You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Milatariga Masar oo qiray sarkaal iyo askar laga laayey
Af-hayeenka milatariga Masar ayaa sheegay in weerar lagu qaaday unug ciidan ah oo ilaalinaysay goob biyaha lagu sifeeyo oo ku taal bariga gacanka Suways ay ku dhinteen sarkaal iyo toban askari oo ka tirsan ciidankii goobtaa joogay shan kalena ay ku dhaawacmeen.
Qariib Cabdelxaafid wuxuu qoraal uu Twitter-ka ku faahiyey ku sheegay in hase yeeshee ay ciidamadaasi iska caabiyeen "weerarkaa argagixiso" ee lagu qaaday goobtaas oo ay ciidanku iska difaaceen "koox takfiiriyiin ah".
Waxaanu qoraalkaasi intaa ku daray in ay weli ciidanku caydhsanayaan kuwaa aragagixisada ah oo haantan ay ku hareereeyeen goob ku taal saxaraha Siinaa.
Waxa uu carrabka ku adkeeyey in uu socon doono dedaalka ay ciidamada qalabka sida ee Masar kaga takhalusayaan argagaxisada ee ay xidida ugu siibayaan.
Ciidamada booliska iyo kuwa milatariga ee joga Siinaa ayaa heegan la geliyey si loo ilaaliyo goobaha muhiimka ah, maadaama oo weerarkan lagu qaaday goob biyaha lagu sifeeyo ee aanay ahayn xarun milatari ama boolis sidii hore loogu yaqaanay weerarrada noocaas ah in lagu beegsado sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ahi.
Weerarkaa waxa cambaareeyey dalka Urdun iiyo sidoo kale maamulka Falastiiniyiinta waxaanay wasaaradda arimaha dibada Urdun qoraal ay soo saartay ku adkaysay taageerada iyo u diir naxa ay la barbar taagan yihiin Masar, waxaanay ugu tacsiyeysay ehelada askartii ku waxyeeloobay.
Aagga Siinaa waxa mudo sannado ah ka dhaqdhaqaaqaysay kooxda Jamaacat Wilaayat Siinaa ee hoos tagta kooxda la baxday Dawladda Islaamkia.
Weerrarada ay qaadayna waxa ku dhintay boqolaal ku dhintay milatariga iyo booliska masar iyo boqolaal dhaawacmay.
Waxay sii xoogaysteen hawladaha milatari ee aaggaasi markii wixii ka dambeeyey mudaharaadadii rayidku kaga soo horjeedsadeen markii milatarigu af-gembiyey madaxweynihii hore Maxamed Mursi ee ka tirsanaan ururka Ikhwaanka 2013-kii.
Waagaas ayaa Masar hub culus iyo ciidamo ka tirsan milatariga ay geysay Siinaa markii ugu horaysay tan iyo heshiiskii nabadeed ee ay Israel kula saxeexatay Camp David 1978, waxaanu milatariga Masar shaaciyey bishii Feeberweri ee 2018 hawl gal milatari oo weyn oo uu ka bilaabay Siinaa oo uu u bixiyey Hawlgalka Ballaadhan ee Siinaa 2018.