Canada: Weerar mindi loo adeegsaday oo ay dad ku dhinteen

Dhismaha baarlamaanka ee Quebec

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dhismaha baarlamaanka ee Quebec
Published
Waqtiga akhriska: 1 daqiiqo

Ugu yaraan laba qof ayaa toorey lagu diley, shan kalena waa lagu dhaawacay magaalada Quebec ee dalka Canada.

Booliska ayaa dadka u sheegay inay ku jiraan guryaha ka dib markii nin "ku labisnaa dharka qarniyadii dhexe" uu "dad badan weeraray.

Ninka weerarka geystay oo ku jira da'da 20-meeyada ayaa la qabtay waxyar ka hor 01:00 waqtiga maxalliga ah, saraakiisha ayaa sidaas yidhi.

Laakiin dadka deegaanka ayaa wali loo sheegayaa in ay ku ekaadaan gudaha maadama baaritaan uu socdo.

Weerarka ayaa ka dhacay agagaarka baarlamaanka Hill oo ku yaal xaafadda taariikhiga ah ee Old Quebec. Warbixinadii ugu horreeyay ee weerarka ayaa soo baxay waxyar ka hor 22:30 waqtiga maxalliga ah.

Kadib markii lagu qabtay agagaarka beerta ganacsiga ee Espace , ninka ayaa waxaa loo qaaday isbitaalka.

Weriyeyaasha goobta ku sugan ayaa Twitterka ku baahiyay sawirro muujinaya taliyaha booliiska oo ku sugan bannaanka Dhismaha Baarlamaanka ee Quebec.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

1px transparent line