagada TPLF ay dagaal ku soo qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka Amxaarada.

“Haddii ay fallaagada TPLF daandaansiga ay sii waddo dowladda waxay ku qasbanaaneysaa iney qaaddo tallaaba kasta oo damaca fallaagada ay uga hortageyso isl-markaana fallaagada ku qasbaya iney wadaxaajood nabadeed u soo laabtaan,” ayey tiri dowladda Itoobiya.

Xukumadda waxaa kale oo ay sheegtay dagaalka Tigraay inuu markale qarxo ay uga wacan tahay fallaagada oo in mudda ah diyaargarow dagaal sameyneysay.

Eedda labada dhinac ay isu jeedinayaan ayaa muujineyso inuu dagaal hor leh uu ka qarxay xadka Gobolka Tigray.

Dadka deegaanka uu dagaalka ka qarxay oo la hadlay BBC-da iyo wakaaladda wararka ee Reuters waxay sheegeen inay maqleen daryanka hubka culus oo ay labada dhinac isweydaarsanayeen.

Heshiiskii xabbad joojinta ee horay loo gaaray

Bilooyinkii la soo dhaafay ergo isugu jirta dublomaasiyiinta reer galbeedka u fadhigoodu yahay Addis Ababa iyo danjirayaal ayaa isaga gooshayey Addis Ababa iyo Maqale si ay labada dhinac ugu kala dab qaadaan.

Kulammo gaargaar ah ayay wufuudaasi la yeesheen hoggaanka labada dhinac taasoo abuurtay rajo nabadeed.

Dagaalka Gobolka Tigreega oo socday ku dhawaad 21 bilood ayaa istaagay kaddib markii labada dhinac ay bishii Maarso gaareen heshiis xabbad-joojin ah.

Xaruunta Midowga Afrika

Wadahadallada nabadeed

Afhayeenka Dowladda Fedraalka wuxuu sheegay wadahadallo nabadeed oo lala yeesho TPLF inaan lagu xiri karin adeegyada aasaasiga ah oo ka maqan deegaanka Tigraay oo dib loo billaabo.

Wadahadallo nabadeed oo TPLF iyo dowladda Itoobiya ka dhex billaawdo waxaa in muddo ah ka shaqeynayey Midowga Afrika, Mareykanka iyo waddamo kale inkasta oo dadaalkaasi uu weli mira dhal noqon.

Midowga Afrikana wuxuu shaaciyay wadahadallada nabadeed ee u dhaxeeya Addis Ababa iyo TPLF in si degdeg ah loo billaabayo, halka lagu qabanayo iyo xilliga la qabanayaba uu ka shaqeynayo.

Dowladda dhexe ee Itoobiya iyo Fallaagada Tigraay ee TPLF waxay horay u sheegeen inay wadahadal diyaar u yihiin iyaga oo shaaciyay guddiyadii uga qayb gali lahaa wadahadallada nabadeed ee la filayo inuu labada dhinac u billowdo, hormuudkana uu ka yahay Midowga Afrika.