Muxuu yahay Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka ee ay gudbiyeen Senetarrada Maraykanku?

Xigashada Sawirka, ,
Senatarrada Maraykanka ee kala ah Jim Risch, oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Xidhiidhka Dibadda ee Senate-ka, Chris Van Hollen iyo Mike Rounds, oo ah xubin ka tirsan guddi-hoosaadka Afrika ayaa maanta soo bandhigay Xeerka Iskaashiga Somaliland, kaas oo dhigaya in Wasaaradda Arrimaha Dibeddu ay warbixin ka siiso Congress-ka la macaamilka Somaliland.
Senetarradan ayaa sidoo kale soo gudbiyey in iyada oo lala tashanayo wasiirka difaaca la sameeyo daraasad la xidhiidha sidii loo samayn lahaa xidhiidh iskaashi oo dhex mara Maraykanka iyo Somaliland.
"Maraykanku wuxuu ahaan doonaa saaxiibka joogtada ah ee dadka Soomaaliyeed iyo dawladdiisa federaalka ah, laakiin Maamulka Biden waxa uu ku soo koobay siyaasadda 'Soomaaliya mid ah' taas oo wax u dhimaysa dhinacyada kale ee dimuqraadiga ah ee dalka," ayuu yidhi Risch.
"Waqtigan adag ee arrimaha caalamiga ah iyo Geeska Afrika, maraykanku waa inuu sahamiyaa dhammaan xidhiidhada suurtagalka ah ee faa'idada u leh labada dhinac, , oo aynaan isku koobin habab siyaasadeed oo duugoobay iyo qaab-dhismeed diblomaasiyadeed oo aan ku habboonayn xallinta caqabadaha maanta taagan."
Chris Van Hollen oo ka mid ah senetarrada soo bandhigay Xeerka Iskaashiga Somaliland, ayaa isna sheegay in "Iyadoo Geeska Afrika uu wajahayo xaalad deggenaan la'aan ah, kor u qaadista iskaashiga aan la leenahay kuwa gobolka ee qiimeeya maamulka dimuqraadiga ah iyo xorriyaadka aasaasiga ah ayaa fure u ah horumarinta danaha Mareykanka, hagaajinta xasilloonida gobolka, iyo taageeridda ku dhaqanka sharciga iyo xuquuqda aadanaha.
Senetor Chris Van Hollen oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas u daray in "Muddo tobannaan sano ah, ay Somaliland caddaysay in ay tahay deegaan xasilloon, dimoqraadiyad horumarsan iyadoo isla markaana ku dhex jirta bad colaadeed".
Van Hollen ayaa intaas ku daray in taasi ay tahay sababta loo kordhinayo fursadaha la macaamilka Mareykanka ee Somaliland oo ay macnaha u yeelanayso "Sharcigayagu waxa uu gacan ka gaysan doonaa hubinta in Maraykanku uu sahamiyo fursadaha waaweyn ee xidhiidhkan faa'iidada leh."








