Haweenku ma waxay ka helaan nin cod weyn mise nin cod yar?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kulanka ugu horreeya marka qofka laga qaadanayo feker, waxaan ahmiyad weyn siinnaa sida uu qofku u hadlayo.
Maxay tahay sababta?
Sababtu waxay tahay codkeenna ayaa xambaarsan warbixin badan oo nagu saabsan.
Melissa Barkat Defraudes, oo ku takhasustay luqadaha waxna ka dhigta Jaamacadda Montpellier, ayaa sheegtay in codkaaga oo aad ku tiraahdo erayo aadna dadka kula wadaagto warbixin, aysan keliya ka tarjumeynin halka aad ka soo jeeddo ee balse ay qeexeyso qofka aad tahay.
'Waxay ka tarjumeysaa caafimaadkaaga maskaxda iyo guud ahaan – tayada codkaaga ayaa bixinaysa warbixin adiga kugu saabsan.'
Waxaa jira farqi la taaban karo oo u dhaxeeya codadka dadka oo aad si fudud ku aqoonsan karto, kaddibna aad sekenno gudahood feker uga qaadan karto qofka.
Balse ka warran tayada codka ee aan gaar ahaan raadineyn? Ama tusaale ahaan, sidee ayaan u doorannaa hoggaamiye annagoo ku saleyneyna codkiisa?
Natiijada doorashooyinka ayaa muujiya in inta badan ay guuleystaan musharraxiinta codadka dhaadheer.
Dadka uu codkoodu awoodda leeyahay ayaa loo arkaa yihiin kuwo la aamini karo, inta badan shaqooyinka hela ahna dadka aadka loo doonayo.
Waxaa xiiso leh, in codkeenna iyo lahjaddeenna ay is beddelaan marka la eego hadba deegaanka aan joogno, sidoo kale dadka kale ayaan ku dayannaa waxaana doorannaa saaxiibbada ay isku ekyihiin lahjaddeenna iyo codkeenna.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Katarzyna Pisanski, oo wax ka dhigta Jaamacadda Lyon, ayaa sheegtay in 'wada hadalka caadiga ah ay wax caadi ah tahay inaan beddelno codkeenna iyo qaab hadalkeenna si aan ula mid noqonno qofka kale. Haddii uu qof si tartiib ah u hadlayo, sidoo kale tartiib ayaan u hadalnaa. Haddii uu qof xoog u hadlayo sidoo kale isla sidaas ayaan u hadalnaa. Waa awood aan u leennahay inaan xiriir la sameyno dadka kale.'
Marka la eego soo jiidashada dareenka leh, ma dhihi karnaa codka dadka qaarkood ayaa ka soo jiidasho badan qaar kale?
Muddo aad u dheer, waxaa loo maleynayaa in codka xooggan ee siyaasiyiinta ka dhiga kuwo caan ah uu sidoo kale ragga ka dhigo kuwo soo jiidasho leh.
"Hoormoonka testosterone ee ragga ayaa lala xiriiriyaa codkarnimada, taasoo micnaheedu yahay haddii codkaagu uusan awood lahayn, ay ka dhigan tahay in hoormoonkaaga testosterone uu daciif yahay," ayayatiri Melissa Barkat Defradis.
'Waxaan ognahay in testosterone uu muhiim u yahay ragga. Haddii uu ninku leeyahay cod dhiirran, uu heli karo lammaane isla markaana uu carruur badan dhali karo.'
Waxay sheegtay in 'isagoo adeegsanaya codkiisa uu ninku soo jiidan karo lammaanriisa. Tan waxay ka dhigan tahay in qofku uu sidoo kale leeyahay hab difaac fiican uuna yahay qof dhiirran oo leh xirfado hoggaamineed.'
Taasina waxaa sababta ay khubarrada baayolojigu u qabaan in codka awoodda leh uu soo jiito haweenka.
Bal malee haweenkana?
Codad badan oo daafaha adduunka laga soo duubay, ayaa la ogaaday in haweenka codka dhiirran ay si deg dge u helaan lammaane.
Sidoo kale waxaa la sheegay in in haweenka da’da yar ay leeyihiin cod dhiirran, codkooduna uu ka tarjumayo da’dooda iyo sida ay soo jiidasho u leeyihiin.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Baaritaan laga sameeyay arrintan, ayaa lagu ogaaday in haweenka ay codkooda sare u qaadi jireen xilliyada shukaansiga, balse sanadihii ugu dambeeyay, baarayaasha qaarkood ayaa sheegaya in arrintan uu isbeddel ku imaanayo.
Katarzyna Pisacinki, ayaa daraasad ku sameysay haween qof la sheekeysanaya muddo lix daqiiqo ah, waxaana la weydiiyay in ninka ay la sheekeysanayeen ay ka heleen iyo in kale.
Katarzyna Pisanski ayaa is barbar dhigtay codadkooda waxayna ogaatay in haweenkan ay codkooda dabciyeen markii ay la hadlayeen ragga ay ka heleen, halka ay kor u qaadeen amaba aysan codkooda waxba ka beddelin marka ay la hadlayeen kuwa aysan ka helin.
Waxay sidoo kale ogaadeen in raggu ay ka heleen haweenka codka debecsan.
Daraasad taas la mid ah oo lagu sameeyay ragga iyo haweenka Faransiiska u dhashay ayaa lagu ogaaday in ragga Faransiiska ay ka helaan haweenka codka dabacsan.














