Waa kuma Mohammad Baqer Kharraziga, ninka go'aanka adag?

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Waxaa jira dad ka baxsan oo aan ku jirin nidaamka awoodda dowladda Iran oo aanan hayn jago rasmi ah, hadana aad ugu dhow awoodaha sare oo aan hadalladooda la iska indho-tiri karin.

Xiriirada la leeyahay qoyska ama in uu ka tirsan yahay qofka urur yar oo taageera ayaa keeni kara in ay ku lug yeeshaan go'aano ay mas'uuliyinta dowladda ka hadlaan ama kuwa lagu sameynayo beeneyn.

Mohammad Baqer Kharrazi wuxuu leeyahay astaamo badan oo noocaas ah. Waa wadaad aan hayn xil dowladeed oo ah xoghayaha guud ee urur lagu magacaabo "Xisbullahda Iran", kaas oo miisaankiisa iyo booskiisa dhabta ah ee siyaasadda Iran aysan si cad u muuqan. Wuxuu xiriir la leeyahay qoyska Khamenei.

Kharrazi wuxuu hayaa jagadan si uu bannaanka u keeno "siraha" keeni kara in qof uu wajaho cawaaqi aad u daran.

Dhawaan wuxuu sheegay in madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, uu iscasilay ama ku hanjabay in uu iscasili doono, wuxuuna sheegay in hoggaamiyaha sare, Mojtaba Khamenei, uu aqbalayo hadii markale uu madaxweynaha sheego in uu iscasilayo.

Kharrazi wuxuu sidoo kale sheegay in Mohammad Baqer Zolghadr laga qaadayo xilka xoghayaha golaha sare ee amniga qaranka, laguna beddelayo Mohsen Rezaei. Wuxuu sidoo kale sheegay in wasiirka arrimaha dibadda, Abbas Araqchi, loo sheegay in uusan mar dambe faragelin karin wadaxaajoodyada.

Xafiiska madaxweynaha Iran wuxuu hadalladiisa ku saabsan iscasilaadda, Masoud Pezeshkian, ku tilmaamay "been aan sal iyo raad lahayn iyo hadal aan macno lahayn", halka xafiiska hoggaamiyaha Sare uu beeniyay oraahdii loo nisbeeyay Mojtaba Khamenei.

Laakiin muranka dhawaan dhacay wuxuu tusaale kale u yahay taariikh dheer. Laga soo bilaabo ballanqaadyo ku saabsan in dhulalkii Iran laga gooyay dib loo soo celin doono iyo in qiimaha doollarku noqon doono kun toman ayaa ka mid ah waxyaabaha hore u dhacay.

Haddaba, waa kuma Mohammad Baqer Kharrazi, maxaase sabab u ah in sidan uu u hadlo?

Mohammad Baqer Kharrazi wuxuu dhashay 21-kii Luulyo 1961, wuxuu ka soo jeedaa qoys wadaaddo ah. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka IRNA, wuxuu ku dhashay Tehran, balse wuxuu ku koray Qom. Aabbihii, Mohsen Kharrazi, wuxuu ahaa macallin muddo dheer ka soo shaqeeyay mad-habta Qom, wuxuuna Tehran ku metelayay Golaha Khubarada muddadii labaad ilaa afraad.

Taariikh-nololeed lagu daabacay boggiisa oo uu qoray mid ka mid ah ardaydiisa, iyo warbixin ay IRNA soo saartay bishii Maarso 2023, xilligaas oo loo sharaxay Golaha Khubarada waxay sheegayaan in inta badan xogta laga hayo yaraantiisa, waxbarashadiisa iyo taariikhdiisa shaqo ay ka timid laba qoraal oo si dhow isugu xiran.

Sida ku xusan taariikh-nololeedka lagu daabacay boggiisa rasmiga ah, Kharrazi wuxuu tan iyo yaraantiisii ku lug lahaa dhaqdhaqaaqyo ka soo horjeeday nidaamkii Pahlavi.

Taariikh-nololeedkiisu wuxuu sheegayaa in uu fiqiga ka bartay aabbihii iyo macallimiin kale.

Sida ku xusan taariikh-nololeedkiisa rasmiga ah, Mohammad Baqer Kharrazi wuxuu waxbarasho u aaday Canada, wuxuuna " soo bartay falsafadaha cusub ee reer Galbeedka". Wakaaladda IRNA waxay qayb ka mid ah qoraalkeeda ku sheegtay shahaadadiisa "Master of Finance and Banking", halka qayb kale ay ku sheegtay "Master of Economics".

Dagaalkii Ciraaq iyo Iran, Mohammad Baqer Kharrazi, wuxuu maalmihii ugu horeeyay ku jiray jiidda hore ee dagaalka kaddib markii uu aqbalay "wakiilnimada hoggaamiyaha Sare ee gobollada saliidda hodanka ku ah", muddo ayuu noqday madaxa xafiiska siyaasadda ee xarunta Karbala.

Dagaalka kaddib, hawlaha Mohammad Baqer Kharrazi waxay si weyn ugu wareegeen waxbaridda, aasaasidda xarumo waxbarasho iyo abaabulka urur siyaasadeed isaga u gaar ah.

Qoyska siyaasadeed ee Khamenei iyo eheladiisa

Mohammad Baqer Kharrazi laftiisu weligiis ma qaban xil sare oo dowladeed, laakiin xubnaha qoyskiisu waxay joogeen qaybo kala duwan laga bilaabo adeegga diblomaasiyadda ilaa iyo qoyska hoggaamiyaha Sare. Taariikhdan ayaa sababtay in hadalladiisu ay yeeshaan saameyn ka badan hadallada wadaad ama dhaqdhaqaaqe siyaasadeed oo bannaanka ka jooga nidaamka.

Mohammad Sadeq Kharrazi walaalkiis wuxuu sannado badan ka soo shaqeeyay wasaaradda arrimaha dibadda, wuxuu ahaa safiirka Iran ee Faransiiska, kadibna wuxuu aasaasay xisbiga dib-u-habaynta Iran.

Adeerkiis, Kamal Kharrazi, wuxuu sidoo kale ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda xilligii dowladdii Mohammad Khatami, wuxuuna tan iyo 2006-dii madax ka ahaa Golaha Istiraatiijiyadda Xiriirrada Dibadda, oo ah hay'ad lagu aasaasay amarka Ali Khamenei.

Codka iyo qaabka labadan nin ayaa si weyn uga duwanaa mowqifyada adag iyo kuwa aan caadiga ahayn ee Mohammad Baqer Kharrazi.

Sidoo kale, Mohammad Baqer Kharrazi waa seediga Massoud Khamenei, kaas oo si dhif ah uga soo muuqda fagaarayaasha, isla markaana sida ay wararku sheegayaan mas'uul ka ahaa xafiiska ilaalinta iyo daabacaadda qoraallada aabbihii.

Magaca qoyska Kharrazi waxa uu ka soo muuqday kiiska la xiriira shirkadda Nobitex. Bishii June sanadkii 2016-kii ayey wasaaradda maaliyadda Maraykanka waxay cunaqabateysay shirkadda iyo qaar ka mid ah aasaasayaasheeda iyo maamulayaasheeda.

Dadka la cunaqabateeyay waxay kala ahaayeen Seyyed Mohammad Ali Aghamir iyo "Mohammad Kharrazi". Wasaaradda Maaliyadda Maraykanku waxay ku tilmaantay in ay yihiin aasaasayaasha Nobitex iyo xubno ka tirsan qoyska Kharrazi, iyadoo sheegtay in qoysku ku jiro wareegga dadka ku dhow hoggaamiyaha Sare.

Hadalladii dhawaan ee Mohammad Baqer Kharrazi ayaa mar kale noqday kuwa lagu qoro cinwaanada. Wuxuu weeraray Masoud Pezeshkian, isagoo sheegay in dowladdiisu "aysan gaari doonin dhammaadka", wuxuuna ururkiisa ka codsaday in uu magaalo kasta ka abaabulo 530 qof si loo helo ciidan dhan 250,000 oo "diyaar u ah dhaqaaq".

Sheegashadii ugu weynayd ee Kharrazi ee wararka qabsatay waxay ku saabsanayd baaqyada soo noqnoqday ee ahaa in Masoud Pezeshkian uu iska casilo xilka madaxweynaha iyo falcelintii adkayd ee Mojtaba Khamenei.

Xafiiska hoggaamiyaha Sare, isaga oo aan magaca Kharrazi xusin, wuxuu sheegashada ku saabsan falcelintii hoggaamiyaha ee warqadda madaxweynaha ku tilmaamay "mid asal ahaan been ah oo aan run ahayn".

Masoud Pezeshkian isaguna wuxuu sheegay in haddii uu doonayo in uu xilka ka dego uu si rasmi ah ugu dhawaaqi doono, isagoo intaas ku daray: "Isma casili doono, xilka ayaan ka degi doonaa."