Mareykanka oo musuq iyo tacaddiyo ku eedeeyay Putin

Published

Waaxda gaashaandhigga Mareykanka ayaa ku eedeysay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu gudaha Ukraine ka geysanayo musuqmaasuq dhanka akhlaaqda ah oo ay ciidamadiisa ka wadaan halkaas.

Afhayeen u hadlay waaxda Pentagon-ka, John Kirby ayaa yiri, "muxuu yahay anshaxa u ogolaanayo Ruushka in uu qiil ugu raadiyo tacaddiyada uu geystay?"

Dhanka kale, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa Jimcihii sheegay inuu weli diyaar u yahay inuu wadahadal nabadeed la yeesho Putin.

Balse wuxuu ka digay in wadahadallada ay burburi karaan maadama uu Ruushka sii wado duullaanka.

Zelensky wuxuu intaa ku daray in uu doonayo in uu la kulmo madaxweynaha Ruushka.

Wuxuu sheegay in burburka ay ciidamada Ruushka kaga tageen deegaannadii ay qabsadeen ay wiiqeyso saameyntii la filayay in uu ka dhasho wada hadal kasta oo dhexmara labada dhinac.

"Bucha iyo Mariupol ka dib, dadka halkaas jooga waxay rabaan inay dilaan (ciidamada Ruushka). Marka aan xaaladan oo kale ku jirno way adagtahay in laga hadlo wax walba," ayuu raaciyay.

Ukraine ayaa Khamiistii hore ku dhawaaqday inay raadinayso in la xiro 10 sarkaal oo Ruush ah oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Bucha - oo ku taal duleedka Kyiv halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 400 oo qof.

"Uma maleynayo inaan si sax ah u qiyaasnay ​​heerka uu (Putin) ku noqon karo nin qaswade ah oo naxariis la'aan," ayuu yiri John Kirby.

Kirby waxa uu meesha ka saaray sababaha uu Putin ugu soo duulay Ukraine - ee ah inuu Ruushka iyo Ukraine ka ilaalinayo Naasiyiinta - isaga oo yiri: " Way adag tahay in hadalladan la waafajiyo waxa uu ku samaynayo dadka aan waxba galabsan ee gudaha Ukraine, dadka madaxa ka tooganayo, laaynayo haweenka iyo kuw uurk leh isla markaana uu duqeynayo isbitaallada"

Weriyaha BBC-da ee Kyiv Joel Ganter ayaa sheegay in ay jiraan cadeymo soo baxaya oo muujinaya in Ruushku uu xoog ku barakiciyay dad badan oo rayid ah oo ka soo gudbay xuduudda tan iyo markii uu duulaanka ku qaaday Ukraine bishii Ferbruary.

Sarkaal ka tirsan Ukraine ayaa BBC-da u sheegay in Ruushka uu isku dayay in maxaabiista rayidka ah ee Ukraine uu ku beddesho maxaabiista dagaalka ee Ruushka, taasoo mamnuuc ka ah heshiiskii Geneva.

Ruushka ayaa xaqiijiyay in ciidamadooda ay weerar dhanka cirka ah ku qaadeen caasimadda Ukraine, xilli uu dalka Ukriane booqasho ku joogay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay inay heegan gelisay hubka riddada dheer si loo beegsado warshadda gantaallada ee Kyiv.