Madaxweynihii horee Nigeria oo iska soo sharaxaya xisbigii doorashadii hore kaga adkaaday

Published

Madaxweynihii hore ee Nigeria Goodluck Jonathan ayaa doonaya inuu mar labaad u tartamo doorashada madaxtinimada ee sannadka dambe dhacaysa, waxaanu haatan ka tartamayaa xisbi kale oo aan kiisii hore ahayn sida ay BBC ogaatay.

Jonathan wuxuu ku biiray xisbiga talada haya ee All Progressives Congress (APC) ee doorashadii 2015 isaga kaga adkaaday tartanka.

Koox taageerayaal ah ayaa shahaadada musharaxnimada iyaga oo isaga ka wakiil ah iibsatay Isniintii, taas oo ka dhigan inuu weli socdo dhaqankii ahaa in dadka danaynaya xilku ay adeegsadaan shakhsiyaad kale oo shahaadada musharaxnimada u soo iibiya.

Go'aan kiisa ah inuu tartanka galo isaga oo ka socda xisbiga APC ayaa filan waa ku noqday dad badan oo reer Nigeria ah, gaar ahaan xisbigiisii hore ee People's Democratic Party (PDP).

Muddo bilo ah ba waxa socday hadal hayn ahayd inuu si qarsoodi ah ugu biiray xisbiga talada haya laakiin Jonathan iyo dadka ku dhow toona arintaas kama ay hadal.

Xisbiyada siyaasadeed ee Nigeria ugu waaweyn ayaa la filayaa in ay qabtaan dabayaaqada bishan is reebreebka musharaxiinta, si cidda ku soo baxdaa ay 3 Juun u gudbiyaan shahaadooyinkooda musharaxnimo ee ay ugu tartamayaan doorashada dhici doonta Feeberweri 2023.

Qiimaha lagu iibsado shahaadada musharaxnimada xisbiga APC ayaa ah 100 milyan oo naira ah oo u dhiganta 240,000 oo doolar.

Qaadashada shaahada musharaxnimada ee Jonathan waxa ka soo horjeedsan doona ragga ay ka mid yihiin badhasaabkii hore ee gobolka Lagos Bola Tinubu, madaxweyne ku xigeenka haatan Yemi Osinbajo iyo wasiirka gaadiidka Rotimi Amaechi.

Ma cadda sababta Jonathan u go'aansaday inuu xisbigiisii ka baxo, laakiin waxa jiray hadal hayn ah in aanu ku faraxsanayn guul darradiisii 2015 waxaana wararku tibaaxayaan in uu qabo in shakhsiyaad miisaan ku leh xisbigu ay khiyaameeyeen.

Hadii uu ku guulaysto doorashada soo socota, sharcigu wuxuu u ogol yahay hal muddo xileed oo keliya taas oo ka dhigan in awooddu heshiis aan qornayn oo muran dhalin kara ay ugu wareegi doonto woqooyiga dalka, maadaama oo awoodda ay u kaltamaan woqooyiga iyo koonfurta dalku. Jonathan isagu wuxu ka soo jeedaa koonfurta dalka.

Cidii ku guulaysataba shahaadada musharaxnimada xisbiga APC ee doorashada soo socota waxa hor yaalla loolan adag oo uu la geli doono xisbiga PDP.

Musharaxiinta ugu cadcad xisbigaas sida Peter Obi, madaxweyne ku xigeenkii hore Atiku Abubakar iyo badhasaabka gobolka Rivers Nyesom Wike ayaa taageero badan ku leh dalka gaar ahaan koonfurta Nigeria.