Sawirada toddobaadka Afrika bisha September

sawir

Xigashada Sawirka, TAFADZWA UFUMELI/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Dadweyne aad u fara badan ayaa ka qeyb galaya caleema saarka madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa maalintii Isniinta.
Published
sawir

Xigashada Sawirka, AMANUEL SILESHI/AFP

Qoraalka sawirka, Dumar ku nool magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa Jimcihii sameeyay rooti fidsan oo khamiir leh.
sawir

Xigashada Sawirka, PIUS UTOMI EKPEI/AFP

Qoraalka sawirka, Tareenka cusub ee Lagos Blue Line wuxuu yimid saldhiga Marina isniintii aynu soo dhaafnay, maalinta ugu horeysa ee hawlihiisa ganacsi ee xarunta ganacsiga Nigeria.
sawir

Xigashada Sawirka, MOHAMED MESSARA/EPA

Qoraalka sawirka, Beeraleyda Tuniisiya ayaa goosanaya basbaaska cagaaran .
sawir

Xigashada Sawirka, ALEXIS HUGUET/AFP

Qoraalka sawirka, Qareeno ayaa ka qeyb galaya dhageysiga dacwadda lix askari oo lagu soo oogay dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo ka dhacaysa maxkamad militari oo ku taal Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo Arbacadii.
sawir

Xigashada Sawirka, SIPHIWE SIBEKO/REUTERS

Qoraalka sawirka, Dad baroor-diiq ah oo ku sugaya qabuuro furan ka hor aas wadareed loo samaynayo dhibanayaasha dabkii lagu hoobtay ee Axadii ka kacay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
sawir

Xigashada Sawirka, SULEIMAN MBATIAH/AFP

Qoraalka sawirka, Isla shir madaxeedka isniinta, dadka u dhaqdhaqaaqa cimilada ayaa socod ku maray waxayna ku booriyeen wufuudda inay qaadaan tillaabo lagu joojinayo isticmaalka shidaalka...
sawir

Xigashada Sawirka, MONICAH MWANGI/REUTERS

Qoraalka sawirka, Nin qoomiyadda maasai ah oo ka qeyb galaya shir madaxeedka cimilada Afrika oo Arbacadii ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya...
sawir

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Isniintii, askartu waxay dhoolatus sharafeed ku maamuusayeen General Brice Nguema intii lagu guda jiray caleemasaarkiisa ku meel gaarka ah ee caasimadda Gabon, Libreville.
sawir

Xigashada Sawirka, REUTERS

Qoraalka sawirka, Dirxigan ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay shirka cimilada ka dhacay Nairobi.