You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxaa keenay in saacaddu noqoto 60 daqiiqo, maxaase keenay inay fashilmaan dadaalladii lagu doonayay In loo beddelo 100 daqiiqo?
Bishii Oktoobar sanadkii 1793-dii, Faransiisku wuxuu bilaabay tijaabo aan guulaysan oo ku saabsaneyd beddelidda habka waqtiga loo xisaabiyo.
Waxay go'aansadeen in maalintu ka koobnaato 10 saacadood halkii ay ka ahaan lahayd 24 saacadood. Saacad kastana waxay ka koobnaan lahayd 100 daqiiqo, daqiiqad kastana waxay yeelan lahayd 100 ilbiriqsi.
Nidaamkan cusub ee Faransiisku la yimid, waqtigu wuxuu ahaa qayb muhiim ah oo ka mid ah dib-u-habaynta jadwalka taariikhda. Ujeeddadu waxay ahayd in laga fogaado nidaamkii masiixiga, gaar ahaan qaab-dhismeedka sannadaha.
Waxaa bilaabatay shaqo degdeg ah oo lagu baddelayo saacadihii jiray. Hoolalka dawladaha hoose waxaa lagu rakibay saacado cusub.
Saacadda cusub waxay la timid dhibaatooyin hor leh sida uu sheegay Finn Burridge oo ahaa afhayeenka dhinaca sayniska ee matxafka Royal Greenwich (GMT) ee London. Mashruucan cusub ee baddelka saacadda wuxuu keenay how dhibaato badan.
Nidaamkan cusub wuxuu sidoo kale Faransiiska ka go'doomiyay dalalkii deriska ahaa. Dadka ku nool miyiguna waxay ka cabanayeen in maalinta nasashadu ay imanaysay hal mar oo keliya tobankii maalmood.
Ugu dambayntii, nidaamka waqtiga tobanlaha ee Faransiisku wuxuu jiray wax yar hal sano.
Si loo fahmo sababta ay maalintu uga kooban tahay 24 saacadood, saacaduna uga kooban tahay 60 daqiiqo, daqiiqaduna uga kooban tahay 60 ilbiriqsi, waa in aad dib ugu laabataa waqti uusan jirin nidaam lagu cabbiro waqtiga.
Nidaamka lixdanka
Nidaamkani wuxuu asal ahaan ka soo jeedaa dadka Sumeriyiinta, oo ahaa qoomiyad hore oo ku noolayd Mesobotaamiya oo ah halka maanta loo yaqaan Ciraaq intii u dhexaysay 5300 ilaa 1940-kii ka hor dhalashadii Nabi Ciise (CS). Waxay ka mid ahaayeen bulshooyinkii hormuudka ka ahaa dhismaha magaalooyinka casriga ah.
Hal-abuurro badan ayey sameeyeen, sida waraabka iyo beeraha. Sidoo kale waxay sameeyeen nidaamkii ugu horreeyay ee qoraal ee la yaqaan. Nidaamkaas qoraalka ah wuxuu sidoo kale watay nidaam tiro oo ku salaysan lambarka 60.
Fur gacantaada oo laab mid ka mid ah farahaaga. Waxaad arki doontaa in uu leeyahay saddex kala-goys.
Marka aad furta gacantaada oo aad soo laabto hal far waxaad arkeysaa in ay leedahay saddex kala goys.
Haddii aad tiriso dhammaan kala-goysyada afarta farood ee hal gacan adigoo suulka ka reebaya, waxaad helaysaa 12. Markaas waxaad 12-kaas ku tirin kartaa adigoo far kasta oo gacanta kale ah u adeegsanaya hal wareeg. Markaad shanta farood dhamayso, waxaad heleysaa 60.
Tani waxay ka mid tahay aragtiyaha la soo jeediyay si loo sharaxo sababta Sumeriyiintu hal beegga ugu dhigteen 60 halkii ay ka dooran lahaayeen 10. Go'aankaasina wuxuu saamayn ku yeeshay sida aynu maanta waqtiga u cabbirno.
Si kasta ha ahaatee, faa'iidada nidaamkani way caddahay. Lambarka 60 waxaa loo qaybin karaa 1, 2, 3, 4, 5, 6, 10, 12, 15, 20, 30 iyo 60 iyadoo aan la adeegsan jajab ama tobanle. Marka la barbar dhigo lambarka 10, kaas oo kaliya loo qaybin karo 1, 2, 5 iyo 10, faa'iidadu aad bay u muuqataa.
Astaamaha waqtigu leeyahay
Ma jirto caddayn rasmi ah oo muujineysa in Sumeriyiintu ay isticmaali jireen qalab lagu cabbiro waqtiga. Balse, sida uu sheegay Monroe, waxay u badan tahay in habab lagu qiyaaso waqtigu ay ka jireen gobolkaas ka hor intii aan la diiwaangelin isticmaalka saacadaha qorraxda iyo saacadaha biyaha.
Rita Gautschy oo ah khabiir ku takhasustay cilmiga xiddigiska kana tirsan Jaamacadda Basel ee Switzerland ayaa sheegtay in ilbaxnimadii ugu horreysay ee la og yahay ay maalinta u qaybisay saacado. Habkan waxaa lagu xusay qoraallo diimeed.
Qalabka ugu da'da weyn ee lagu cabbiri jiray waqtiga ee la yaqaan wuxuu tilmaami jiray saqda dhexe. Waxay ahaayeen saacadaha xiddigaha la xiriira, kuwaas oo laga helay gudaha daboollada naxashyada dadkii caanka ahaa ee geeriyooday sida Masaaridii hore.
Lama oga sababta dhabta ah ee Masaaridii hore u doorteen in ay maalinta u qaybiyaan 12 qaybood, taas oo markii dambe horseeday nidaamka 24-ka saacadood ee maanta la isticmaalo.
Masaaridu waxay lahaayeen nidaam ku salaysan 12 xiddigood, balse waxaa suuragal ah in nidaamkaas la sameeyay kaddib markii ugu horraysay ee la xusay saacadda 12-ka saacadood.
Khubarada qaarkood waxay rumaysan yihiin in arrintani la xiriirtay usbuucoodii ahaa 10-ka maalmood iyo sida muddadaas ula jaanqaadi jirtay soo bixitaanka xiddigo gaar ah.
Sida daqiiqaddu ku dhalatay
Baabiliyiintu waxay sidoo kale horumariyeen nidaamkooda cabbirka waqtiga. Iyagu waxay ahaayeen ilbaxnimadii ugu horreysay ee saacadda u kala qaybisay qaybo yaryar. Ilbaxnimada Baabiliyiintu waxay kobacday intii u dhexaysay 2000 iyo 540 BC.
Sida uu sheegay Meszaros, waxay hore u sameeyeen jadwal sannadeed ku salaysan muddada ay qorraxdu ku soo noqoto booskeedi hore ee cirka taas oo aheyd mid wax yar ka badan 360 maalmood.
Lambarkaas 360 wuxuu u muuqday mid aad muhiim ugu ahaa ilbaxnimada taas oo hore tirada lixdan halbeeg ugu aheyd.
Baabiliyiintu waxay sameeyeen nidaam waqti oo wax-ku-ool ah oo nolol maalmeedka loogu talagalay, iyagoo maalinta iyo habeenka u kala qaybiyay min 12 qaybood, sida Masaaridii hore.
Ilbaxnimooyin badan oo qadiimi ah ayaa sidoo kale adeegsan jiray nidaamkan. Yurub waxaa laga isticmaali jiray ilaa qarnigii 15-aad, halka Japan laga sii isticmaalayay ilaa qarnigii 19-aad.
Laakiin, sida uu sheegay Monroe, Baabiliyiintu "uma arkin tan in ay tahay kala-qaybin waqti." Waxay u arkayeen in ay tahay hab tirooyin loogu cabbiro masaafada cirka ama xawaaraha meerayaasha.
Sida ay sheegtay Gautschy, way adag tahay in si sax ah loo ogaado cidda laga dhaxlay nidaamkan.
Waxaase hubaal ah in Giriiggii hore ay ka dhaxleen Baabiliyiinta nidaamka xisaabinta waqtiga xiddigiska.
Sida Ilbiriqsiga loo xisaabiyo
Giriiggu waxay maxkamadaha ku isticmaali jireen saacadaha si loo hubiyo in qof kasta helo waqti siman oo uu ku hadlo.
Nidaamka Baabuloon ee ay qaateen wuxuu ahaa mid ay inta badan u adeegsan jireen culimada xiddigiska si aragti ahaan ah, mana lahayn muhiimad weyn oo ku saabsan nolol maalmeedka.
Fikradaha saacadaha, daqiiqadaha iyo ilbiriqsiyada ayaa si tartiib tartiib ah u kobcay ilaa ay gaareen qaabka ay maanta yihin.