Maxay ardadani Ukraine ugu laabanayaan markii lagasoo badbaadiyey ka dib?

Published

Rishi Dwivedi waa mid ka mid ah kumannaan arday Hindi ah oo isaga baxay Ukraine sannad ka hor balse hadda ayuu ku laabanayaa si uu wax barashadiisa uga sii wato Lviv inkastoo ay jirto halista naftiisa ka dhanka ah ee kasoo gaari karta dagaalka.

“Illaa afar jeer maalinkii ayey garaacmaan gambaleelka iyo siidhiga ka digaya duqeymaha maalinkii,” ayuu BBC u sheegay 25 jirkani.

Ardaygan ku jira sannadkii 5-aad ee jaamacadda kana soo jeeda Kannauj oo dhacda woqooyiga Hindiya gobolka Utter Pradesh, ayaa diyaarinaya shahaadada kowaad ee caafimaadka iyo qalliinka wuxuuna dhigtaa jaamacadda qaranka ee Lviv. Waxaa halkaas laga soo badbaadiyey sannad ka hore markii uu Ruushku weerarka ku qaaday. Balse bishii Oktoobar ayuu ku laabtaay halkaas si uu u dhameys tiro shahaadadiisa kowaad ee jaamacadda.

Ka dib markii arday 22 jir Hindi ah lagu dilay duqeymaha billowgii dagaalka, Hindiya ayaa billowday samatabixinta illaa 23,000 muwaadiniinteeda ah oo ku xayirmay halkaasi, waxaana ka mid ahaa tiradan 18,000 arday ah.

Balse tira badan oo intooda badan ah ardayda dhiganeysay caafimnaadka ayaa halkaas ku laabtay, iyaga oo iska indha tiray talada dawladda. Waxay sheegeen inuu dookhoodu kooban yahay mar hadii ay dhaqtarnimo ku shaqeynayaan.

Dwivedi ayaa ka mid ah 1,100 Hindi ah oo hadda ku nool Ukraine. Badankood waxay arday ka yihiin magaalooyinka sida Lviv Uzhgorod iyo Ternopil galbeedka waddanka oo aan ka fogeyn halka ay gaari karaan duqeymaha Ruushku balse aad uga fog dagaalka ka socda dhanka bari ee dalkaas.

Ma aha Ajaaniibta kali ah ee noqday. BBC waxay la kulantay arday Afrikaan ah oo ku laabtay Lviv iyo kuwa kale oo ku fikiraya Inay ku laabtaan.

"Waxaan la yaabbanahay in aan awoodi doono inaan dhammeyno koorsadayada. Marka ay diyaaradaha qumaatiga u kaca ama diyaaraduhu nagu dul duulaan, ma awoodno inaan seexanno, waxaan ka walwalsanahay in uu weerar jiro," ayay tiri Shrishti Moses, oo ah ardayad caafimadka dhigata iyada oo ku jirta sannadkii afaraad kuna sugan Lviv.

Korontadu way yar tahay, markaa Marwo Moses, oo ka timid waqooyiga Hindiya magaalada Dehradun, waxay ku qasbanaatay inay u guurto guri ka qaalisan xaafad leh koronto joogto ah.

Iyada oo xaaladahan jiraan Maxaa ku celinaya Ukraine?

Khubarada ayaa sheegay in inta badan ardayda Hindida ee caafimaadka ee dibadda ku sugan ay doonayaan in ay dib ugu laabtaan dalkooda marka ay dhameeyaan. Laakiin taas, waxay u baahan yihiin oggolaansho Guddiga Caafimaadka Qaranka (NMC), nidaamiyaha waxbarashada caafimaadka Hindiya.

Markii dagaalku ardaydan ku qasbay in ay waxbarashadooda hakiyaan, wasiirka waxbarashada Hindiya waxaa uu sheegay in dawladdu “ay samayn doonto wax kasta oo suurtogal ah” si ay “dhakhaatiir u noqdaan”.

Ururka Dhakhaatiirta Hindiya ayaa codsaday in ardaydan oo kale la dejiyo kulliyadaha Hindiya. Dawlad-goboleedyaduna waxay soo jeediyeen dalabyo la mid ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Hindiya waxay xitaa waydiisatay "machadyada caafimaadka ee gaarka loo leeyahay ee Hindiya si ay u qoraan ardayda soo laabanaysa".

Laakiin wasaaradda caafimaadka ayaa si kale u xukuntay. Waxay sheegtay bishii Luulyo inaysan jirin wax shuruud ah oo lagu "qaban karo ama lagu wareejinayo ardayda caafimaadka ee machadyada caafimaadka ajnabiga ah oo loo wareejiyo kulliyadaha caafimaadka Hindiya".

Arday badan oo ka soo laabtay Ukrain xitaa ma doonayaan gelitaanka kulliyadaha Hindiya - sababtoo ah tartanka adag ee gelitaanka iyo kharashka sare ee koorsooyinka caafimaadka awgood.

Dipak Kumar, oo ku nool gobolka Bihar ee waqooyiga Hindiya, ayaa sheegay in inkastoo uu jeclaan lahaa inuu dib ugu laabto Ukraine oo uu dib u billaabo waxbarashadiisa, haddana uusan awoodin cadaadiska qoyskiisa awgii.

"Qoyskaygu way ka soo horjeedaan tallaabada sababtoo ah waxay u baqayaan badbaadadayda," ayuu yidhi.

Dipak wuxuu sheegay inuu xaqiijin karay gelitaanka kulliyad caafimaad oo gaar loo leeyahay oo ku taal Hindiya, laakiin ma uu dooran sababo la xiriira khidmadaha sare.

"Xitaa ma aanan haysan lacagtii looga baahnaa Ukraine, sidaas darteed aabbahay wuxuu iibiyay qayb ka mid ah dhulkeena si uu u bixiyo kharashkayga," ayuu yidhi.

Ardayda BBC-da la hadashay ayaa sheegay in khidmadaha dhammaan koorsada caafimaadka ee Ukraine ay ka yaratahay kala bar qiimaha ay wax uga baran lahaayeen machad gaar loo leeyahay oo ku yaal Hindiya.

Mrityunjay Kumar, oo wiilkiisa Shashank uu hadda waxbarasho ugu soo laabtay Lviv, ayaa sheegay in koleejyada gaarka ah ee Hindiya ay ka qaadaan koorsada 7.2m rupees ($ 87,000;), gudaha Ukraine waxay ku kacaysaa ku dhawaad 2.5m rupees.

Dib ugu soo laabashada Lviv, Rishi Dwivedi wuxuu sheegay inuu hadda helay dareen yar tan iyo markii uu soo laabtay.

"Annaga arday ah bishii aan soo laabannay ayaa isha ku haynay, dadkuna way naga daayeen dhibka ay nagu hayaan."

Laakiin maalin kasta waxaa kaa buuxsamaya hubaal la'aan mustaqbalka.

"Waalidiintayada waxaan u sheegnay in haddii dagaalku uu mar kale sii xumaado oo aan u baahanno inaan baxno, markaas annagu hadda gooni ayaan nahay, waxaan isku dayi doonnaa inaan ka baxno deegaannada ku dhow xadka," ayuu yiri.