Khamenei oo lagu arkay gudaha masjid markii ugu horreysay tan iyo dagaalkii Israa'iil

Xigashada Sawirka, EPA
Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa markii ugu horeysay ka soo muuqday meel fagaare ah tan iyo markii uu bilowday dagaalka Iran kala dhexeyey Isra'iil, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Muuqaallo laga sii daayay telefishinka dowladda ayaa muujinaya isagoo salaamaya dad cibaadaysanayey gudaha masjid Sabtidii, xilli uu ka qaybgalayey munaasabad dhacday maalin ka hor maalinta Caashuuraa, oo ka mid ah ciidaha ugu weyn ee Shiicada.
Soo muuqashadiisii ugu dambeysay waxay ahayd khudbad la duubay oo uu jeediyay intii uu socday dagaalka Iran iyo Israa'iil, kaasoo bilowday 13-kii Juun, intii lagu guda jirayna ay ku dhinteen taliyeyaal sare oo Iranian ah iyo saynisyahanno ka shaqaynayay barnaamijka nukliyeerka.
Israa'iil ayaa weerar lama filaan ah ku qaadday xarumaha nukliyeerka iyo militariga ee dalka Iran, waxaana markaas kadib Iran ay ku jawaabtay weeraro dhanka cirka ah oo ay ku bartilmaameedsatay Israa'iil ah.
Intii lagu jiray dagaalkii 12-ka bari ee u dhaxeeyey Iran iyo Israa'iil, Khamenei, ayaa telefishinka ka soo muuqday saddex jeer oo uu jeediyey farriimo muuqaal ah,markaas oo la isla dhexmray in uu isku qarniyey meel dhulka hoostiisa ah.
Sabtidii, warbaahinta Iran ayaa si weyn u tabisay soo muuqashadii dadweynaha ee Khamenei, iyadoo la baahiyay muuqaallo muujinaya taageerayaal muujinaya farxad markii ay ka arkeen telefishinka.
Khamenei, ayaa la arkay isagoo u jeensanaday dhanka wadaadka Maxmuud Karimi, kuna dhiiri galinaya isaga "qaadsita hesta Qaranka." Heesta waddaniga ah waxay si gaar ah caan u noqotay dagaalkii dhawaan lala galay Israa'iil.
Telefishinka dowladda ayaa sheegay in muuqaalka lagu duubay masjidka Imam Khomeini ee magaalada Tehran, oo loo bixiyay magaca aasaasihii jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
waxaa kale oo Telefishinka Iran uu dadka ugu baaqay inay soo diraan muuqaallo muujinaya dareenkooda ku aaddan soo laabashada Khamenei ee dadweynaha hortooda.
Soo muuqashadiisa waxay ku soo beegmayaa iyadoo dalka Muslimka ah ee Shiicadu u badan tahay , uu ka socdo baroor diiq inta lagu guda jiro bisha Muxaram, kaas oo dhaqan ahaan uu ka qeyb galo hogaamiyaha ugu sarreeya.
Cashuuraa, oo ah maalinta 10-aad ee BishaMuharram oo sanadkan ku beegnayd 5-ta Jully ayaa ah maalin ay Shiicadu u xusaan geeridii Xuseen, oo ahaa wiilkii uu awoowaha u ahaaNebi Muxammad (NNKH).
26kii Juun, hadallo horay loo sii duubay oo laga sii daayay talefishinka dowladda, ayuu Khamenei ku sheegay in Iran aysan isku dhiibi doonin Israa'iil inkasta oo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku baaqay.
Mareykanka ayaa dagaalka ku soo biiray 22-kii Juun, isagoo qaaday weerarro ka dhan ah xarumaha nukliyeerka Iran.
Howlgalkaas waxaa ka qaybgalay 125 diyaaradood oo ciidan ah oo Mareykan ah, waxaana la beegsaday saddex xarumood oo nukliyeer ah: Fordo, Natanz, iyo Isfahan.
Garsoorka Iran ayaa sheegay in in ka badan 900 qof lagu dilay 12-ka maalmood ee dagaalku socday.
Dagaalka ayaa 12-bari ka dib ku istaagay xabbad-joojin uu Maraykanku soo jeediyey kaas oo labada dhinacba ay markii dambe dhaqan galiyeen Iiran iyo Israa'iil.
Dhawaan ayey ahayd markii dowladda Iran markale dareen ka muujisay in loo baahan yahay in Mareykanka uu meesha ka saaraa weerar kale oo ka dhan ah Iran haddii uu doonayo in uu dib u bilaabo wadahadalka diblomaasiyadeed, waxaa sidaa BBC u sheegay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Iiraan.
Majid Takht-Ravanchi waxa uu sheegay in maamulka Trump uu u sheegay inuu doonayo inay Iran ku soo laabtaan wada xaajoodka, laakiin "ma aysan cadeyn mowqifkooda" ku saabsan "su'aasha aadka muhiimka u ah" ee weerarro kale inta ay socdaan wadahadallo.















