Maxay ku dhammaatay arrinta wiilkii Afghanistan ee 4 bari ceelka ku jiray?

Published

Sheekada ku saabsan wiil lix jir ah oo u dhashay dalka Afghanistan ayaa indhaha caalamka soo jiidatay kaddib markii uu ku dhacay ceel, kaasoo uu ku xayirnaa afar maalmood.

Kooxda gurmadka ayaa saacado ku qaatay inay wiilka ka soo saaraan ceelka, balse xaaladda ayaa waji kale yeelatay markii lasoo bixiyay kaddib.

Arrintan ayaa kusoo idlaatay niyad jab iyo naxdin kaddib markii lagu dhawaaqay in wiilka yar uu badbaadi waayay.

Shaqaalaha samatabixinta ee gobolka Zabul ayaa maanta oo Jimce ah ku dhawaaqay in ay ku guuleysteen soo bixinta wiilka ceelka ku xanibnaa maalmaha, hase yeeshee, sida ay wariyeyaasha maxalliga ah u sheegeen BBC-da, cunugga yar ayaa neefsashada joojiyay islamarkii laga soo saaray ceelka.

Xubno ka tirsan kooxda gurmadka ayaa sheegay in ilaa shalay Khamiistii aysan wax cod ah ka maqlin ceelka, uuna joogsaday dhawaaqii markii hore kasoo baxayay wiilka iyo hadalladii lala wadaagayay.

God weyn ayaa loo qoday si loo gaaro halka uu wiilka ku xayirmay, markii lasoo bixiyayna waxaa diyaarad loogu qaaday isbitaal ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Zabihullah Johar, oo ah afhayeenka booliska gobolka Zabul ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP ku yidhi: "Wiilka wuu neefsanayay daqiiqadihii hore markii lasoo badbaadiyay, kooxda caafimaadkuna waxay ku xireen hawada oxygen-ta, balse markii loo qaaday dhinaca diyaaradda helicopter-ka ah wuu geeriyooday."

Waaxda warfaafinta iyo dhaqanka ee dowlad goboleedka Zabul ayaa laanta BBC Pashto u sheegtay in wiilka yar, oo lagu magacaabayay Xaydar, uu ceelka ku dhacay Talaadadii xilli uu ku lugeynayay wado ag marta halkaas oo ku taalla Tuulada Shokak.

Markii ugu horreysay way sahlaneyd in laga soo saaro ceelka oo 25 mitir ah, balse xaaladda ayaa faraha ka baxday kaddib markii ay dadka deegaanka isku dayeen inay soo bixiyaan.

Markii ay soo jiideen toban nitir ayuu meel dhexe ku xannibmay, maadaama ceelka uu yahay mid aad u dhuuban. Xaaladdaas ayuu wiilka yar ku jiray qiyaastii 30 saacadood.

Muuqaal ku faafay baraha bulshada ayaa laga maqlayay aabaha dhalay wiilka oo la hadlaya.

Muuqaalka ayaa waxaa laga dhex maqli karaa sheeko dhexmaraysa wiilka yar ee ceelka guntiisa ku jira iyo aabihii oo ceelka dul taagan.

Aaabaha oo dhahaya "Wiilkaygiyow ma wanaagsan tahay?" ayaa laga maqlayaa muuqaalka.

"Ila hadal oo ha ooyin, waxaan ka shaqaynaynaa sidii aan meeshan kaaga soo saari lahayn."

"Haye, waan sii wadayaa inaan hadlo," ayuu wiilka ku jawaabayaa isagoo ku hadlaya cod liita oo taag daran.

Muuqaalkan ayaa waxaa qaaday kooxaha samatabixinta kuwaas oo hoos kaamarada ugu laalaadiyay ceelka ciriiriga ah.

Horaantii bishan February ayay dhacdo tan aad ugu dhow qabsatay dhagaha caalamka, kaddib markii wiil shan jir ah uu ku dhintay ceel uu sidaasoo kale ugu dhacay.

Muddo shan maalmood ah ayay kooxaha gurmadka ku howlanaayeen badbaadinta wiilka, iyagoo ceelka ka garab qoday god weyn si ay u gaaraan meesha uu wiilka ku xannibmay.

Laakiin gurmadka ayaa ugu dambeyn ku soo idlaaday qalbi jab, waxaana markii wiilka yar lasoo bixiyay kaddib lagu dhawaaqay in uu geeriyooday.

Wiilkaas oo lagu magacaabi jiray Rayan ayaa ceelka ku dhacay xilli uu ku ciyaarayay agagaarkiisa.